Gudoomiye Ku-Xigeenka Koowaad Ee Xisbiga Mucaaridka Ah Ee WADDANI –Oo Madaxwayne Siilanyo Ku Edeeyay Inuu Ka Gaabiyay ICtiraafka Raadinta Somaliland | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Gudoomiye Ku-Xigeenka Koowaad Ee Xisbiga Mucaaridka Ah Ee WADDANI –Oo Madaxwayne Siilanyo Ku Edeeyay Inuu Ka Gaabiyay ICtiraafka Raadinta Somaliland
April 3, 2014 - Written by Editor:
HARGEISA(Wajaalenews);Gudoomiye Ku-Xigeenka Koowaad Ee Xisbiga Mucaaridka Ah Ee WADDANI Md:Axmed Muumin Seed ayaa waxaa uu Xukuumada uu gadhwadeenka ka yahay Siilaanyo ku eedeeyey inay ka seexatay in Ictiraaf ay ka raadiso dunida,waxaana uu ku dhaliilay in aqoonsiga Golaha Deegaanka Dagmada Sheffeild ay ku dhawaaqday in ay aqoonsato Madaxbanaanida Somaliland ay tigidho u goostaan qaar kamid ah Wasiirada Xukuumada Siilaanyo,waxaana uu sida oo kale uu  sheegay in ay dadaal weyn arintaasi ay ka gaysteen taageerayaasha Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI iyo Muwaadiniinta Jaaliyada Reer Somaliland ee halkaasi ku nool.

Md:Axmed Muumin Seed Oo maanta warbaahinta ugu waramaayey magaalada Hargeysa ayaa waxaa uu ugu horayn uu hambalyo balaadhan uu u dhiray dhamaanba shacbiga reer somaliland Ictiraafka ay Dagmada Sheffield ay aqoonsatay Somaliland awgeed,Waxaa uu sida oo kale uu ku hambalyeey Golaha Deegaanka Sheffeild Sida Hagar la’aanta ahayd ee ay ugu dhiiradeen inay Ictiraafaan Somaliland Waxaana uu hadaladiisii Kamid ahaa:

“Waxaan halkan aan kalmad kooban oo hambalyo ah aan u dirayaa Golaha Deegaanka Ee dagmada Sheffield oo runtii qabtay arin muhiima oo aynu ubaahnayn hadaynu nahay reer somaliland,Mahad naq balaadhan iyo hambalyo ayaan u jeedinayaa hawshaa balaadhan ee ay noo qabteen,een waxaan iyagana aan aad iyo aad ugu mahad celinayaa dhamaanba taageerayaasha xisbiga WADDANI oo iyagu marka runta la sheego doorweyn aad uga ciyaaray iyo dhamaan cid kasta oo ka qayb qaadatay iyo waliba dhamaanba jaaliyada reer somaliland eek u nool dagmada Sheffield cid kasta oo hawshaa ka qayb qaadatayna waxaan leenahay waad mahad santihiin..”.

Ku Simaha Gudoomiyaha Xisbiga WADDANI ahna gudoomiye ku xigeenka Xisbigaasi Md:Axmed Muumin Seed ayaa isaga oo hadalkiisa sii wata uu yidhi

“.Runtii dalkeena marka aynu dib ugu noqono xukuumadihii isaga kala danbeeyey waxaa marag madoona oo aad ogaydeen in xukuumada madaxweyne siilaanyo uu hogaaminaayo xukuumadii ka horaysay ee daahir rayaale wakhtigii ay iyadu jirtay waxaa ad inoo taageeri jirey baarlamaanka Ingiriiska oo 46 Xildhibaan ay ina taageersanaayeen,Xukuumadan imika jirta 46-Kii Xubnood meel ay ku danbeeyeen iyo cid kadaba tagtay toona ma jirto taasina waxaa ay cadaynaysaa in xukumadani ay ku liidato arimaha dibada iyo raadinta ictiraafka somaliland,waayo maanta halkaa aynu marayno horaan uga socon lahayn hadii dawladu ay aad u dadaasho waxaa maantana ay xukuumadu  ay isku sawiraysaa arinkaa golaha deegaanka ee Sheffield oo shicibka iyo xisbiyada mucaaridka ahi ay xoog uga shaqeeyeen oo ay xukuumadu ay tigidho badan ay u goosatay markaa waxaan leenaha xukuumada waa inay ka shaqaysaa oo ay u hawl gashaa dalkan sidii aqoonsi loogu helilaha

WAJAALENEWS DESK
HARGEISA OFFICE
EAMIL;WAJALENEWS@GMAIL.COM
COMMENTS
LINKS