Gudoomiyahii Ururkii Xisbullaah Ee Somaliland Oo Idaacadda Al-Shabaab Ugu Waramay Gudaha Hargeysa, Dagaallada AMISOM-Na Ku Tilmaamay Duullaan Lidi Ku Ah Islaamnimada | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Gudoomiyahii Ururkii Xisbullaah Ee Somaliland Oo Idaacadda Al-Shabaab Ugu Waramay Gudaha Hargeysa, Dagaallada AMISOM-Na Ku Tilmaamay Duullaan Lidi Ku Ah Islaamnimada
April 30, 2014 - Written by Editor:

Hargeisa(Wajaalenews)Guddoomiyaha Urur Diimeedka Xisbullaahi, Sheekh Maxamuud Cabdillaahi Geelle, ayaa si weyn u taageeray dagaallada kooxda Al-shabaab kula jirto ciidamada huwanta ah ee AMISOM iyo kuwo Soomaaliya, waxaanu sheegay inuu ku faraxsan yahay in qabaa’ilka Soomaaliyeed ay imika bilaabeen inay door ka qaataan dagaalkaasi oo ay taageeraan Al-shabaab.

Sheekh Maxamuud Cabdullaahi Geelle, waxa uu sheegay in dagaallada ay kula jiraan Al-shabaab ciidamada AMISOM oo dhawaan lagu daray Ciidamada Itoobiya uu yahay duullaan lagula dagaalamayo diinta Islaamka isla-markaana lagu fidinayo diinta Kiristaanka, sidaa daraadeedna loo baahan yahay in sida AMISOM ay isku bahayseen ay isku bahaystaan ummadda Soomaaliyeed, si buu yidhi la isaga dul-qaado waxa uu ugu yeedhay dulmiga.

Sheekhan oo isaga oo Hargeysa jooga u waramay Idaacadda Al-furqaan oo ka mid ah idaacadaha ku hadla Afka kooxda Al-shabaab, ayaa isaga oo ugu horeyn ka hadlaya sida uu u arko dagaalada Al-shabaab iyo AMISOM ee ka socda koonfurta iyo badhtamaha Soomaaliya, waxa uu yidhi “Dagaalka socda Soomaaliya, waa duullaan dhab ah, waa duullaan Macatableydu ay ku soo qaadeen dalka Soomaaliyeed, si aanay uga hirgalin shareecadda Islaamka, waana duullaan dhab ah oo la rabo marka koowaad in lagu cidhib tiro shareecadda Islaamka iyo dadkeeda, marka labaadna lagu addoonsado Muslimiinta ee ILAAHAY dhulkan ku beeray, oo kiristaannimo iyo fisqi lagu beero”

Sheekh Maxamuud Cabdilaahi Geelle, waxa uu dagaalka AMISOM ee Soomaaliya ku macneeyay mid caqqiido “Waa duullaan caqiido oo lagu soo qaaday ummadda Soomaaliyeed. Waanan ku faraxsanahay wararka aan idaacadaha ka maqlayo in beelihii isku dili jiray qabaa’ilka inay maanta u dhaqaaqeen diintooda, inay difaacaan gabdhahooda, waxaanan dhammaan qabaa’ilka Soomaaliyeed ay qoriga qaataan oo dawladaha Macatableyda ah ee isku soo bahaystey ay iyaguna isku bahaystay, iyagoo Allaha Raxmaanka ah kaashanaya, nasrigiinna wuu taagan yahay…” ayuu yidhi, waxaanu intaasi ku daray isaga oo canaanaya culimada Soomaaliyeed ee aan ka hadal dagaallada Al-shabaab ama waxa uu ugu yeedhay xaqa “Ninka Muslim sheeganaya ee weliba Caalim ah ee diinta garanaya ee Hablihii Muslimiinta ahaa lagu hor kufsanayo ee dalkiisii la qabsaday ee diintiisii lagu haysto ee dastuur loo dejiyey, waxaan leeyahay kaasi Muslim maaha’e waa Murtad, kuwa Gaalada kabo qaadka u ah dawlad-baad ku sheegtaan, dawlad maaha ee waa damiir laawayaal, waa wax aan muslimiin ahayn…”

Sheekhu, waxa kale oo uu ka hadlay heshiis dhex mara Soomaaliya iyo Itoobiya “Itoobiya iyo dadka Soomaaliyeed ma heshiinayaan adduunyada oo xagga kale iska rogta mooyaane iyo dadka Soomaaliyeed oo Mucatab qaata mooyaane” ayuu yidhi, waxaanu intaasi ku daray isaga oo ka hadlaya Soomaalidii xaafadda Islii ee Magaalada Nairobi ee la dhibaateeyay “Dadkaasi waa dad Soomaaliyeed oo dhibaatada lama jecli, haddana dhinac markaad ka eegto way ku haboonayd in dhibkaasi soo gaadho, maxaa yeelay dad mucatabley ah oo ay ogyihiin inay Diin ahaan u neceb yihiin oo ay cadaawad u hayaan, Soomaali ahaanna u neceb yihiin markay magan galeen ee ay hantidoodii galiyeen in la dhacaa waa waajib, waayo waxay ahayd in hantidaa ay halkaa galinayaan (Islii) inay diintooda iyo Maatidooda ku difaacaan, markaa nacasnimada markaad eegto waa dad cadowgoodii Maalgaliyey, ilaa sidaa lagu sameeyana ma fahmayaan….”ayuu yidhi.

Sheekh Geelle, ayaa dhowr jeer ciidamada ammaanka Somaliland xidheen, ka dib markii uu sidan oo kale taageero ugu muujiyey kooxda Al-shabaab oo Somaliland iyo dalalka Adduunka laga aaminsan yahay inay Argagixiso yihiin.”

 

Wajaalenews.Net

Hargeisanews.Net

COMMENTS
LINKS