Gudoomiyaha-Xisbiga-KULMIYE-Oo-Daboolka-Ka-Qaaday Carqaladaha Soo-Wajahay-Intii-Ay Ergooyinka-Soo-Xulayeen | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Gudoomiyaha-Xisbiga-KULMIYE-Oo-Daboolka-Ka-Qaaday Carqaladaha Soo-Wajahay-Intii-Ay Ergooyinka-Soo-Xulayeen
April 3, 2014 - Written by Editor:

HARGEISA(WAJAALENEWS);Gudoomiyaha Xisbiga Muxaafadka ah ee KULMIYE Muj:Muuse Biixi Cabdi Oo maanta u waramaayey qaar kamid ah Warbaahinta ayaa waxaa uu daboolka ka qaaday in 221-Xubnood oo Ergooyin ah lagu kordhiyey,Tirada ergooyinkii hore ee lagu dhawaqay waxaana uu sheegay in ay gudida qaban qaabadu ay farsmo ahaan uga maarmi weyday gudida fulinta ee xisbiga.

Gudoomiyaha Xisbiga KULMIYE Muuse Biixi Cabdi waxaa uu ugu horayn uu ka hadlay qaabkii ay gudida farsamada ee qaban qaabada shirweynaha xisbigu ay hawsha u soo galeen waxaana ka mid ahaa hadaladiisii:

“..Gudida Qaban qaabada oo ah gudi farsamo oo aanu hawshan u dirnay meel fiican ayey soo gaadhsiisay haseyeeshee qodobada qaar baa ku adkaaday oo ay u baahdeen In hogaanku la eego,waxay noo keeneen sabtidii sadex cishana waaanu ku dhamaynay,sadexdaa cishana wax dhibaata ah iyo wax rafaada oo naga gaadhayna ma jirin..markaa shirweynaha hawlihii farsamo ee qolada qaban qaabinta ahi naga codsadeen waanu dhamaynay waxaana nagu soo baxay farsamooyinka ay iyagu u baahdeen inaan xalino oo iyagana aan awoodooda ahayn oo awood noqotay gudi fulineed..”.

Muuse Biixi Cabdi Waxaa uu sida oo kale uu ka hadlay qodabadii ugu darnaa ee keenay in shirweynaha qabashadiisa dib loo sii riixo waxaana uu yidhi:

“..Gobalo dhan iyo baarlamaan dhan oo  u udub ahaa oo xaga kulmiye u soo diga rogtey arintaasina waxaa ay u baahatay marka hore in la so dhaweeyo oo waa tu aan u baahanahay waanu soo dhaweynaynaa cida nagu soo biirtay oo dhanba oo waxaa loo baahday sharciyadeedii iyo isla ogalaashiyaheedii xisbiga in si sifo sharci ah ay dadkaasi ergada uga qayb galaan ilayn iyagu may ahayn dadkii markii hore xisbiga ka qayb galayee halka culaysku naga haystay iyagana gudida qaban qaabada haysaray taasa ayey ahayd.waxaaa kale oo nagu soo baxay laba qodob oo kale oo qaban qaabada gacan toodu xalin Karin weyday waxaa weeye mujtamceenu marka aynu siyaasada ka hadlayno haweenka somaalidu meel ay joogaanba gaar ahaan kuwa somalilad marka ay joogaan meel waxlagu qaybsnaayo kuwa siyaasiga ahi waxba looma ogala,hadana marka wixii gobalo la geeyo ama degmooyin somalidu dhawr cudur oo ay qabaan ayaa ku jira oo markaaba ay isha ku eegayso deetana inanta waxbaba loma ogala kay u dhaxday iyo kay ka dhalatayba halkaasna waxaa nooga soo baxday inaan dumarkii aanu wax gaara u qabano.ka sadexaad waxa weeye ee nagu soo baxay dadka layidhaahdo qurbe jooga oo marka waxa lagu qaybinaayo hadaad gobalo aad dirto  oo gobaladiina deegaamo ay tagayaan oo deegaamadiina ay qabaa’il noqondoonaan qurba joogii waxba u hanbayn maayaan kaana waxaa ay noqotay inaan qayb aanu ugoyno waxaana qaybahaa aan kuu soo sheegay naga qaadatay inaan ergada aanu ku darno ilaa 221-Xubnood oo ah intaan uku darnay ergada.. tirada guudna waxaa ay noqotay 1162-Xubnood oo Ergooyin ah waayo waxaanu ku darnay

 

WAJAALENEWS DESK

HARGEISA OFFICE

EMail;wajalenews@gmail.com”

COMMENTS
LINKS