Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE Oo Hanbalyo u diray shaqaale waynaha Jamhuuriyadda Somaliland | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE Oo Hanbalyo u diray shaqaale waynaha Jamhuuriyadda Somaliland
April 30, 2014 - Written by Editor:

 Ku:   Saxaafadda Ujeeddo: Hambalyo

 HARGEISA(Wajaalenews);Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi isagoo ku hadlaya magaciisa, ka hoggaanka, Guddiga Fulinta, Golaha Dhexe iyo ka dhammaan taageerayaasha xisbiga KULMIYE, waxa uu hambalyo iyo bogaadin u dirayaa shaqaale waynaha Jamhuuriyadda Somaliland munaasibadda maalinta caalamiga ah ee shaqaalaha adduunka awgeed oo ku beegan 1-da bisha May 2014.

Guddoomiyuhu waxa uu u rajaynayaa shaqaalaha reer Somaliland inay sannadka kiisa kale ku gaadhaan caafimaad iyo horumar.

 ALLA MAHAD LEH

 Xasan Siciid Yuusuf

Xoghayha Guud ee Xisbiga KULMIYE

COMMENTS
LINKS