|
|||||
WAJAALE NEWS
Guddida Diiwaan Galinta Codbixiyayaasha Iyo Aqoonsiga Muwaadinka Oo Iclaamisay Xiliga Uu Bilaabmayo Wajiga Labaad Ee Diiwaan Galintu
April 23, 2014 - Written by Editor:Hargeisa(WJN)Agaasimaha Guud Ee Wasaarada Arrimaha Gudaha Somaliland Cabdi Samad Cumar Maal Oo Ah Guddoomiyaha Guddida Diiwaan Galinta Codbixiyayaasha iyo Aqoonsiga Muwaadinka Ayaa Maanta Shaaciyey In Ay Sabtida Bilaabi Doonaan Wajigii Labaad Ee Diwaan Galinta Codbixiyashaasha. shirjaraa’id oo sida wada jira ah guddidaasi ugu qabtay magaalada hargaysa ayaa waxa ay ku shegeen in ay bilaabi doonaan shaqaalahii ka shaqayn lahaa diiwaan galinta. dhinaca kale waxa ay bayaamiyeen in shaqaalaha lagu qaadan doono ardayga Sita uun shahaado jaamacadeed oo la aqoonsan yahay isla markaas bartay cilmiga ICTGa. Agaasimaha Guud ee wasaarada Arrimaha gudaha somaliland oo aha guddoomiyaha guddida Guddida Diiwaan Galinta Codbixiyayaasha ayaa sharaxaad ka bixinaya sida loo qaadanayo shaqaalaha ka shaqayn lahaa diiwaan galinta” “Halkan waxa fadhida guddidii farsamo ee diiwaan galinta cod bixinta aqoonsiga muwaadinka qaranka waxaanu saaka iclaaminaynaa inaanu bilaabi doono talaabadii labaad oo ah shaqaalaynta ama shaqo qorista shaqaalahii diiwaan galinta ka qayb qaadan lahaa ee gobolada,nidaamka shaqaalahaas lagu qorayo waxa ka mid ah jaamacada qaranka ee dalka,gobolada iyo degmooyinka ay ka dhacayso diiwaan galintaasi waxa ay dadka shaqaalahii intaxaanka ku qaadanayaa jaamacadaha gobolada dalka ku yaala waxaana ka qaadaya macalimiinta jaamacadaha tusaale ahaan gobolka Awdal degmooyinka saylac lug-haya baki iyo boorama shaqaalaha diiwaan galintu ee goboladaasi ka shaqaynaya waxa y inta xaanka ku galayaan Jaamacada Camuud. Agaasimaha guud ee wasaarada Arrimaha gudaha somaliland oo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu intaasi ku daray”Degmooyinka hawd hargaysa gabiiley iyo salaxlay shaqaalaha laga qaadan doonaa waxa ay intaxaanka ku gali doonaan Jaamacada Hargaysa Iyo Jaamacada Tima-Cade,shaqaalaha ka shaqaynaya degmooyinka Barbara, sheekh iyo degmooyinka kale ee hoos yimaada ee D ah waxa ay inta xaanka ku gali doonaan jaamacada Barbara,ardayda joogta magaalada burcana waxan ay ku gali doonaan inta xaanka jaamacada burco sool iyo sanaagna iyaguna li mid. dhinac kale agaasimaha ayaa waxa uu ka hadlay cid intaxaanka ka qaadaysa ardayda diiwaan galinta codbixiyayaasha samaynaysa waxaana uu yidhi”Dalka ayaa lagu qaadayaa intaxaankii diiwaan galinta codbixiyayaasha waxaana qaadaya waxa weeyaan macalimiinta jaamacadaha cid ka hawl galaysaana waxa ay noqonaysaa haay’adda shaqaalaha dawlada iyo xubno ka tirsan guddida diiwaan galinta oo ukala bixi doona bari ilaa saadanbe gobolada iyo degmooyinka waxaana ay araaji qabashadu bilaabmaysa Maalinta sabtida waxaana lasoo dhaji doonaa shaqo qayaxidii tilmaamayse shaqaala la rabo shuruudaha looga baahan yahay oo heer jaamacadeed waxaana lagu soo dhajin doonaa dhamaan warbaahinta iyo degmooyinka ay ka dhacayso diiwaan galintu. sidoo kale waxa uu ka waramay cid kawada hawl galaysa diiwaan galinta codbixiyayaasha waxaana uu yidhi”Waxa ka wada hawl galaysa oo waliba doorka koobaad ee ugu muhiimsan leh haay’adda shaqaalaha iyo guddida loo xilsaaray diwaan galinta waxaana meesha aan ka baxsanayn oo Iyana ku jira maamulayaasha degmooyina badhasaabo ku xigeenka gobolada maayarada dalka ku xigeenadooda iyo xog-haya fulinta ee dawladaha hoose ayaa Iyana ka maqnayn doorka ay ku leeyihiin hawshaasi sidii ay habsami ugu socon lahayd Iyana doorkooda ka qaadan doona waxaana kale oo Iyana masuuliyadooda qaadan doona masuuliyiinta kale ee heer gobo loo ay mid yihiin taliye qaybeedyada taliyaha saldhiga gobolkaas oo Iyana hawshooda amni qaadan doona dhankooda,markaas waxa inoo bilaami doona in aynu qorno shaqaalahii ka shaqayn lahaa hawshaas diiwaan galinta qorihi lahaa dadkii lasiin lahaa kaadhka aqoonsiga diiwaan galinta oo lagu sugayo muwaadinka reer somaliland xaqiisa shaqaalahaasi waxa laga qori doonaa qofkasta gobolka uu jooga waxaana qofka lagu qaadan doonaa inta badan waxa ay u badan tahay inuu wax ka yaqaan ICTga iyo inuu sito shahaado jaamacadeedn oo la aqoonsan yahay.
Wajaalenews.Net Hargeisa/Office
Related posts:COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|