|
|||||
WAJAALE NEWS
Golaha Deegaanka Sheffield Oo Cod Caqlabiyad Ah Ku Aqoonsaday Madax-banaanida Somaliland
April 2, 2014 - Written by Editor:Sheffiled(Wajaalenews) – Golaha deegaanka Magaalada Shieffield ee cariga dalka Ingiriiska, ayaa goor dhaweyd cod caqlabiyad ah ku meel-mariyey codeyn u qaadeen aqoonsigooda Madax-banaanida Jamhuuriyadda Somaliland, taasi oo maanta loo ballansanaa inay dhacdo.Codeynta xildhibaanada Golaha deegaanka Sheffield u qaadeen inay aqoonsadeen isla-markaana ictiraafaan Gooni isu-taaga iyo Madax-banaanida Somaliland, ayaa waxa ka qayb-galay boqollaal ruux oo ka mid ah jaaliyadaha reer Somaliland ee ku dhaqan Magaalooyinka kala duwan ee dalka Ingiriiska, kuwaasi oo u debaal-degaya ictiraafka Somaliland ee Sheffield.Waxa kale, oo ka qayb-galay wefti xukuumadda ka socday oo ay ka mid ahaayeen Wasiirka Arrimaha dibadda, Maxamed Biixi Yoonis, Wasiirka Macdanta, Eng. Xuseen Cabdi Ducaale, , wakiilka Somaliland ee Ingiriiska, xildhibaanno mid ah Baarlamaanka Uk iyo dadweyne kale oo ka mid ah jaaliyadaha reer Somaliland oo ka kala yimid gobollada fog-fog ee dalka boqortooyada Ingiriiska.Xildhibaanada Golaha deegaanka ee Sheffield oo ka kooban 88 Mudane, ayaa markii codka loo qaaday inay aqoonsadaan Madax-banaanida Somaliland iyo dalka Jamhuuriyadda Somaliland ka mid yahay dalalka adduunka ee beesha caalamku aqoonsan tahay, waxa ogolaaday 86 Xildhibaan, halka hal xildhibaanna ka aamusay, hal mudanana wuu ka diiday taasi oo ka dhigan in xildhibaannada Golaha deegaanka Sheffield ay cod buuxa ku meel-mariyeen ictiraafka ay u fidiyeen Somaliland iyo dadkeeda.Fadhigga golaha deegaanka Sheffield ku aqoonsaday Somaliland oo ay ka qayb-galeen dadwaynaha iyo masuuliyiinta
WIXII KASOO KORDHA ARINTA QADIYADA SOMALILAND OO AH MARKII UGU HORAYSAY EE BOGCAD CAALAMKA KA MIDIHI AQOONSATO JIRITAANKA SOMALILAND KALA SOCO WAJAALENEWS DESK EMAIL;WAJALENEWS@GMAIL.COM WARIYE MM.X Related posts:COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|