Gogoll Dulin Badan; Qalinkii Garyaqaan Cabdale Dahir Adan | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Gogoll Dulin Badan; Qalinkii Garyaqaan Cabdale Dahir Adan
April 9, 2014 - Written by Editor:

HARGEISA(WAJAALENEWS);Bulsho meel eebe wada dhigay, oo isku yool iyo higsiba wadaagtaa, kama maaranto, mid iyaga ka mida oo caynaanka u qabta kuna hogaamiya halka ay u xadhko xidhatay, iyada oo taasi tahay rukunka guusha ee bulshadaasi asaageed ku dhaafi karto, hadii se kii ay duubka ugu xidhay in uu wanaaga iyo samaha u hor-kaco, uu noqdo rati heeryo cuna oo kaliya isku wareejiya hebelada cambaarta leh, ee bulshadu hore uga caal-weyday waa mid si dhaba loogu garan karo in uu yahay hogaamiye aan dug iyo dhaxal uu reebo daaye ka taga dhuxul dambas huwan oo u taal faca ka dambeeya, waana halka uu Abwaan hadraawi kaga yidhi Maansadiisa HOOMBARO

Maxaad boog horeetiyo

Haydaar daweysaa

Dadkii sawtan haadkiyo

Haan raawe boobeen.

Hadaba hadii Hogaamiye noqdo higil qodax badan iyo gogol dulin badan, ogaadaa oo maankiina galiya kaasi waa mid heemaal iyo hayal hogaamineed dibadda ka hurda, waxa kaliya ee talu kaga ururtaana waa qasab iigu sacab-tuma, iyo dhagax beena oo aan midho buuran dhalin.

Hadaba waxa aan si hufan oo aan xanaf lahayn aan qalinka ugu cadayn doonaa boogaha ku yaal maamulka madaxweyne siilaanyo, oo afartii sano dhamaystay, oo tan iyo mudadaas uu meesha joogay waxa magiciisa u dhigma aan ka qaban Somaliland ee kaliya baraarugaay marka ay dhirbaaxo ku dhacdo sida indhoolaha, iyada oo ay tahay manta inta hogaamiye u nool Qarankeena Somaliland in uu yahay kan ugu magaca iyo waaya aragnimada badan, hadana kama hayno wixii magacaas u dhigamay, iska daa taase nabarada ku yaal wali korka Somaliland waa kuwii uu kaga tagay kii ka horeeyay.

Hadaba si aan xog dhaba oo xalan ay u noqoto xogtani aan idin qodobeeyo, si qofkastaa u dhugto, halka aan farta ku fiiqayana uu si fudud u arko, waxan aan ku bilaabayaa sidan.

1-    Qashinkii udub soo laabay

Waa dhab oo hadii aad hoos u eegto iyo hadii aad dusha ka eegto, raga ku wareegsan Madaxweyne Siilaanyo, waa ragii UDUB haba ugu tun weynaado Waran-cade, iyo rag aan dhaamin ragii Riyaale jarka uga talaabsadday, waxan ay dufan-jeceshii u soo wada diga-rogatay dhanka Kulmiye,  waxa ugu mudan raga sida aadka u badan fartuna ugu godan tahay.

1-    Wasiirka Madaxtooyada Xirsi Xaaji Cali Xasan

Xirsi qabka ku jira waxa uu la gaadhay heer uu yidhaa rag baa caano riyaad sankaka keeni, isaga oo ay tahay hadiiba uu yahay masuul dhaba in uu dulqaad iyo daganaan wax ku wado, waayo rag lama xiniinyo taabto, ee sidii Garaad Wiilwaal sheegay baa ina raga lagu maamula.

2-    Wasiirka Macdanta Xuseen Cabdi Ducaale

Xuseen waxa uu gaadhay in iska daa distoorkee in cidii fartaba ku fiiqda in uu irida u saaro, waxana marag cad u ah xogaha uu soo ban-dhigay Wargayska Haatuf, ee dhabarka ku haysa lacagaha ku maqan Wasiir Xuseen. Waxana taas baka sii daran sida cad ee uu u baal-maraayo distoorka iyo xeerarka u yaala Somaliland, oo ah in heshiisyada uu hor-keeno golaha wakiilada, ileen waxa uu ku galayaa heshiisyada waa magca Somaliland.

3-      Baashe moorgan

Oo wax xila aan u hayn qaranka ee kaliya ah, in uu Madaxweynaha gadhiisa qabo, waxa aan si cad ugu leeyahay baashe qaranka Somaliland xil kuma lihid ee odayga kuu sodoga ah baad xil ku leedahay, ee kala garo xilka dhaqanka iyo xilka qaranka, kibirkuna kaa socon maayee caga dhigo inta goori goor tahay.

4-    Wasiirka Arimaha Gudaha Cali Maxamed Waran-cade

Waa nin dusha aad ka moodo in uu yahay wadani dhaba, se ah dhuxul dambas huwan, oo ku mamay sida shilinta dhiiga iyo dheecanka bulshada Somaliland, waana mid ka mida rukunadii ay ku taagnayd Xukuumadii Tuugtu ee UDUB, waa nin xanuunsanaaya hadii aan xil loo dhiibin, kaliya hadii uu yahay nin rageed waxa uu magan galin lahaa hantidii Wasaarada Duulista Iyo Hawada, ee uu ahaa ninkii ugu dambeeyay, ee ka noqda xiligii UDUB.

5-    Wasiirka Maaliyada Cabdicasiis Samaale

Waa nin dhadhamo ku dhameeyay maalka bulshada, oo harag wadaad u soo xidhay, hantida bulshada Somaliland, isaga oo ay ka soo hadhay Quraan uu akhiryo, iyo ilahay baa sidan yidhi, se ay ka tahay ku af-gobaadso, se maaha wax uurka ka jiraa, waxan taas marag cad u ah, Eng Maxamed Xaashi waxa la dareemay wanaagiisa isaga oo 18 bolood haya, Saamaale oo haya mudo 2 sano ahna wax bulshada wada taabta lagama hayo.

Ragani waa raga ugu xajiinta iyo xanafta badan ee ku yaal jidhka Maamulka Siilanyo, waana raga ugu musuqa badan ee gabasho daaye, la soo taagan wax baanu qabanay, waxa ay qabtaan daaye wali jidinkuba uma qoyin.

Hubaal dhaba weeyi oo manta dusha u saran odaygan talada gabay, ee kaliya la leeyahay bari buu wax ahaa, hada waa nin qol lagu xidhay oo hawshii loo doortay ilaabay, hawshiina gacanta ugu jirto rag aan dalqadooda mooyee aan wax kale u jeedin, waxana uu Wasiir Samaale u dhigamaa habartii uu Abwaan hadrwaai ku sheeegay Maansadiisa Dhahar, waxana uu ku yidhi.

Dhilaw yahan kan geedkii

Lagu beeray dhiigyo

Dheecaanka wadhatada

Dhexda tolaw isaga maray

Dhirta tolaw ma u ab tiriyaa

Sida dhalashadeediyo

Dhaqankeedu kala yahay

Mise wuxuu ka dhigan yahay

Habartii mar dhooftee

Doonidu la dhacantee

Bada dheeligeediyo

Dhaxantiyo dabaylaha

Dhawawalan ka qadee

Kadib dhawr ayaamood

Iyadoy dhaqaaliyo

Nafba kala dhaqaaqeen

Salka dhigatay ciidee

Dhulaw kaama kaco tidhi

 

2-    Dhibta taagan waad ugu timi

Waxa manta gayigeena ka muuqda rafaad iyo baahi, waa wixii uu ugu yimi hadii ay tahay.

1-      Biyo la,aan

2-      Caafimaad daro

3-      Shaqo la,aan fool xun

4-      Dhibta ka taagan bariga Somaliland ( Sool iyo Sanaag Bari)

5-      Aqoon xumo

6-      Wado xumo

Intaas oo sida cadceeda u muuqata ayaa taal dhulkeena, oo ah dhamaan qodobadii uu ku galay tartankii doorashada sida ku cad buuga Kulmiye.

Waa dhab waana qodxo ku mudan maamulka odayga talada gabay, waxana uu ka dhigan yahay ayaxii uu Abwaan Hadraawi ku sheegay Maansaddiisa Indho Badan ee uu ku yidhi.

Ayaxaw ayaxaw

Ayda waad dhilataa

Aafadaada miyaan

Aagna looga gudbayn.

Dhilashada iyo diirashada ragan u xaytay ee hadana laga kari la, yahay  hogaaminta bulshadeen, kama weynaadaan kamana xishoodaan ee si cad oo badheeda ayay falkaas u sameeyaan iyaga oo aan cid ay wax isaga tiriyaan aanay jirin, heer waxa ay gaadheen ay garashadii iyo maankii bulshada ku ciyaaraan, oo ay isaga dhigaan sidii dhurwaagii uu Abwaan Hadraawi ku sheegay, ee ahaa dhurwaagii maganta is yidhi celi, ee ileen gacan malahee, micida is yidhi ku celi, ee hadba muruq u siibtay.

Nabarka ugu weyn mee manta bulshadeena dhabarka kaga habsaday waa iyada oo ka aradan nin si dhaba ugu hitiqiya tubta asaageed qaaday, gaadhsiiyana bulshooyinka u hayaamay dhanka horumarka, ee ka haayiray xumaha iyo xatooyada, nabarkaasi waa mid halisa mana muuqato cidii si dhaba u eegi lahayd ee bulshada ka xumad-saari lahayd, maxaa yeelay hadii halka aad ka soo xulanayso hogaanku tahay meel wada liidata, kaad ka doorataaba waxa uu noqonayaa mid heeryo cuna oo aad tidhaa malaha kii hore ayaa dhaamay.

 

3-    Geedigaagu sahan ma laha

Garashadu waa waxa haga qofka, ee ka duwa hataqaha ku yaala jidka uu cagta saaray, hadii kale oo aanay garasho iyo kasmo hagayn waxa uu hadba ku hoobtaa booraan, waxana watigu kaga lumaa hadba booraan ka bax, waayo waa qof qar jafaaya oo aan wadan sahaydii uu ku mari lahaa jidka, waxana ugu mudan sahaydaas hadii bulsho rabto in ay guurto in ay qodobadan si cad oo qeexan uga war-celiso,

1-      Maxaan u guuraynaa?

2-      Halkeen u guuraynaa?

3-      Geediga sahaydiisii ma wadanaa?

Waxan sahaydaas ugu mudani waa qorshe cad oo leh hawl-qabadyo mudaysan oo la yaqaan waxa la qabanaayo iyo waxa ku baxaaya hawsha la qabanaayo, iyo mudada logu qabanaayo hawshaas.

4-      Yaa ina hogaaminaaya?

Weydiimahaas oo dhan hadii aan si xulan oo xalan aan loo lafa-gurin hubaal weeyi in bulshadaasi ka hadhayso bulshooyinka si dhabta ah ugu sahay qaatay geedigooda, waxana dhaba hadalkii Barahaygii Abwaan Gaariye yidhi.

Nin dariiq xariiqdaa

Garan kara dayawdee

Dhidarkii ku kacay danab

Doc kastaaba waa u daw.

Hadaba waxa manta raga hogaanka inoo hayaa ka qaawan yihiin waa qorshe la’aan, iyo aqoontooda oo aad u gaaban, kaliya meesha marka ay fuulaana waxa ay ku foofaan ka xoolayso mudo yar baad joogtaaye, iyo iyaga oo inta kasmadoodu gaaban tahay ka dhigta raga u dhaw.

Hadaba hadii arin kaas yahay maxaa talo ah, ama dhankeen uga diga-roganaa dhibtan? Waa weydiin mudan oo qofku dareemayo, runtuna maaha hadii aad tahay qof raba wanaaga bulshadiisa in uu soo gubiyo dhaliisha, se waa in uu ku ladho dhaliisha toosinta iyo dhanka uu u arko in looga guuro dhibtan.

Waxa bulsho rabta in ay geedi waara guurto, oo faceeda dambe u noqda midho ay gurtaan, u haboon in ay lahaadaan rugo kasmo baadhiseed oo uga war-celiya waydiimaha hor-yaal geedigooda, waana waxaka maqan Qarankeena Somaliland, waxan aan soo jeedinayaa in Wasaarada qorshaynta qaranka loo badalo rugta kasmo-baadhista qaranka, oo noqota halka lagu soo bisleeyo qorshayaasha qarankeenu u baahan yahay, oo ay yeelato madaxbanaani dhaba oo aan cidi u suul-dhabaalayn, madaxana u salaaxin, waayo hadii aqooni waydo madaxbanaaani dhaba waxa ay noqotaa mid midho xun beerta, oo dhanka guul-wadaynta u janjeedha.

Waxa kale oo iyaduna haboon, meeshana taal in aan bal hal mar yar iyo wayn aan u wada kacno sidii aan u dabooli lahayn baahiyaha bulshadeena, sida bulshooyinka kale yeeleen, oo aan taas marka aan dhamayno aan u soo jeedsano nin iyo aragtidii, se ta ugu mudani waa daboolida baahiyaha bulshada oo inaga galay cid ku dooro iyo cid ku diid, iyo anigaa qaban ee hebel yaanu qaban, waxaas oo dhami waxa ay gadaal u dhigayaan geediga aan rabno in aan guurno.

 

4-    Qasab iigu sacab tuma

Wax yaabaha ugu mudan ee qof leeyahay waa dareenka uu ku qeexxayo, rabitaankiisa, isaga hab nabadeed u marayaa, kuna sheegaya waxa laabtiisa iyo garashadiisu u yeedhiyaan, taasi waa mid ka mida waxa aan cid looga marti ahayn ee waa dhaxal uu Eebe si gaara u siiyay habar dad, mana aha wax kala qaybsamaa.

Iyada oo taasi jirto qof odhan diidi karanaa aanu jirin, Distoorkeenana si cad ugu qeexan, ayuu manta si cad oo ku tumasho leh u samaynayaa oday talada gabay, ee manta ina hogaaminayaa, waan kii isagu afkiisa ku diidi jiray, caga-juglaynta iyo car juuq dheh.

Madaxweyne wixii aad shalay diidanayd waadigan dalbadee, wixii aad u soo rooraysay ma ka kicin bay ahayd mise ka kacsasho, waxa see dhaba in aad qar-jafayso oo ay adiga kaa daba iman, malinta aad ogaan doontaana waa malin aan qoomamo wax ay kuu taraysaa aaanay jirin.

Qof waxa ugu liita waa ka gudi waaya abaalkii iyo galadii loo galay, waana halka uu magucu ugu baxay odayg maan-gaabka ah ee caynaanka inoo haya, godobaha ugu waawayna waxa uu ka galay waa war-baahinta waxan ugu mudan.

1-      War-gayska hubaal

2-      War-gayska haafuf

3-      Xadhiga wariyayaasha

Waligay maan arag mana maqal gaf ka fool xun, gafkaas uu kula kacay war-baahinta, waayo maan filayn, se waxa dhaba in aad meesha dhaafayso, waayo cid kaa yeelaysa qasab igu amaana oo iigu sacab tuma dee ma jirto, qarankana kalidaa ma lihid ee waa lagula leeyahay.

Guusha inagaa leh hadii aan nahay bulshada Somaliland, intooda ka weynaata qabyaalada iyo kaba-qaadnimada, waana dhaxalka kaliya ee aan uga tagayno faca inaga dambeeya, oo odhan doona waxa ay ahaayeen rag, waayo waxa ay diideen in ay keenada soo dhigtaan.

Guntii iyo gunaanadkii

Madaxweyne sidani maaha si kaa soconaysa, inta aad tidhaa anigaa gaadhiga kaxaynaaya hadana seexan maysid dadka oo guudkaaga saran, ee wanaag la hadh, hana noqon siyaad barihii inta uu qudhun farta galiyo marka gacal la yaaban guudkiisa marinaayay.

 

                                   Qalinkii  Garyaqaan Cabdale Dahir Adan

                                             Bartay Aqoontaka Xeerarka

                                                                     9/4/2014

COMMENTS
LINKS