Go’aan Qaadacaad ah (Beesha Deerayahan ee Jibriil Abokor -):Saamiga Ergooyinka shirwayaha kulmiye | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Go’aan Qaadacaad ah (Beesha Deerayahan ee Jibriil Abokor -):Saamiga Ergooyinka shirwayaha kulmiye
April 20, 2014 - Written by Editor:

HARGEISA(WAJAALENEWS; Maanta oo bishu aheyd  19kii April 2014ka waxaa beesha Reer Moxamed Jibrill kulan ku saabsan xubnaha beel ahaan loo gooyey ka qeybgalka shirweynaha xisbiga Kulmiye ku yeesheen magaalada Hargeysa. kulankaasi oo ay ka qeyb-galeen madax-dhameedka, aqoonyahan, dhallinyaro, iyo xubno kale oo door ah, waxay beeshu go’aansatey in aaney aqbalin isla markaana u cuntamin xubnaha beel ahaan loo qoondeeyey in ay ka qeyb-galaan shirweynaha xisbiga Kulmiye iyada oo aan lagala tashan, wakiil ku laheyn guddiga ka talisey, isla markaana si qaawan oo aan xurmo iyo milgo tolnimo meelna ku laheyn ku go’aamiyeen xubno is-bidaaya awooda talisa hadda iyo in ay ayaga yihiin kuwa metala beel-weynta Jibriil Abokor in laba xubnood oo keliya loo gooyey Reer Moxamed Jibriil (Deerayahan).

Arrintaasi waa mid aan u cuntamin oo aan sinaba munaasib ugu aheyn Reer Moxamed Jibriil waxaaney beeshu go’aansatey sidatan:-

  1. Cida loo qoondeeyey labada xubnood ma aha beesha Reer Moxamed Jibriil (Deerayahan).

Waxaanu cambaareyneynaa isla markaana kala xisaabtami doona cidii gefkaasi iyo meel-ka-dhacaasi badheedhka kula kacdey beesha Reer Moxamed Jibriil (Deerayahan). Cadkii reer Moxamed Jibriil ma aha 2 xubnood keliya marka loo eego saamiga 28 xubnood oo Jibriil Abokor qeysadey (Saamiga Jibriil Abokor ka helay ergooyinka shirweynaha).

Waxaanu wargelineynaa cidii ay khuseyso in aaney Reer Moxamed Jibriil raali ka aheyn, aqbalin, una cuntamin saamigaasi quudhsiga huwani.

 

  1. Waxa ay beeshu sida ugu dhakhasaha badan go’aan rasmi ah ka qaadan doonaa mustaqbalkeeda siyaasiga ah ka dib marka ay si dhakhso ah ugala xaajooto hogaanka xisbiga Kulmiye arrintani oo kicisey mil siyaasiya oo huursanaa kaasi oo ay beeshu deris la aheyd intii xukunka xisbiga Kulmiye qabtey waana mid xisaabtan dhab ah laga yeelan doono.

Gebo-gebo, waxaa uu xilli hore gabyaa Soomaliyeed ka yidhi xaaladatan oo kale:

“……Masow aabahey sidaan Magan ka soo gaadhey,

Rag waxaan ku maamuli aqaan ama ku maamus,

Mase in aanu nahey oo tolnimo meerto noo tahey,

Aan weliba kaga miil cadahey miidhse diidani,

Masalaha nimaan ii dhigeyn midig ma saaraayo,

Ninkii iga maarmi kara uma muraad yeesho…..”

Allaa Mahad leh,

 Xubnaha go’aankan Saxeexay:

  1. 1.       Caaqil Khader Cabdi Cali                              _________________

 

  1. 2.       Caaqil Nuux Iimaan Xasan                           _________________

 

  1. 3.       Odey Cumar Madar Muuse                         _________________

 

  1. 4.       Odey Axmed Ismaaciil Max’uud               _________________

 

  1. 5.       Aqoonyahan Max’ed Axmed Geele        _________________

 

  1. 6.       Aqoonyahan Max’uud Max’ed Aare       _________________

 

  1. 7.       Aqoonyahan Mustafe Suleymaan Cilmi                _________________

 

  1. 8.       Aqoonyahan Sheekh Faarax Nuur Max’ed _______________

 

  1. 9.       Aqoonyahan Mustafe X. Max’uud Cabsiiye______________

 

  1. 10.   Max’ed C/llaahi Daahir (Faarax-qataar)________________

 

Xasan Cabdi Warsame                                   _______________

COMMENTS
LINKS