GARAAD JAAMAC GARAAD ISMAACIIL OO DALKA SOMALILAND SI WEYN LOOGU SOO DHAWEEYEY DAAWO SAWIRO | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
GARAAD JAAMAC GARAAD ISMAACIIL OO DALKA SOMALILAND SI WEYN LOOGU SOO DHAWEEYEY DAAWO SAWIRO
April 18, 2014 - Written by Editor:

HARGEISA(Wajaalenews);Waxaa Maanta sidiiran oo aanloo kala hadhin soo dhawaynta Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil oo Garoonka Diyaaradaha Cigaal International Airport ka soo degay ka dib markii uu dalka Jabuuti kula kulmay Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada Somaliland Mudane Xirsi Cali Xaaji Xasan iyo Wasiirka Hawlaha Guud iyo Guryeynta Mudane Cabdirisaaq Khaliif Axmed.

Garaadka oo ay wehelinayaan Wasiir ka tirsan Khaatumo State iyo Marwadiisa oo iyagu ka soo Duushay Dalka Somalia kuna kulmeen Garoonka Diyaaradaha ee Cigaal, ayaa Soo dhawaynta Garaadka maanta Caasimada Somaliland aad looga Dareemayey iyada oo Runtii aanay u kala Hadhin Xukuumad iyo Shacbiguba.

Waxaana Xasuus mudan in Madax-dhaqameedka qaybihiisa kala Duwan oo ay Hogaaminayaan Boqoro, Garaado, Sulaadiin, Cuqaal,Xildhibaano iyo Waxgaradba Somaliland.

IMG_0250IMG_0118IMG_0071IMG_0411IMG_0470

 

 

COMMENTS
LINKS