Gabiley:Dareenka Laga Qaatey Wasiirka Arimaha Gudaha Oo Fadeexado Taagan Laga Mustafeeyay Odoyaal U Jawaabay Xildhibaanada Golaha iyo Su,aasha ka Taagan Cida Kadambeysa | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Gabiley:Dareenka Laga Qaatey Wasiirka Arimaha Gudaha Oo Fadeexado Taagan Laga Mustafeeyay Odoyaal U Jawaabay Xildhibaanada Golaha iyo Su,aasha ka Taagan Cida Kadambeysa
April 20, 2014 - Written by Editor:

GABILEY(Wajaalenews);Maalmihii ugu dambeeyay waxa isa soo tarayay dareeno badan oo laga
qaatey, go,aanada dabacsan ee Wasiirka Wasaarada Arimaha Gudaha
Somaliland Cali Maxamed Warancade ka qaatey fal fadeexad ku ahaa guud
ahaanba dalka Somaliland oo lagula kacey Saraakiil diblamaasiyeed oo
Dowlada Itoobiya ah kuwaas oo lagu baadhey Kaantaroolka Galbeed ee
Magaalada Gabiley, islamarkaana, loo geystey dhaawac culus kadib
markii laga Shubtey dhaatooyin sir u ah Dalkaasi oo ay
kusiteen(Flopy-Disck), ama falaashta keydka loo Isticmaalo talaabadan
oo ay ku kaceen masuuliyiin xilal ka hayay Gobolka Gabiley
haseyeeshee, aan ilaa iyo hada wali Xukuumadu daboolka ka qaadin in ay
ka qaado talaabadii ku habooneyd.
Wasiirka Wasaarada Arimaha Gudaha Somaliland Cali Maxamed Warancade
ayaa la sheegay in uu maalmihii u dambeeyay ka qaatey arintaasi go,aan
musuqmaasuq iyo cadaalad daro ah kadib markii laga mustafeeyay sida la
sheegay masuuliyiintii dhab ahaan ku lug lahaa falkaasi, islamarkaana
sida ay tibaaxeen wararku uu Wasiirka Daakhiligu qorsheystey in uu ku
masibado dhacdadii lagula kacey saraakiisha Itoobiyaanka ah Gabiley
Gudoomiyaha Gobolka Gabiley Yuusuf Ibraahim Geedi oo isagu bari ka
ahaa guud ahaanba dhacdadan foosha xun taas, oo sitoos ah looga maqley
afkiisa isagoo ku doodaya in uu damacsan yahey in uu Gudoomiyaha
Gobolka Gabiley doonayo in uu kasoo badelayo Gobolkaasi, arintan oo ay
la yaaban yihiin inta ka caafimaad qabta Bulshada Gobolka Gabiley,
Siyaasad laciifta ay isticmaalaan masuuliyiin kasoo jeeda Gobolkan oo
katirsan Xukuumadu islamarkaana, tuke baalcad ku ah difaacista
shakhsiyaad ay dano ka leeyihiin oo had iyo jeer dambiyo gala kuna
caan ah waxyaabo kale oo ay Reer Gabiley in badan u samraan sida kala
Qeybinta Bulshada isticmaalka dad bilaa garaad ah oo had iyo jeer ku
hadla waxyaabaha ay uga soo yeedhiyaan daaha dambe iyo arimo kale,
waxaana Magaalada Gabiley siweyn looga hadalhayay dhaqdhaqaaqyada dhex
marayay mudooyinkii u dambeeyay Wasiirka Arimaha Gudaha Cali Warancade
iyo Masuuliyiin katirsan Xukuumada iyo Maamulka Gabiley, iyadoo sigaar
ah farta loogu godayay Laba Suldaan oo Wasiirku usoo direy dhinaca
Gabiley, kuwaas oo lacag tiro badan oo lagu qiyaasey ilaa todobaatan
milyan, oo Shilinka Somaliland  ah kula baxey Jeeg looga diyaariyay
dhinaca D/hoose ee Gabiley, arintan oo mudo lahadalhayay haseyeeshee,
ay dadweynaha Reer Gabiley indhaha ka qarsadeen habdhaceeda, waxaanu
dareenkaasi siweyn usoo laba kacleeyay kadib markii uu Warancade iska
indhatirey arimo badan oo ka taagan Gudaha Maamulka Golaha Deegaanka
Degmada Gabiley.

Dhinaca kale Dadweynaha Reer Gabiley ayaa siweyn ula yaabey Duqey loo
Isticmaalo waxaan shaqadooda aheyn oo ka jawaaba arimo ugaar ah
Xubnaha Golaha Deegaanka Degmada Gabiley ee lasoo doortey, howlaha
ugaarka ah ee ka dhexeeya, kuwaas oo ka jawaabayay cambaareyn ay
Xubnahan Golaha Deegaanka Gabiley Xildhibaano katirsani ku
cambaareeyeen falkii lagula kacey saraakiisha itoobiyaanka ah, taas oo
aan macnaheeda marna laga garaneyn sababta ay u caadeysteen iska daba
jawaabista ay u jawaabayaan Xubnaha lasoo doortey, iyadoo aaney aheyn
tani markii ugu horeysay ee nooceeda ah maadaama ay hore ugu jawaabeen
Xildhibaan Bashiir Sheekh Xuseen Tukaale, oo katirsan Xubnaha Golaha
Wakiilada, kana hadlayay arimo Golahooda dhexdiisa ah, waxaanay
habdhaqankani gunimo sumcad xumo sharaf dhac iyo karaamo jab ku tahey
qiimihii ay lahaayeen Shacbiga Reer Gabiley iyo doorkoodii lagu
qiimayn jirey, inkastoo dad badani iska garanayo cida ka dambeysa oo
aan caqligoodu wanaagsaneyn islamarkaana, guuldaro ka taagan mar kasta
Xukuumado badan oo ay kasoo qeyb galeen, taas oo ay ku waayaan
taageerada Shacbiga tusaale ahaan markii la xidhay oo aan cid kaliyi u
hadal, waxa la gudboon qolyaha sheegta Xisbiga Kulmiye hogaankoodu iyo
Xubnaha kale ee Xukuumada katirsani in ay fiiro gaar ah uyeeshaan
Arimaha kasocda Gabiley, ee ay shacbiga dhabanka iyo gacnata isku
hayaan inkastoo ay arimahani u dhacayaan nabsi ay Reer Gabiley ka
galeen Xukuumadii ka horeysay tan oo ay dagaal culus oo qabiil ku
qaadeen taas, oo aanay xiliga Xukuumadan diiwaanka ugu jirin waxa laga
yaabaa in mustaqbalka dhacdooyinkan socdaa ay Xukuumada Siilaanyo
Gabiley uga abuuri doonaan Mucaaridad aaney waligeed ka filan.

Guntii iyo gabagabadii, waxa siweyn isha loogu hayaa Laaluushka
Wasiirka Arimaha Guduhu ka qaatey Maamulka Gabiley oo ah mid qaawan oo
aan cidna daah ka saarneyn taas oo Sumcadiisa iyo Taariikhdiisa ku
suntanaan doonta, islamarkaana laga warheyn doono sida uu uga garnaqo
dhacdooyinka Gabiley.

Cadnaan Cali Kaahin
UK, kahin3078n@hotmail.com

COMMENTS
LINKS