Gabadhii Naxariista Badnayd…!! Qalinkii Mustafe Cabdiraxmaan Sharmaake | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Gabadhii Naxariista Badnayd…!! Qalinkii Mustafe Cabdiraxmaan Sharmaake
April 8, 2014 - Written by Editor:
HARGEISA(Wajaalenews)Waxay igu odhan jirtay hooyadaa waa ehel u jano, hooyadaa qof fiiican ayay ahayd . Hooyadaa u ducee, ducadu way gaadhaysaaye.

Waxay ahayd subax hore, Sida caadada ii ahayd, waxaan ku kallahayey malcaamada qur’aanta oo aan markaa dhigan jiray.Waayaha iyo dhacdooyinka aad la kulan tid wakhtiga carruurnimo iyo dhallinyaranimo aad bay u adag tahay inaad illawdid. Aroortii markad kala hayso ee aad tagaysid shaqo ama goob waxbarasho isla markaana aad lugaynayso waad baala daymootaa.

Kadib, waxa markaliya indhahaygu wadda qabteen hooyo iyo ilmaheedii yaraa. ‘Hooyo kaalay inankaygiiyoow’ waxaa cod dabacsan hadalkaas ku lahayd hooyada. Wuxuu ahaa hadal i damqay oo igu kalifay inaan indhaha la sii raaco wuxuu ku jawaabo wiilku. Mise ku ye ‘’ Ee naga tag islaan yahay’’ Si kadis ah ayaan ugu soo baxay ulana kulmay sheekadooda. Balse, waxay igu noqotay mid qalbigayga taabatay. Waan eegay eegmo

fiiro gaar ah waddata labadoodaba waxaana igu soo istaagtay ilmo illaa ay i qoysay sadrigayga oo ay i arragtay hooyadii intay soo dhaqaaqdayna ii timid. Hooyo: ‘’Hooyo maxaa ku helay ee kaa oohinaaya ma wiilkayga ayad is disheen’’ Waxaa igu adkaatay inaan u jawaabo. Waxay jilbo joogsatay hortayda iyadoo i galinaysa laabta si naxariis lehna i sasabaysa. Markaan nastay ayaan ugu jawaabay ‘’ Waxba imay helin hooyo’’. Intay dib iiga durugtay ayay faraheeda iyo baabacooyinkeeda si naxariista leh ugu masaxday dhabankayga. Waxayna ii raacisay ‘’ Hooyo maxaa kugu dhacay’’ Anoon is ogayn baan ugu jawaabay ‘’Hooy waxaan ka xumahay inanka yar ee sida xun ula dhaqmaaya hooyadii’’ Intay haddana mar labaad dib iga durugtay ayay i soo eegtay ooy igu tidhi ‘’waayo’’ waxaan ugu jawaabay ‘’ nasiib umaan helin inaan hooyaday ku garaadsado. Anigoo aad u yar ayay dhimmatay isna sidaas ayuu hooyadii ula dhaqmayaa’’! Naxariista hooyanimo waxay ahayd mid ay guudkeeda sare ka muuqato. Indhaheeda illin ayaa dareertay anna waan ku daray anoo aad u muurgaysan. Waxaan dareemay intaan la joogay in uu yahay wiil nasiib leh oo yaraan iyo carruurnimo dhaafisay garashada nasiibkaas. Waxay I dhistay niyada oo ay igu tidhi si naxariis leh ‘’ha ka habsaamin malcaamada waan ku ducaynayaa hooyo waligaa dhibaato arki maysid’’. Wakhtigii rawaxaada ayaan iska soo baxay annigoo baraad la’a misna aan filayn inaan dib ula kulmi doono. Albaab kaan ku kulannay judhii horeba. Gacanta ayay ila booday oo ay igu tidhi ‘’hooyo kaalay’’. Waan u tagay waxayna i kaxaysay gurigeedii. Wanaag iyo naxariis badan ayaan kala soo kulmay. Waxay iga warraysatay noloshaydii hore iyo siday ahaan jirtay. Waan u warramay annoon waxba ka kala tagayn. Aaad bay u yaabtay igana naxsanayd. Isma lihi waxaad arki dontaa qof danbe oo la naxariis iyo damqasho bini’aadaminimo ah. Maalintaas waxay ii ahayd maalin weyn oo naxariis waalidnimo iyo hooyanimo aan aad u dareemay. Hooyadii sidii igagamay hadhin ee waxay baadi doontay qoyskii iyo ciddii aan la noolaa oo ay is garteen aakhirkii. Waxay ka codsatay inaan iyada la noolaado oo gacanteeda laygu wareejiyo madaama labada reer is garteen kumay adkaan ee si dhib yar ayay ugu hir gashay. Korkayga waxaa hadhaysay ceer yaan naxariis ah oo u muuqata sida roob wakhti yar dabadii hoori doona. Gurigaan imid waxan ka helay waxwalba oo nolosha ilmo yar oo carruur ahi u baahan yahay. Wajigayga waxa kortay labbeen farxad ah. Waxay i soo iibin jirtay maalinwalba wax aan ku ciyaaro oo I farxad galiya si aan u dareemo daganaan iyo kalgacayl ka badan kii hore. Suuqa ayay I gayn jirtay maalmaha aan fasaxa ahay annoo waxa aan jeclaado ay i iibin jirtay. Ha ahaadaan, dhar kubadeed iyo waxyaabaha carruurtu ku ciyaarane. 

Waxay igu odhan jirtay hooyadaa waa ehel u jano, hooyadaa qof fiiican ayay ahayd . Hooyadaa u ducee, ducadu way gaadhaysaaye. Waayo markaad u ducayso way farxaysaa, Waxay igu odhan jirtay hooyadaa dadkoo dhan ayaa jeclaa. Aniguna waan rumaystay oo waan u ducayn jiray. Waxay isku dayi jirtay xataa inay xusuuusihii hooyaday ii keento. Culays weyn ayay nafteeda ku saartay sidii ay naftayda ugu samayn lahayd farxad. Hooyadu naxariis badanaa, wanaagsanaa, dareemi ogaa ubbadka dhibkooda, u dabacsanaa carruurta, daryeeli ogaa, u damqan ogaa, dhibka ka illaalin ogaa… oo… oo…. oo qalbiga ilmaha dajin ogaa! Xusuusta hooyadaas Ayaan ku noolahay kunna il qabawsadaa marwalba. Maanta oo aan ahay qof weyn, laba xaas iyo shan ubbad ah, waxaan ku noolahay nolol dagan oo seeskeeda ay hooyadaasi badh leedahay haddayna gabi ahaanba wadda lahayn. Waxaan xidhiidhiyaa marwalba oon wadda hadalnaa oo ay ii ducaysaa anna u duceeya oo ka war hayaa caafimaadkeeda iyo nolosheeda gaar ahaaneed. Waxay ku nooshay cisi iyo sharaf badan.

 

Qalinkii Mustafe Cabdiraxmaan Sharmaarke…

Allaa Mahad Le…

Dhamaaaad

COMMENTS
LINKS