Gabadh sumeysay ninkeeda kadib markii lagu qasbay | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Gabadh sumeysay ninkeeda kadib markii lagu qasbay
April 11, 2014 - Written by Editor:

NIGERIA(WAJAALENEWS);Baliiska waddanka Nigeria ayaa sheegay in gabar 14 sanno jir ah ay qiratay dilka ninkeeda oo la sheegay in markii hore lagu khasbay.

Waxaa la sheegay in ay sun u adeegsatay dilka ninka. Dhowr qof oo kale oo cuntada sumeysan cuntay ayaa iyagana dhintay

Sida laga soo xigtay baliiska magaaladda Kaanu, gabadhan waxaa la yiraahdo Wasilu Umar, waxay ayna sheegtay in ay dishay nin lagu khasbay in ay guursato, ka dib markii sunta jiirka ay ugu dartay cunnadda.

Seddex qof oo kale ayaa dhintay, toban kalena waxa la dhigay isbitaal ka dib markii sida cad ay ku sumoobeen cunaddii ay cuneen.

Hase ahaatee, baliiska ayaa sheegaya in gabadhu ay rabtay in ay disho ninkeeda oo kaliya. Gabadha aabaheed ayaa waxaa uu ku khasbay gabadhaasi in ay guursato nin 35 jir ah.

Baliiska ayaa isku dayaya in ay waalidiinta ka joojiyeen in caruurtooda ku khasbaan guur aysan raali ka aheyn.

Gabadha aabaheed ayaa laga yaabaa in danbi lagu soo oogo.

Gabadhanna waxaa laga yaabaa in la saaro maxkamad caruurta aan qaan gaarin la geeyo

 

WAJAALENEWS DESK

EMAIL;WAJALENEWS@GMAIL.COM

.

COMMENTS
LINKS