|
|||||
WAJAALE NEWS
Gaadiid Qasaare Soo Gaadhsiiyey Wadada La Macmalay Ee U Dhaxaysa Kalabaydh Iyo Wajaale oo khilaaf ka dhex abuurtay maamulka aan bislaan ee degmada gabiley iyo hay,ada wadooyinka somaliland
April 8, 2014 - Written by Editor:hargeisa(Wajaalenews)khilaaf ka dhashay bur bur ku yimi jidka wajaale oo dhismihiisu socday ayaa ka dhex taagan Maamulka Gobolka Gabilay, Hay’adda Horumarinta Wadooyinka iyo Kastamka Kalabaydh kadib markii Jaadlayaal iyo gaadiid Xamuul ah oo Banka galay Taliyaha Booliiska Qaybta iyo Madaxda Kastamku amar ku bixisay in ay soo dul maraan jidka Laamiga ah ee Wajaale oo dhismihiisu socdo. Madaxda Booliiska Gobolka ayaa amar ku bixiyey in gaadiidku maraan jidka oo xidhnaa oo ay shaqo ka socotay kadib markii ay saacado badan Baabuurta Jaadka iyo kuwa kale ee Xamuulku galeen wadooyinka Dhooblayda ah, taasoo sababtay in khasaare balaadhani soo gaadho afar Kiiloomitir oo wakhtigaas diyaar u ahaa in Daamurka lagu shubo, iyadoo khasaaraha soo gaadhay la sheegayo in uu gaadhayo illaa afartan kun oo Doolar in dib loogu sameeyo. Wasiirka madaxtooyadda ayaa la sheegay in uu doraad tagay Jidkaasi isla markaana ku amray khasaaraha halkaas ka dhacay in la saaro cidii bixisay amarka jidkaas gaadiidku ku mareen, hase yeeshee arrintaas waxa Dood ka keenay Maamulka Kastamka Kalabaydh iyo Taliyaha Booliiska Qaybta oo ku dooday in khasaare intaas ka balaadhani Xukuumadda saarmi lahaa haddii aan Jidkaasi la fureen. Masuuliyiinta Maamulka Kastamku iyo Booliisku waxay ku doodayaan lacag Malaayiin ah in lagu heli lahaa Xukuumadda haddii aan Jaadlayaashaas oo dawladdu cashuurta ka hesho aanay ka soo saari lahayn dhiidhiga iyagoo sheegay Dawladdu in ay masuul ka tahay iyaga iyo xoolahoodaba, maadaama ay yihiin Cashuur bixiyayaasha Dalku ku dhisan yahay. Ma jiro go’aan cad oo laga soo saaray kiiskan hase yeeshee mid ka mid ah Masuuliyiinta Hay’adda Horumarinta Wadooyinka ayaa Waaheen u sheegay in ay dib u samaynayaan inta khasaaruhu soo gaadhay, wallow uu sheegay in masuuliyadda khasaarahaasi ay leeyihiin Maamulka Kastamka iyo Booliiska oo uu sheegay in aanay waxba kala socodsiin markii ay Amarka bixinayeen, isagoo ku dooday in ay Caga cagafyadoodu u hawl fududayn lahaayeen meel ay amaraangaadiidkaasi. Wajaalenews.net Xafiiska wararka hargeisa Related posts:Maxaad Ka Taqaan Masuuliyiintii Soo Maamulay Xarunta Komishanka Doorashooyinka, Kuwii Guulaystay Iyo... Faah faahinta Wararkii Ugu Danbeeyey Ee Qalalaase Ka Bilowday Diridhaba Iyo Jawiga Magaalada Jigjiga... Ilhaan Cumar oo Wajahaysa Eedeyn Ku Saabsan Inay Buunbunisay Tirada Dadkii Lagu Dilay Howlgalkii Ay ... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|