fanaanad ka mid ah xidigaha geeska oo maanta lagu xidhay madaarka caasimada hargeisa iyada oo kusii jeeda magaalada muqdisho | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
fanaanad ka mid ah xidigaha geeska oo maanta lagu xidhay madaarka caasimada hargeisa iyada oo kusii jeeda magaalada muqdisho
April 5, 2014 - Written by Editor:

Hargaysa(wajaalenews):-Faananada Ifraax Hargeysa Oo Kamida Kooxda Xidigaha Geeska Ayaa Haatan Naloo Xaqiijiyay Inay Ku Xidhintahay Airportka Caasimada Hargeisa Ee Cigaaal International Airport.

Fanaanada Ayaa La Sheegay In Lagala Soo Dagay Diyaarad Ku Socotay Magaalada Muqdisho Oo Ay Rabtay Inay Tagto Magaaladaasi,Hayeeshee Fananadu Markii Ay Diyarada Fuushay Ayaa Waxaa Kalasoo Degay Ciidamada Nabad Sugida Airportka,Kadibna Fanaanda Waxaa Lala Yeeshay Waraysi Taas Oo Markii Danbana Sababtay In La Xidho.

Fanaanadan Oo Ka Tirsan Kooxda Xidigaha Geeska Ayaa La Sheegayaa Inuu Xadhigeeda Ka Danbeeyo Kadib Markii Qayb Kamida Fanaaniintaasi Xidgaha Geesku Maal Mihii Ugu Danbeeyay Ku Sugnaayeen Caasimada Soomaliya Ee Muqdisho Taas Oo Ay Faananadanna  Rabtay Inay Ka Daba Tagto Kooxdaa Ay Ka Tirsanayd.

 

wajaalenewsw.net

COMMENTS
LINKS