Fadeexadii Abid Uu Xumay Ee Ay Ku Kaceen Shir-kadaha Bixiya Adeega Internet Kadib Markii Ay Ka Qayb-Qaaten Cabudhinta Xoriyatul-qawlka | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Fadeexadii Abid Uu Xumay Ee Ay Ku Kaceen Shir-kadaha Bixiya Adeega Internet Kadib Markii Ay Ka Qayb-Qaaten Cabudhinta Xoriyatul-qawlka
April 18, 2014 - Written by Editor:

Subaaxi la jooga waxaad  arkaysaa wax ka yaabiya taaso ka duwan waxyaahabi aad hore uga baratay waayaha aduunyada intaad usoo joognay.hadaba waxaa aan la yaabay dawlad aqoon la”aani hayso iyo shirkado ka baxay sharciga ganacsiga kuwaaso ku dhex milmay dawlada iyo siyaasadda isla markaasna iska dhaadhicin aw-geed  ay hadaa usoo dhigteen inay xayiraado kusoo roggaan warbaahinta kana qayb qaatan doorkooda inay dabar go’do saxaafada intaa badan dalka usoo jiida indhaha caalamka kana shaqaysa horumarka wadankeena,sidoo kale waxaa todobaadkan dlalka dhacday ariin yaabkeeda ay dadku madaxa-qabsadeen iga aad uga cadhooday gar darada xad dhaafka ah ay ku kacday xukuumada siilaanyo waxaanay marka labaad ay aad uga cadhoodeen talaadaba kale ay ku garab  gashay shirkadaha bixiya adeega internet-ka kuwaaso hadaa lasoo baxay dhaqan inaagu cusub oo aan dalka hore iga jirin.

Kadib markii shalay ay maxkamada degmada Hargeisa soo saartay war-qad dhinac ka raaran taaso lagu xayiraayo shakada warar ee Haatuf waxanaa talaabada ku garab galay shirkadaha intenet kuwaasoon la ogayn meesha ay ku danbeyn doonto shirkadahan xambaartay godobta laga gelaayo saxaafadda

Sidoo kale waxaa jiraa inay qaybtooda shirkadaha internetka ay hore si daad ban uga qaybqaateen waxana markii u horeysay ee ay shirkadaha dalka ka jira ay qaateen shaqadii warbaahinta waxaana wadankeeni isku bedelay mid si toosa laysaagu bahaystay in sii toosa dagaal loola galo warbaahinta

Waxaa kale oo ay shirkadaha bixiya adeega ay hadda xuurtaysteen,inay la wareegaan ogaysiis-yadii ay warbaahintu baahin jirtay sidoo kale waxaa kale ay baahiyaan oo ay kala wareegen saxaafadda barnaamij-yada xayeeysiisyada.

Hadaba talaabadina waxaay  noqotay mid ka duwan kuwii hore waxaana dhici kartaa in hadaa markaa la wadaa xidho wargeys-yada dalka oo badar goynteeda lagu hawlan yahay waxaa kale oo iyaaguna xigtaa in website-yadana lagu haleeyo shirkadaha ku milmay siyaasada iyo dagaalka ay xukuumada ku hayso saxaafada

Waxaa shirkadaha isgaadhsinta laga sugaaya inay raali gelin ka bixiyaan dhacdaada foosha xun ay ku kaceen ,maadaama oo ay warbaahintu iyaaga xaq dhawrto ilaalisana danaahooda ganacsi  kunaa ixtiraamkto kaalintaa ay wadanka kaga jiraan.

Qalinkii

Cabdi wahaab Muuse Baashir

Hargeisa/somaliland

COMMENTS
LINKS