Faadumo Siciid Oo Xukuumada ku Canbaaraysay Sidii Ay Ardayda ula Dhaqmeen | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Faadumo Siciid Oo Xukuumada ku Canbaaraysay Sidii Ay Ardayda ula Dhaqmeen
April 14, 2014 - Written by Editor:

HARGEISA(Wajaalenews);Xoghayaha Maaliyada ee Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID Marwo:Faadumo Siciid Ibraahim ayaa si kulul u canbaaraysay qaabkii ay ciidamada RRU-da Iyo SPU-du ula dhaqmeen Arday ka tirsan Jaamcada Hargeysa oo maalintii shalay dhigay mudaharaad salmi ah oo ay kaga cabanayaan Lacago ay Maamulka Dhiigmiiratada ah ee Jaamcada Hargeysi ku kordhiyeen Fee-gii laga qaadi jiray Ardaydaasi.

Marwo:Faadumo Siciid Ibraahim oo maanta warbaahinta u warmaysay ayaa sheegtay in rasaastii ay Ciidamada RRU-da Iyo SPU-du ay ku harqiyeen ardayda dareenkooda cabiraysay ay tahay wax aan loo dul qaadan Karin,waxaana ay si adag u dhaliishay ardayda dhalinyarada ah ee dalka wax u soo baranaya in lagu guro Xabsiyada Gudaha Magaalada Hargeysa

“Falkii xumaa ee shalay dhacay, ee dhalinyarada Somaliland ee muwaadiniinta ahaa  sida xun loo galay ee jidh dilka aadka u foosha xun lagu sameeyey xabsiyadana lagu  guray ee ciidanka RRU-da iyo SPU-da loo dalbaday waxaanay noqotay mid aad uga xumaadeen mujtamaha Somaliland gudo iyo debadba.”Ayey Tidhi Marwo:Faadumo Siciid Ibraahim

Xoghayaha Maaliyada Xisbiga Ucid Marwo Faadumo Siciid Ibraahin Sidoo kale Marwo Faadumo Siciid waxay tilmaamay in mudaharaadku yahay wax uu qof waliba xaq u leeyahay inuu ka sameeyo wixii aanu ogolayn  balse aan loo adeegsan Karin ciidanka loogu tala galay argagixisada waxaanay tidhi “Dhalinyaradu way diidi karaan wax mudaharaadna way samayn karaan waana xaq uu qofku leeyahay inuu sameeyo marka uu wax ka dhiidhiyayo, boodhadhkoodii ayey wateen mudaharaad salmi ahna  way wadeen , waanu la yaabanahay sababta loogu dhigay ciidanka RRU-da oo loogu tala galay argagixisada, ciidanka SPU-dana waxa loogu tala galay inay sugaan nabad galyada dadka ajanabiga ah ee wadanka ku sugan laakiin looguma tala galin in loo adeegsado dhalinyarada Somaliland.”

Marwo Faadumo Siciid oo fariin u diray wasiirka waxbarashada iyo tacliinta sare Sam Sam Cabdi Aadan iyada oo xasuusisay wakhtigii ay mucaaridka ahaayen sidii ay ugu hadli jirtay dhalinyarada waxaanay tidhi “Wasiirka waxbarashada waxaan u dirayaa fariin, wakhtigii aad mucaaridka ahayd waxaad ka shaqayn jirtay xuquuqal iinsaanka waxaanad u doodi jirtay dhalinyarada, haweenkana waad u doodi jirtay, markii aad kursiga ku fadhiisatay ayaad ilawday wixii aad u doodi jirtay oo aad xaga danbe ka xoortay, caruurtan yar yare ee aad sidan ku samaynaysaan maaha caruur cidla laga soo helay ama dukaan laga soo iibsaday hooyo ayaa u dhibaatooday, shalayna waxaanu xasuusay dhalinyaradii Ufo, Ufo-na waxay  ahayd dhalinyaro dugsiyadii ka soo rawaxay oo mudaharaaday ayaa beerka xabad lagala dhacay taasna waad na xasuusiseen, jidhkii ayaa diiday inaanu dhagaysano oo aanu maqalno caruurta masaakiinta ah qayladooda, hablihii sida asluubta leh loo saari lahaa baabuurka oo si arxan daro ah loola dhaqmayo, caruurteenu may mutaysan falalka noocaas ah, waxaanan ku leeyahay wasiir Sam Sam ilaahay ayaa maanta wasiir kaa dhigay laakiin sharaftii,xurmadii,ixtiraamkii iyo raxmadii hooyanimo xagee ayey kaa tagtay, hablahan maanta la silcinayo miyaanay kuwaaga oo kale ahayn jidh yar oo ku damqanaya miyaanu kugu oolin, waxaanan leeyahay falkaa xun ee maanta dhacay ee aad waliba leedahay iyagaa mutaystay oo jeelka ay ku jirayaan waxaasi wax lagu  dhaqmo maaha.”

 

WAJAALENEWS DESK

HARGEISA OFFICE

EMAIL;WAJALENEWS@GMAIL.COM

COMMENTS
LINKS