Dowladda Kenya oo Shaacisay in ciidamadeedu ay sii joogayaan Soomaaliya K | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Dowladda Kenya oo Shaacisay in ciidamadeedu ay sii joogayaan Soomaaliya K
April 4, 2014 - Written by Editor:

WAJAALENEWS);Xukuumadda Kenya ayaa sheegtay inaysan hadda u qorsheynayn inay ciidamadeeda kala baxdo Somalia, sida ay ka dhawaajisay wasiirradda gaashaandhigga Kenya, Raychelle Omamo.

Omamo ayaa sheegtay in sannadkan 2014-ka uu yahay sannadkii dagaalka adag lala geli lahaa Al-shabaab, iyadoo xustay inaysan jirin xilligaan doodo ku aaddan in ciidamada Kenya laga saarayo Soomaaliya.

“Ma filayno in xilligan laga doodi doono in ciidamada Kenya laga saaro Soomaaliya. Xilliga waa xilli loo istaagay howlgallo milateri. Xilligan waa xilligii la burbur lahaa argagaxisada Soomaaliay, kuwaasoo nabadgalyo darro ku keenay dalkeenna,” ayay tiri Omamo.

Wasiirradda oo ka hadlayay kulan ay golaha wasiirradu yeesheen Arbacadii shalay ayay hadalkan ka sheegtay, iyadoo xustay in sababta ay ciidamadoodu ugu jiraan Soomaaliya ay tahay sidii looga jawaabi lahaa weerarrada ay kooxaha argagaxisada ah geysanayaan.

“Ciidamada Kenya waxay gudaha Soomaaliya galeen sannadkii 2011, sababtoo ah waxaa nagu soo laalaabtay weerarrada, waxaa kaloo nagu soo laalaabtay dhowr jeer hanjabaadaha ka imaanaya kooxaha ka dagalaama Somalia. Waxaan galnay Soomaaliya waayo waan caroonnay,” ayay wasiirraddu hadalkeeda ku dartay.

Raychelle Omamo waxay sheegtay in ciidamadoodu ay qabsadeen Kismaayo ayna taasi ahayd mid caddeyn u ah inaanu doonayno in kooxaha argagaxisada ah aanu kula dagaalanno gudaha Soomaaliya.

Sidoo kale, waxay xustay in dalkeeda iyo dalal kale ay taageereen ololihii lagu kordhinayay tirade ciidamada Midowga Afrika ee Soomaaliya ku sugan (AMISOM), si loo gaarisiiyo 22,000 oo askari, halkii ay markii hore ka ahaayeen 17,000.

Wasiiraddu waxay ballanqaaday inay ku dadaalayso in ciidamadooda ay noqdaan kuwa ugu wanaagsan Qaaradda Afrika, iyadoo xustay in ciidamadooda ay ka howl-geli dooanan dalal badan oo Afirkaan ah.

Ugu dambeyn, waxay sheegtay in Kenya uu yahay dalka lixaad marka la eego awoodda ciidamada Qaaradda Afrika, iyadoo xustay inay ka horreeyaan dalalka kala ah: Itoobiya, Masar, Koonfur Afrika, Nayjeeriya iyo Al-jeeriya

COMMENTS
LINKS