|
|||||
WAJAALE NEWS
Dowladda Jabuuti oo shaacisay inay ciidammo dheeraad ah u dirayso Somalia
April 23, 2014 - Written by Editor:JABUUTI(WAJAALENEWS);Dowlada Jabuuti ayaa shaacisay inay ciidamo dheeraad ah u soo dirayso Soomaaliya si ay qayb uga noqdaan ciidamada ka jooga Soomaaliya oo ka mid ah ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM. Madaxweynaha Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geele ayaa hadalkan ka sheegay shir uu la qaatay wafdi ka socday Golaha Ammaanka iyo nabad-galyada Midawga Afrika oo booqasho ku jooga. Sarkaal u hadlay madaxtooyadda Jabuuti ayaa u sheegay wakaalada wararka Antolia ee dalka Turkiga in dowladdu ay Soomaaliya u diri doonto ciidammo dheeraad ah iyo saraakiil caawinaya, kuwaasoo qayb ka noqon doona howlgalka AMISOM. “Waxaan go’aansannahay in saraakiil sare iyo ciidammo Jabuutiyaan ah aan u dirno Soomaaliya si ay ciidamadeenna u caawiyaan,” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay madaxtooyadda dalka Jabuuti. Dalka Jabuuti ayaa waxaa Soomaaliya kaga sugan hal batalyan oo ciidammo ah oo ka howlgala gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya, kuwaasoo dhawaan Al-shabaab ka qabsaday degmada Buulo-burte oo ah magaalada labaad ee ugu weyn gobolka Hiiraan. Ciidamada Jabuuti ayaa waxay qayb ka yihiin 22,000 oo askari oo ka socda dalal Afrikaan ah oo dowladda Soomaaliya ka caawinaya dagaalka ay kula jirto kooxda Al-shabaab oo deegaanno badan laga qabsaday. WAJAALENEWS DESK EMAIL;WAJALENEWS@GMAIL.COM
Related posts:Daawo Qoraa Cali Qoryooley Oo Ka Hadlay Khilaaf U Dhexeeya Shirkada Hemo Books Iyo Maamulka Dugsiyad... Wada Hadalkii U Dhexeeyay Maamulka Khaatumo Iyo Xukuumada Somaliland Oo Natiijo Ku Soo Dhamaaday Xisbiyada Mucaaridka Ah Iyo Madasha Wadatashiga Iyo Toosinta Qaranka Oo Shir Degdeg ah Kuyeeshay Hu... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|