|
|||||
WAJAALE NEWS
Doorashadii Barlamanka Dalka Ciraaq Oo Ay Rabshado Hadheeyeen
April 30, 2014 - Written by Editor:Ciraq(Wajaalenews)Waxaa Maanta Oo Arbaca Dalka Ciraaq Ka Dhacaya Doorashada Baarlamaanka. Waa Doorashadii U Horeysey Ee Heer Qaran Ah Ee Ka Dhacda Halkaas Tan Iyo Markii Ciidamada Dalka Maraykanku Ay Ka Baxeen Ciraaq Sanadkii 2011. Doorashada Baarlamaanka Ayaa Tijaabo U Ah Shacbiyadda Uu Lee Yahay Raysalwasaare Nuri Al-Maliki, Iyada Oo Dalka Intiisa Badan Ay Ka Socdaan Rabshado Dad Badan Ku Dhinteen. Maalmihii Isniinta Iyo Talaadada Waxaa Ku Dhintey Dalka Ciraaq Dad Ka Badan 80 Qof Kuwaas Oo Loo Adeegsadey Qaraxyo Iyo Toogasho. Inta Badan Gobolka Dadka Suniyiinta Ah Ay Ku Badan Yihiin Ee Canbar Galbeedka Ciraaq Ayaa Ah Mid Aan Dowladda Gacanta Ugu Jirin, Waxaana Maamula Ururka Isis Ee Taageersan Shabakada Al-Qaacida. Doorashada Baarlamaanka Ayaa La Sheegayaa In Ay Tijaabo U Tahay Raysalwasaaraha Dalkaas Nuri Al-Maliki Shacbiyadda Uu Lee Yahay. Waxaa Sii Xoogeysanaya Dadka Aadka Uga Soo Horjeeda, Waxaase Aad Loo Rajeynayaa In Xisbigiisa Shiicada Ah Uu Heli Doono Aqlabiyadda Kuraasta Baarlamaanka. Sida Laga Soo Xiganayo Waregesya Weyn Ee New York Times In Badan Oo Ka Mid Ah Maraykanka Lugta Kula Jira Arrimaha Ciraaq Waxay Jeclaan Lahaayeen In Doorashadan Nuri Al-Maliki Looga Guuleysto, Waxaana Ay Aaminsan Yhiin Haddii Dib Loo Doorto In Rabshadaha Ciraaq Ay Noqon Doonaan Kuwo Faraha Ka Baxa. In Ka Badan 20 Milyan Oo Qof Oo Reer Ciraaq Ah Ayaa Sharci U Leh In Ay Dorashada Ka Qaybqaataan, Waxaana Ay Kala Dooranayaan 9 000 Kun Oo Musharax, Kuwaas Oo U Tartamaya 328 Kursi Ee Baarlamaanka Ciraaq Ka Kooban Yahay. Wajaalenews.Net Hargeisanews.Net Related posts:Wasiirka Maaliyadda Oo Mushaharkii Ka Jartay 78 Muwaadin Iyo Gadood Shaqaale Oo La Filayo Inuu Go’... DAAWO: DHACDO NAXDIN LEH Taliyaha Ciidanka Dab- damiska Oo Ka Warbixiyay Nin Maanta Naftiisa Iyo Sad... Mujaahid Cali Gurey, Oo Si Adag Uga Hadlay Hadalo ka soo Yeedhay Maamulka Somalia Oo ku Saabsan H... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|