DHEERAAD NIN HAYSTOO AQALKIISU DHALO YAHAY;qalinkii faysal cumar madar | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
DHEERAAD NIN HAYSTOO AQALKIISU DHALO YAHAY;qalinkii faysal cumar madar
April 18, 2014 - Written by Editor:

HARGEISA(Wajaalenews);Waxa Somaliland kusii badanaya ficilada aan cilmiga ku dhisnayn ee aan laga fikirin waxa ka imanaya ama sawirka ay aduunyadu ka qaadan karto, waxaynu ognahay oo xidhan wargaysyadii HAATUF iyo HUBAAL  iyo waliba SOMALILAND TIMES, haba xidho xukumadu lakiin qarankan inaga dhexeeya fa’iido iyo khasaare keebay u keentay .

Bal aynu dhanka xukumada istaagno ama dhanka fa’iidadaba ay u aragto xukumada, waxa kalliya ee ay keentay in guud ahaan suuqyada maqaalooyinka dalka laga waayo wargaysyadaa sadexda ah ee HUBAAL,HAATUF iyo SOMALILAND TIMES . Waxa kale oo iyana meesha ka baxay in guud ahaan dhaliilahii xukumada ee ay bulshadu helaysay in la waayo, iyo in cidii xidhay ee xukumada ka mid ka ahayd ee qoonsanaysay qoraldii ugu danbeeyay ay ogato awoodooda .

Dhanka kale inakeen ee bulshada dalka iyo kuwa  beesha caalamka , arinkan wargaysyada lagu xayiray dabacadoodii iyo in xarumahoodii ciidan lawareegaan iyo in shirkadihii isgaadhsiimaha lagu amro in aanay baahin baraha aykuleeyihin internetka haday tani hirgashay  miyaanay imankarin in xukumadu tidhaa waxa lagu amrayaa kaalmaha shidaalku kama iibinkaraan xiliga ololaha doorashada xisbi hebel gaadiidkooda. Waxay keentay laba qodob .

Qodobka koowaad: waxay meesha kasaartay kala danbayntii iyo sharciyadii dalka waxa kale oo ay cayday garsoorkii dalka oo ay ka dhigtay mid u adeega xukumada oo israacinkara yeedhmo iyo xukun aan laga garniqin waxa kale oo iyana ay abuurtay jawi colaadeed oo qabyaaladi hagayso, waxay keentay qaybo bulshada kamida oo xeerbeegti iyo xildhibaano leh ay u saftaan hab reereed oo ay kala jeclaystaan xukumada ay difaacayaan oo afka soo mariyaan muxuu wargays hebel wasiir hebel oo reerkiisa ah wax uga qori waayay iyo in layidhaa wargeys hebel reer hebelow xaal ka bixiya ama ka qabta xukumada taasi waxay ina dhaxal siin doontaa in dallku ku noqdo reero oo ciidanku aanay ka halgali kari waayaan dalka iyo in wasaaraduhu noqdaan meel reer iska leeyahay waayo dee hadii wargaysyadu reero noqdaan madaxweyne adna reer baad tahay.

Qodobka labaad: marka laga reebo colaada ay xukumadu u abuurtay shirkadaha isgaadhsiinta waxa iyagana ay sidoo kale khalkhal galisay shirkadihii damacsanaa in ay hawlo shidaal baadhiseed iyo shidaal qodis u yimaadaan dalka markii ay bilaa xukun kula wareegtay xarumihii iyo barihii ayku lahaayeen internetka , waxay xukumadu wiiqday qiimihii dunida aynu ku lahayn ee ahaa in sharuuc iyo kala dabayni ka jirto dalka oo dad ilbaxa oo ixtiraama shuruucdana ayku dhaqan yihiin.

Iyadoo ay Somaliland latagi jirtay fagaarayaasha caalamka in ay tahay dal hanaankii dawladeed dhistay oo ay lakiin beesha caalamku iska dhaga marinayaan, ka warama hadaba hadii aynu dunidii inagu u sheegno in aynaan isku maamulin shuruucda oo aynu nahay dal ku dhisan Somaliland markayga iyo waa markaygii ee maxaa lanooga jiidhayaa .

Tixo kamida maansadii jiitama ee hadraawi ayaa tidhaa :

 

Haddaan dhay la heli Karin

Ama sixin la dhami Karin

Maan dhunkaal ba heensado

 

Dheeraad nin haystoo

Aqalkiisu dhalo yahay

Nabaddiyo ku dhaqan keed

Hadduu tuuryo dhaafsaday

Miyaan kiisa dhagax Karin

Maan dhadhaabta xaabsado

 

COMMENTS
LINKS