|
|||||
WAJAALE NEWS
Dawlada faransiiska oo ka cadhootay hadal kasoo yeedhey madaxwayanaha dalka ruwanda
April 6, 2014 - Written by Editor:(wajaalenews)Dowlada France ayaa sheegtay inaysan wax wafdi ah u diri doonin munaasabada xuska xasuuqii ka dhacay dalka Rwanda oo lagu wado maalinta beri ah (Isniin) in lagu qabto caasimada Rwanda ee Kigali. Dowlada France ayaa qaadacday ka qeyb galka xuskaasi kadib markii wareysi uu bixiyey Madaxweynaha Rwanda Paul Kagame uu ku eedeeyey dalalka Faransiiska iyo Belguim kaalintii ay ku lahaayeen xasuuqii ka dhacay wadankaasi Rwanda sanadkii 1994. Kagame oo wareysi siiyey jariirad kasoo baxda dalka France oo maanta la shaaciyey ayaa ku dhaliilay dowlada Faransiiska iyo wadanka Belguim inay qeyb lixaadleh ka qaateen abaabulkii dagaalkii sokeeye iyo xasuuqii ka dhacay wadanka Rwanda. Dowlada France ayaa sheegtay in wafdigii ay u diri lahaayeen xaflada ka dhaceysa Kigali aysan tagi doonin, iyagoo ku tilmaamay hadalka Madaxweyne Kagame mid wax u dhimaya dib u heshiisiintii iyo isu soo dhawaan-shihii laga dhexwaday labada dal.
xafiiska wararka wajaale Related posts:DAAWO;Wasiirkii Hore Ee Arimaha Dibada Somaliland Oo Ka Hadlay Arimaha Doorashooyinka Iyo Tartanka ... Madaxwaynaha Somaliland Oo Kulan Deg Deg Ah Iskugu Yeedhay Golaha Wasiirada Iyo Nuxurka Qodobada Kas... Xubno ka mid ah Hawlwadeenada Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland oo ku dhamaystay tababar Magaa... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|