Dagaalkii gacanka hadalka ah oo dhaxmaray kooxdii u xidhnayd argagixisada iyo ciidanka asluubta oo uu ku dhintay hal askari | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Dagaalkii gacanka hadalka ah oo dhaxmaray kooxdii u xidhnayd argagixisada iyo ciidanka asluubta oo uu ku dhintay hal askari
April 20, 2014 - Written by Editor:

Hargeisa(wajalnews.net)Dagaal gacan ka hadal ah ayaa xabsiga hargeysa ku dhex maray maxaabiista ku xidhan iyo Ciidanka Asluubta, sida aan wararka ku helayno Hal Askari ayaa ku dhintay inta la ogyahay mid kale

dhaawac baa ka soo gaadhay ka dib markii qaar ka mid ah maxaabiista ku xidhnaa jeelka wayn ee Hargeysa uu

 

Xabsiga dhexe ee Magaalada Hargeysa ayaa, goor dhaweyd waxa ka daatey Maxaabiis kamid ah kuwii ku xidhnaa Xabsigaasi, sida ay Wajaalenews u xaqiijiyeen dad ka ag dhow Xabsiga waxaana la sheegay in ay baxsadeen qaar kamid ah Maxaabiista Ku Xidhnaa Xabsiga.oo aan wali tiradooda rsamiga aan laxaqiijin
Ilaa iyo hada lama garanayo in  ay yihiin Maxaabiista ka baxsatey Xabsiga kuwii loo haystey Budhcadbadeeda iyo Argagixisadii ku xabisnaa, oo sida ay wararku sheegayaan adeegsadey baastoolado, islamarkaana, waxa dhaawacyo soo gaadheen qaar kamid ah ilaaliyaasha Ciidanka Asluubta ah  halka mid kamid ah Ciidanka Asluubtuna geeriyooday sedex kalena kudhaawacmeen hadana majiraan warar dheeraad ah oo sheegaya khasaaraha kale ee ka dfhacey Xabsiga Dhexe, inkastoo la sheegay in lasoo qabtey Maxaabiistaasi qaar kamkid ah , lamana oga in ay yihiin maxaabiista baxsatey in yihiin argagixisadii ku xidhnaa Xabsiga Dhexe ee Magaalada Hargeysa.
Dhaqdhaqaaqa Ciidamada gurmadka ah ee Asluubta iyo Ciidamada kala duwan ee Booluska ayaa, laga dareemayaa, nawaaxiga Xabsiga oo hada soo buux dhaafshey halkaasi, ilaa iyo hadana majiraan warar kasoo baxey dhacdadaasi.

qoriga ka qaaday askari ka mid ah kuwa ilaaliya jeelka,warar kale oo aan soo shaac bixin ayaa sheegaya in ay jiraan qaar ka mid ah maxaabiista oo dhaawacmay.

warar kala duwan ayaa ka soo baxaya nooca ay yihiin maxaabiista baxsday ee furay rasaasta,kuwaasi oo wararka hordhaca ahi sheegayan in ay yihiin Budh-cadbadeedii ku xidhnayd

Wajaalenews.net

Xafiiska wararka hargeisa

COMMENTS
LINKS