Daawo Sawirada Boqortooyada Sacuudiga oo laga dhisayo Daarta Aduunyada ugu dheer | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Daawo Sawirada Boqortooyada Sacuudiga oo laga dhisayo Daarta Aduunyada ugu dheer
April 21, 2014 - Written by Editor:

Saudi arabia(wajaalenews.net)Dalalka Khaliijka Carabta ayaan weli ka daalin ku tartanka dabaqyada iyo guryaha aadka u dhaadheer.

Sucuudiga ayaa maalinta taartiikhdu tahay 27 Abril 2014 bilaabaya dhismaha Dhismaha ugu dheeraan doona adduunka kaas oo dherarka dhanka cirka gaarayo 1km ama 1000mitir sida uu qoray Construction Weekly.

Gurigan oo dhismihiisu socon doono muddo shan sano ah ayaa dhaqaalaha ku baxaaya gaarayaa in ka badan 1.2Bilyan oo dollarka Maraykana ah, Waxaana laga dhisaayaa magaalada Jeddah ee xeebta Badda cas.

Dhismaha guriga u dheeraan doona adduunka ayaa ka koobnaan doona 200 oo dabaq (Floors) kuwaas oo leh 59 Wiish (elevators).

tawer_1 aadka u dhtawer_2eer ayaa loogu magacdaray Kingdom Tower waxaana uu 174 mitir ka dheeraan doonaa sarta hadda dunida ugu dheer ee Khalifa Tower ee magaalada Dubai, waxaana shirkadda iska dhiseysa leh Amiir Alwaleed Bin Talal Bin Cabdulcasiis Ala Sucuud.

tawer_3  tawer_4

tawer_5

 

Dhismaha ugu dheer dunida hadda ee Burj Khalifah ayaa dhererkeedu yahay 828 mitir, waxaan xariga laga jarey sanadkii 2010, waxa ay ka koban tahay 162 dabaq, waxaana ka shaqeeya dad gaaraya 35 000 kun oo qof.

Dubai ayaa hadda wada qorshaha dhismaha guri kale oo aaduga dheer kan Sucuudigu dhismihiisa bilaabayo kaas oo dhererkiisu gaari doona 1400mitir taas oo meesha ka saareysa riyada Sucuudiga ee Kingdom Tower.

tawer_6

Wajaalenews.net

Hargeisa/Ofice

COMMENTS
LINKS