Mujaahidiinta Ku Bahoobay Madasha Wada Tashiga Oo Waraaq Aan Ujeedad La Caday U Gudbiyey Madaxwaynaha Somaliland | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Mujaahidiinta Ku Bahoobay Madasha Wada Tashiga Oo Waraaq Aan Ujeedad La Caday U Gudbiyey Madaxwaynaha Somaliland
April 6, 2014 - Written by Editor:
HARGEISA (Wajaalenews);Mujaahidiinta Ku Bahoobay Madasha Wada Tashiga Oo Waraaq Aan Ujeedad La Caday U Gudbiyey Madaxwaynaha Somaliland Iyo Fariinta Ku Du

guddoomiyaha madasha wada tashiga iyo toosinta qaran somaliland mujaahid xasan guure Jaamac ayaa ka war bixiyey nuxurka warqad ay u gudbiyeen madaxweyaha jamhuurayda somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siilayo,Waxaana uu sheegay in iyadoo maanta ay ku began tahay malintii la aas-aasay ama dhid-bada loo tagay Urukii SNM isla markaana nuxurka waraqaadas ay u gudbiyeen madaxweynahana ay ahayd waxii ka qabsoomay waxyaabahii ururka SNM loo aas-aasay ama ay ka dagaalantay waxana uu yidhi.

“Maanta waa 6 april waana malintii la aas aasay ururkii SNM ragii aas aasayana waxaa ka mid ah oo ka nool maxamed xaashi ,xasan ciise,cabdisalaan yasiin cabdiraxaman cabdi qaadir sidaad arkayseena waxaa aanu galanay madaxtooyada waxanan madaxweynaha anuu u qoranay warqad uu
nuxur keedu yahay waxii SNM himiladeedu aheyd ee dagaalkii SNM loo galay halkuu iminka uu maraayo dalka waxaa ka jira ee anaga noo muuqada waxanu talo moodanay aaynu warqad ku qoranay tana madaxweyanha ayanu u gudbinay. ilaa warqadaa aanu jawaabteeda aanu helnana wax faah faahin ah oo aanu ka bixinayanaa ma jirto wax aanu talo moodanay ayaanu madaxweyanaha aanu u gudbinay.Sidoo kale gudoomiyaha madasha iyo wada tashiga muj.xasaan guure mar wax laga waydiiyey halka uu marayo ama uu ku danbeyey shirkii talo qaran ee ay hore ugu dhawaaqeen madasha wada tashigu ayaa waxa uu sheegay in shirkii talo qaran ee ay ku dhawaqeen ay ka war sugayaan qoladii qaban qabadiisa waday isla markaana uu qabsoomi doono .

HARGEISA SOMALILAND
WAJAALENEWS DESK
EMAIL;WAJALENEWS@GMAIL.COM
COMMENTS
LINKS