Citiraafkii Sheffield Iyo Cibaaradii Ka Dambaysay | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Citiraafkii Sheffield Iyo Cibaaradii Ka Dambaysay
April 27, 2014 - Written by Editor:

Magaalada Sheffield ayaa asal ahaan qayb libaax ka qaadatay horumarka iyo dhaqaalaha dalka Ingiriiska.  Waxay caan ku ahaan jirtay khayraadka dabiiciga ah ee birta, waxaana marmar loogu yeedhaa (Steel City).  Inkasta oo ay warshadihii birta soo saari jiray badankoodu hadeer xidhmeen waxay weli caan ku tahay farsamada tumaalminda, waxayna soo saartaa biraha loo isticmaalo samaynta diyaaradaha, kuwa loo isticmaalo samaynta hubka dagaalka iyo kuwa loo isticmaalo samaynta tareenada iyo xadiidka tareenadu ku ordaan.  Waxaa kale oo ay hormood ku tahay tumista maacuunka birta laga sameeyo sida malqacadaha, mindiyaha, fargeetooyinka, maqasyada.  Meelaha caanka ah ee iibsada maacuunka lagu tumo Sheffield waxaa ka mid ah Aqalka Cad ee Maraykanka (The White House), kaas oo mudo dheer macmiil u ahaa Sheffield.  Sheffield
ayaa ku faanta farsamadeeda tumaalnimo, maacuunka ay tuntaana yahay mid caan ah oo leh shaabad qadarin weyn dunida ku leh.  Waxaa Sheffield ku yaala Carwooyin (Museums) ay ku bandhigan yihiin taariikhda farsamooyinka tumaalnimo iyo birta Ilaahay hibada u siiyay ee u horseeday horumarka iyo kolba halka ay xadaaradooda tumaalnimo maraysay.  Xadaaradan ayaa waxaa iyana door weyn ka ciyaaray webiga Sheaf iyo durduro yaryar oo kale oo suurta geliyay warshadaynta birta.

Magaalada Sheffield ayaa sidii aan qoraalkaygii hore ku soo qaatay sansaanka dabiiciga ah uga eg magaalada Hargeisa ee caasimada Somaliland.  Waxay dad badan oo aan ka mid ahay isku raaceen in magaalada Sheffield dadaalka iyo horumarka uga eg tahay magaalada Burco oo ah magaalo madaxda labaad ee Somaliland.  Magaalada Burco ayaa had iyo jeer lagu soo hal qabsadaa marka laga hadlaayo firfircoonida, geesinimada, han weynida, kartida iyo isku kalsoonida, halka magaalada Hargeisa na lagu soo hal qabsado marka laga hadlaayo quruxda, dhaldhalaalka, macmacaanka, dhandhanaanka iyo ududgoonka.  Bacdamaaba ay Sheffield tahay magaalada keliya ee isku darsatay astaamihii Hargeisa iyo Burco ayay u suura gashay in ay hormood u noqoto citiraaf raadinta Somaliland.  Waxayse magaalada Sheffield sida fiinta uga qaylisay, cabasho weyna ka muujisay duulaan hawada sare kaga yimi oo u kala jebiyay labada daamood ee “Waa Na Loo Dhiibay” iyo “Na Looma Dhiibin”.  Duulaankaas ayaa ururkii hagbada oo runtii horumarka Sheffield iyo ka Somaliland ba meel weyn kaga jira ku keenay kala jab aan ilaa hadda xal loo helin.

Mar ay saaxiibaday Kaltuun TV oo ah haweeneyda ururka hagbada u daadihisa barnaamijka xiisaha badan ee RA’YIGAAGA KA DHIIBO, khadka telephone ka kula xidhiidhay Gudoomiye Abdirahmaan Cirro kuna weydiisay sida uu arko kala jabka ku dhacay ururka hagbada Sheffield wuxuu kaga jawaabay “Belo ma jirto, no problem”.

Sidoo kale mar ay Kaltuun khadka telephone ka kula xidhiidhay Xildhibaan Ibraahim Jaamac Rayte kuna weydiisay fikirkiisa ah in ururka hagbada Sheffield ka soo kaban karo kala jabka ku dhacay wuxuu yidhi “haa, waynu karnaa, yes we can”.

Si kastaba ha u dhacdee, ururka hagbada ee Sheffield ayaa lagu rajo weyn yahay inuu si dhakhso ah u xaliyo khilaafka dhexdooda oo aanay wiiqin tuhinkii loo qabay iyo astaamihii lagu yiqiin.  Hagbada oo la sugaayay in ay isu soo wada ururto Sabtidii 26th April 2014, ayaa ilaa hadda dumarka qaar aanay keenin taas oo werwer gelisay dumarkii sugaayay inay qaataan iyo xawaaladihii sugaayay inay diraan.  Waxaa kale oo kala jabka ururka hagbadu warwar laxaad leh geliyay Councillor Mohammed Maroof, San Weyne (Big Nose) oo quud daraynaaya in dumar badan oo ururka hagbada ku jiraa u codeeyaan maalinta dhow ee 28th May 2014 oo ay dhacayso doorashda golaha deegaanka Sheffield.

Inkasta oo ay tahay markii ugu horeysay ee hagbada dib u dhac ku yimaado mudadii ay jirtay oo ku dhow 23 sano, waxaan ka codsanaynaa dumarka sugaaya hagbada iyo xawaaladahaba in ay shakiga iska saaraan niyadoodana u sheegaan in khilaafku dhakhso u dhamaanayo sida ay saadaaliyeen Gudoomiye Abdirahman Cirro iyo Xildhibaan Rayte.

Sheekada ayaa maanta halkaa inoogu joogi doonta.  Tuduceeda dambe waxaanu ku soo qaadan doonaa taariikhda ururka hagbada Sheffield iyo qaabka uu u shaqeeyo, dumarka ku jira magacyadooda iyo naanaysaha ay ruwaayada ku metalayaan.  Waxaa barnaamijkeedii xiisaha badnaa ee RA’YIGAAGA KA DHIIBO, inoo daadihin doonta saaxiibadayda qaaliga ah ee Kaltuun TV.  Kaltuun waa gabadh aan dheerayn, gaabnayna.  Waa gabadh aan buurnayn, dhuubnayna.  Waa gabadh aan casayn, madoobayna.  Waa gabad aan cago waaweyneyn, cago yaryarayna.

Cabasho:  waxa ay cabasho nooga timi Sahra Qaylo (Sahra Loud) oo ka cudur daaratay magaceeda oo aanu khaladnay, tuducii hore ee sheekada.  Khaladkaasi ma ahayn mid ula kac ah ee wuxuu ka yimi higaada oo aanaan u fiirsan.  Taas, aad baanu uga xunahay waananu ka raali gelinaynaa Sahra Qaylo (Sahra Loud).

Ruwaayadan ayaa ah mid aan siyaasad ku salaysnayn, inkastoo aanay siyaasadi ka maqnayn.  Waa mid aan dacaayad looga dan lahayn, inkastoo aan dacaayadi ka madhnayn.  Haddiise aad dhibsato waxaad cabashadaada u soo gudbin kartaa ururka hagbada adoo nagala soo xidhiidhaya e-mailka waanaloodhiibay.naloomadhiibin@gmail.co.uk

Ruwaayadan ayaa si taxane ah inoogaga socon doonta websiteyada wararka tebiya iyo bog cusub oo aanu ururka hagbada uga furi doono facebook ga lana magac bixi doona waanaloodhiibay.naloomadhiibin.  Hawsha hagbada oo nagu badan iyo wakhtiga oo nagu yar awgood, waxaanu taxanahan idiin soo gudbin doonaa kolba sida haleelkayagu noqdo.  Haddii aanu mararka qaarkood idinka daahno, fadlan noo samra.  Qoritaanka Af-Soomaaliga oo aanu ka raagnay awgeed waxaa marar badan dhici karta in aanu higaada khaladno, taana waanu idinka raali gelinaynaa.  Waxaanu idinku guubaabinaynaa in aad na saxdaan, halkii aad is tidhaahdaan way ku haboon tahay.

WSC

© Amina Souleiman

Sheffield

aminasouleiman@gmailcom

COMMENTS
LINKS