|
|||||
WAJAALE NEWS
Ciidanka maamulka puntland oo gudaha magaalada boosaso ku qabqabtay askar ka tirsan alshabaab
April 6, 2014 - Written by Editor:boosaso(wajaalenews.com)Wararka ka imanaya Magaalada Bosaaso ayaa sheegaya in Ciidamada amaanka ee Maamulka Puntland qabteen xubna ka tirsan Ururka Alshabaab. Maamulka Gobalka Bari ayaa xaqiijiyay in 4 xubnood oo ka tirsan Alshabaab in gacanta ku dhigeen kuwaas oo Maamulka sheegay in ay doonayeen in Bosaaso kaga sii gudbaan buurlayda Gal-gala. Ragaan ayaa gacanta loo galiyay Ciidamada Sirdoonka Puntland ee PISTA kuwaas oo ku xidhay saldhigooda ay ku leeyahiin Magaalada Bosaaso halkaa oo su,aalo ragaa lagu waydiinayo. Xubnahaa la qabtay ayaa waxaa ku jira saraakiil ka tirsan Alshabaab waxaanu Maamulka Gobalka Bari sheegay in ay jiraan xubna kale oo Alshabaab u adeegaya oo ku sugan gudaha Bosaaso. Ciidamada Booliiska Bosaaso ayaa waday habeenadaan howlgalo lagu sugayo amaanka Magaalada Bosaaso waxana lagu qab qabtay dhoor qofood oo lala xariiriyay in amaan daro wadeen kuwaas oo markii danbe la sii daayay. xigasho: Radio wehel wajaalenews.com
xafiiska warar hargeisa Related posts:Qabsoomida Doorashooyinka Golaha Wakiilada &Deegaanka Oo Cidhiidhi Ku Jirta, Iyo Caqabadaha Horyaala... Suxufi Maxamed Wadiin Oo Dib Uhelay Xoriyadiisii Iyo Xisbiga Wadani Oo Ka Hadlay Soo Dayntiisa. DAAWO;-Taliyaha Ciidanka Qaranka Oo Ka Qaybgalay Aas Qaran Oo Loo Sameeyay Col. Marxuum Cabdirasaaq... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|