|
|||||
WAJAALE NEWS
Ciidamada Booliska Somaliland Ee Habeenkii Ilaalada Loo Keeno Isgaysayada Kala Duwan Ee Magaalada Hargeisa Oo Qaarkood Bilaabay In Ay Dadka Hab Budhcad Nimo U Baadhaan
April 17, 2014 - Written by Editor:Hargeisa(WJN)Ciidamada Booliska Ee Somaliland Ee Habeenkii Ay Xukumada Somaliland Soo Dhoobto Isgaysayad Kala Duwan Ee Magaalada Hargeisa Si Ay U Ilaaliyaan Amaanka Guud Ee Dalka Kaasi Oo Ay Dadwaynaha Reer Hargeisa Si Wayn U dhaweeyey Waqtigii La Bilaabay Ciidamada Habeenkii, Ayaa Hada Waxa Soo Baxaya Qaar Ka Mid Ah Ciidamada Booliska Ee Habeenkii La Keeno Isgaysayada kala duwan ee hargeisa Kuwaasi Oo Iyagu Caadaystay In Ay Si Badheedh Ah U Badhaan Dadka iyaga oo kuka qaab budhacdnimo Marka Ay Baadhayaan Gawaadhida Iyaga Oo Qofka Wata Gaadhigana Ku Wanjala In uuna Si Fican U Istaagin Isla Markaana Ay Kasoo Dajiyaan Dadka Gaadhiga Saaran Iyaga Oo Sida Ay Doontaan U Baadha Sidoo Kale Qofka Gaadhiga Wata Hanjabaad Iyo Cago Juglayn Kula Kaca, Intaas Ka Dibna Fadhiisiya Badhtaha Wadada Isla Markaana Garaaca Lanbaro Aan Jirin Iyaga Oo U Sheegaya In Ay Ugu Yeedhayaan Cida Haysata Saldhiga Lagasoo Diray Haseyeeshee Aan Cidna Ugu Yeedhin, waxaana ay marka lala hadlo ay ugu hanjabaan in ay kiis cad ku hayaan kiiskaas oo aan haba yaraatee jirin marka laga reebo dadka ay sida sharciga ah wax ugu qabtaan ama ay uga shakiyaan, Inkasta Oo Ayna Dhamaan Askarta Wada Ahayn Hase Yeeshee Ay Yihiin Qaar Dhif Ah Iyada ,Mid Ka Mid Ah Dadka Ay Iyadu Dhacdadani Ku Dhacday Ayaa Sheegay In Aysan Caadi Ahayn Askarta Noocan Ahi Iyaga Oo Waqtigaas Isticmaala Waxyaabaha Maanka Dooriya, sidoo kale waxa ay sheegeen in ayna gayn meelna qofka haseyeeshee ay iska sii daayaan marka uu qofkaasi wax iskaga dhiibo ama ay iagu iskood uga daalaan ilaaladiisa Hargeisanews.net Xafiiska wararka hargeisa Related posts:Wasiirada Maaliyada Wadamada Geeska Africa Oo Shir Ku Yeeshay Dalka Jabuuti Iyo Arimaha Lagaga Hadla... Wasiirka Deegaanka Oo Maanta Gaadhay Magaalada Laascaanood, Dhagax Dhigtayna Xarun Wasaarada Deegaan... Dawlada Itoobiya Oo Ka Hadashay Socdaalkii Uu Madaxweynaha Jsl Ku Tagay Dalka Djibouti! Iyo Kulankii... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|