Cali Khaliif Galay iyo Cali Ciise oo Maanta ka soo degey Talleex iyo Ciidanka Somaliland oo kusii jeeda taleex si ay hawl galo uga fuliyaan | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Cali Khaliif Galay iyo Cali Ciise oo Maanta ka soo degey Talleex iyo Ciidanka Somaliland oo kusii jeeda taleex si ay hawl galo uga fuliyaan
April 20, 2014 - Written by Editor:

taleex(WJN)warar soo gaadhay Waaheen ayaa sheegaya in ay goor dhaweyd ka soo dageen magaaladda Taleex koox ay hogaaminayaan Cali Khaliif Galaydh iyo Cali Ciise oo ka mid ah kooxo Qas ka wada magaaladda Taleex ee Somaliland.

Sida wararka Hordhaca ah eek a soo baxaya kooxdani ay sheegayaan waxay ka soo kicitimeen magaaladda Muqdisho, waxaanay wateen diyaarad khaas ah oo ay usoo kaxaysteen sidii ay uga bilaabi lahaayeen Olole siyaasadeed, kaasoo ka dhashay Hinaase ka dhan ah Hawl-galkii Ciidamadda qaranka Somaliland ay dhawaan ku tageen magaaladaasi.

Cali Ciise iyo Cali Khaliif Galaydh ayaa wada Qalalaase siyaasadeed iyo dagaalo lagu hoobto oo Gar-daro ah, iyadoo Somaliland maanta uga digtay in kooxaha Nabad-diidka ah ee ay hogaaminayaan faragalin ku sameeyaan xuduuda Somaliland gudaheeda.
Dhanka Ciidamada Somaliland ayaa Maant aku ruqaansaday Taleex.

wajaalenews.net

hargeisa/ofice

COMMENTS
LINKS