|
|||||
WAJAALE NEWS
beesha caalamka oo si wayn usoo dhawaysay doorashada ka dhacday dalka afganistan
April 6, 2014 - Written by Editor:Beesha Caalamka ayaa guulweyn ku tilmaamtay doorashadii maalnimadii shalay (Sabti) ka dhacday wadankaasi Afghanistaan. Doorashadan ayaa ah tii ugu weyneyd oo ka dhacda wadanka Afghanistaan tan iyo intii xukunka laga tuuray maamulkii Talibanka. Kooxda Taliban ayaa horey ugu hanjabtay inay duulaan ku qaadi doonto goobaha codbixinta, balse doorashada ayaa inta badan si nabad ah ku dhacday, mana jirin weeraro xoogleh oo ka dhacay goobaha codbixinta. Shacabka ayaa sidoo kale banaanka ugu soo baxay say codkooda u dhiibtaan, iyadoo la sheegay in 50% dadka diiwaangashanaa ay codkooda dhiibeen tiradaasi oo gaareysa in ka badan 7 milyan oo qof. Natiijada doorashada ayaa la filayaa in lagu dhawaaqo 24ka bishan April, hadii hal murashax guusha ku raaci weydo, waxaa la qaban doonaa wareeg labaad oo la qorsheeyey bisha May. Illaa iyo hada macada cida ku horeysa cododka balse murashaxiinta sida weyn isha loogu hayo ayaa waxaa kamid ah Abdullah Abdullah oo doorashadii 2009 la tartamay Madaxweynaha xilka ka degaya Xamiid Karsaay, waxaa sidoo kale kamid ah murashaxiinta sida weyn loo yaqaan Zalmay Rassuul oo horey usoo noqday Wasiirka Arrimaha Dibada.
wajaalenews.com
xafiiska wararka hargeisa
COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|