|
|||||
WAJAALE NEWS
Beedka Yaxaaska: Axmed Jiiniyas Iyo Cabdinuur Allaale!! Qalinkii mustafe sh,cumar geedi
April 4, 2014 - Written by Editor:Qalinka: Mustafe Sh. Cumar Geeddi Qaybtii 6-aad. Waa taxane akhristayaasha u gudbinaya qaybo ka mid ah wax-soo saarkii mu’allif sodon-jir ku shihiiday oo ifka kaga tagay taariikh iyo murti aan xad-lahayn. Waa Mujaahid Axmed Muxumed Warsame (Geinus). Fanaanka Cabdinuur Allaale, Qaybtii hore ee cadadkii shalay waxaa uu tilmaamay in Axmed Genius ay isku barteen Hargeysa, markii Danbena Djibouti isugu yimaadeen. Halkii ha inooga sii anba-qaado sheekaddii uu kaga hadlayay markan hees gaar u taabatay oo hooyadda la xihdiidha. Waxa uu yidhi Cabdi Nuur. “Heesta waxaa ku luuqeeya, nin Baaruud la yidhaa, Laxanka iyo midhahaba Axmed (AHUNX) ayaa lahaa..Waxay ka waramaysaa qiimaha hooyadda iyo sidda ay ku tahay Ilmaheedda, inta ay uurka ku siddo, korintiisa, waayaha kala soo darsa..sawir guud ayay ka bixinaysaa marxaladahaas. Intii hore sidaan kuu sheegay fanaaniinta muu soo dhex-geli jirin. Laakiin, markan danbe waanu isu nimmid, Annaga oo wada joogna oo maalinle u kullana, ayuu Guursaday Marwo Shantaal Cusmaan oo aan wax badan ka ogaa dhismihii gurigoodda. Hawshaas aqal-galka iyo guurka ayaanu nooga batay haddana mar kale oo muddo ayaanu yara kala xidhiidh furanay. Anna xaggan Hargeysa ayaan ku soo laabtay, waxaanan ku soo beegmay iyaddoo ay Hargeysa ka socoto Ruwaayad ay Xamar ka keeneen koox ka tirsanayd Ciidankii Guul-wadayaasha la odhan jiray. Fanaaniintaas waxaa ka mid ahaa Yaasiin Axmed Dude iyo Sayid ninkii la odhan jiray iyo Xaawa Hiiraan. Markii aan la kulmay kooxdan ayaan ka yara jeclaystay inaan kala hadho Xaawa Hiiraan iyo Sayid oo aad ugu wanaagsanaa Majaajiladda. Waxaan arrintii u bandhigay Meecaad Miigane oo aan ku idhi labadaas fanaan ayaan u baahanay inaan Djibouti geeyo. Dabadeed, sidii ayay kaga hadheen oo Djibouti ayay noogu yimaadeen markii ay ruwaayaddii soo dhameeyeen. Ayaa Xaawa Hiiraan iyo Sayid oo aan dalbaday iyo Yaasiin Axmed saddexdoodaas oo ruwaayad qabyo ah oo Yaasiin leeyahay sida waxaa ay noogu yimaadeen Djibouti. Waxaanan u baahanay Axmed Genius si uu Ruwaayadaas illaa abaabulo. Bandhigaas waxaa la odhan jiray ‘Hawaale Aduun Haadba haad kici’. Dhamaan Laxamadda heesaheeda Axmed Genius ayaa lahaa, heeso badan oo uu midhahooda sameeyayna waa ay ku jireen oo ay ka mid-tahay heesta tidhaa. Diraac xumaatoo Ugaadha duurkiyo Dhamaysay Duunyo Deeqdii Ilaahayna Daroori weyday Dariskoo u baahan Caanaha la daadsho Doqon dhargaa Leh
Dunidda Maanta Dabkaa ka oogan Damaaci baa leh In la isku diidana Aqoon darraa leh. Dareenka caashaqa Dadweynahaa leh. Anoo ku doortay Ku dayrin maayo Adoo I doortay Ku diidi maayo Jacaylka daruurta gaadhsiiyeey Habeeya Anniga iyo Xaawa Hiiraan ayaa wadda qaadnay oo laba Bayd ayay ahayd heestaasi. Sidoo kale, Axmed Laba heesood oo uu qaadayay laftiisu ayaa ku jiray bandhigaas oo labadayada ayaa wadda-jir labada fanaan ee hoggaaminaya (Actors) ruwaayada ahayn. Waxaana ay noqotay ruwaayad aad loogu bogay ayay noqotay. Mudaddo Kooban ayay ahayd, waqtigaas uu Djibouti nala joogay, Laakiin, ka sokow ruwaayadaha heesaha aan bandhig ku jirin ee uu sameeyay ee fanaaniinta reer Djibouti ku luuqaysay mid iyo laba iyo toban toona maaha ee waa ay badnaayeen.waxa ka mid ah heesta aan ku luuqeeyo ee ay Midhaheeda ka midka yihiin….la soco cadadka danbe FG: Akhriste Aragtidaadda ku wajahan qormadan iyo wixii Macluumaad aad ka hayso Marxuumkaba waan soo dhaweynaynaa noogu soo dir: Ciwaankamustafa@gmail.com, ama saxafinews@gmail.com Related posts:COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|