Baananka Ganacsiga In La Furo Maxaa Loo Diidan Yahay?Cabdiraxmaan Cadami | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Baananka Ganacsiga In La Furo Maxaa Loo Diidan Yahay?Cabdiraxmaan Cadami
April 17, 2014 - Written by Editor:

HARGEISA(Wajaalenews);Guddoomiyii hore ee hay’adda shaqaalaha S/land ayaa ka hadlay baananka ganacsiga iyo muhiimada ay u leeyihiin dalka iyo dadkaba isaga oo ka hadlay maal gashiga Somaliland waxaana uu yidhi

Muwaadin hadaba shacbiga ayaa u miciin noqon ama u hiilin marka ay hormoodkii umadu isku bahaysteen inay is hortaagaan horumarka dalka iyo in kor loo qaado nolosha dadka danyarta ah .

Xukuumada Somaliland waxay qaadatay Siyaasad furfuran oo lagu dhiiri gelinayo in dalkeena la maal- gashado, waxay balan ku qaaday in la sameeyo wax kasta oo u fududaynaya shirkadaha shisheeyaha maalgashiga Somaliland sida dal kastaaba ku hodan ah iyo ku sabool ahiba ugu dadaalaayo inuu soo jiito maalgashiga caalamiga ah.

Hadaba in kasta oo loo baahan yahay shuruudo badan in la buuxiyo waxa jira kuwo iyagu lagama marmaan ah sida Baananka Ganacsiga oo Baanka Dhexe hagayo , Shirkado Caymis iyo maxkamado madax banaan oo lagu kalsoon yahay kuwaas oo la’aantood aanay suurto gal ahayn in laga fakaro in dalkeen la mal gashado.

Si kastaba ha ahaatee Baananka Ganacsiga in la furo maxaa loo diidan yahay? Muxuu Xeerka Baanka Ganacsigu ugu hor abaaday ama u hor yaalaa Golaha Wakiilada mudo shan sano ka badan ? Maxay Golaha Wakiiladu durduro ugu ansixiyeen Xeerka Baanka Islaamka? Maxay Dawladu uga gabatay inay iyana dhankeeda dabada ka riixdo Xeerka Baanka Ganacsiga?
Jawaabaha Su’aalahan waxaan u dhaafayaa dadweynaha iyo Hay’adaha Xukuumada ee ay khusayso kaliya waxaan iftiiminayaa in Madaxweynihii la doortay, Hay’adaha dawlada ee ku shaqada lahaa iyo Golahii Wakiilada ee matalaya dadkooda dan yarta ah ay u nuglaadeen cadaadiska iyo galaangalka xoogan (Lobbing) ee shakhsiyaad ka soo hor jeeda in Baanan Ganacsi la furo, ujeedaduna waxay tahay in kooto loo xidho, waxay diidayaan tartanka suuqa xorta ah.

Baanka Ganacsiga iyo Baanka Islaamku labaduba waxay dadka u qabtaan adeeg isku mid ah, labaduba waxay rabaan macaash ama dulsaar u bixi (Interest) oo xaaraan ku sheeg ama khidmad ku sheeg (Commision) oo xalaal ku sheeg.

labada Eray ee Baan iyo Islaam ee laysku lifaaqay kaliya waa xeelad lagu soo jiito dadka muslimka ah ee aan aqoonta u lahayn siday u shaqeeyaan Baananku.

Somaliland kama duwana dalalka kale ee islaamka oo dhamaantood ka furan yihiin Baananka Ganacsigu, waxay ka furan yihiin Maka iyo Madiina , qofkastaaba Baanka uu jecel yahay ayuu la macaamilaa qasab na maaha inaad la macaamiisho Baanka Ganacsiga.

Hase yeeshee waxa dhawan iskood isku xil qaamay aqoonyahano reer Somalland ah oo ku xeel dheer Cilmiga dhaqaalaha iyo doorka Baanka Ganacsigu ku leeyahay kobaca dhaqaalaha oo waydiiyay shir-gudoonka wakiilada sababaha loo hakiyay Xeerka Baanka Ganacsiga.

Wada sheekaysi iyo is qancin ka dib waxa laysla gartay in Xeerka dib loo soo ambaqaado oo Golaha la hor keeno,.

Hadaba si xeerka mar labaad golaha dhexdiisa loogu bakhtiiyo waxa la aloosay olole balaadhan oo ka dhan ah , waxa la hawl galiyay xubno firfircoon oo golaha ka tirsan oo qayladooda la maqli doono marka laga doodayo xeerka, waxa la tuhunsayahay in rag Xukuumada ku jira dabada hayaan, waxa la maal geliyay qaar ka mid ah saxaafada, waxa la abaabulay oo la adeegsaday culimo waawayn oo magac iyo sharaf ku leh bulshada oo sidii xisbiyada qaranka uga ololaynayay masaajidada iyo Tv- yada .

Muwaadin hadaba shacbiga ayaa u miciin noqon ama u hiilin marka ay hormoodkii umadu isku bahaysteen inay is hortaagaan horumarka dalka iyo in kor loo qaado nolosha dadka danyarta ah .

Dacawo ayaa laga sheegay inay tidhi “ Walee reer aan ogahay ma guuro”.

Su’aal: Xukuumadu hadii ay ka dhab tahay maxay uga aamustay dagaalka lagula jiro kaabayaasha siyaasadeeda maalgashiga. Si kastaba aha ahaatee waxaan ku soo gabogabaynaa talooyinkan soo socda:

1. Madaxweynaha Somaliland md Axmed Siilaanyo inuu hubiyo in Golihiisa Wasiiradu ka midaysan yahay ama gees uga soo wada jeedaan hir gelinta qorshaha xukuumada ee maalgashiga dalka.

2. Waa in Wasaaradaha Ganacsiga & Maalgashiga, Maaliyada iyo Baanka Dhexe si wada jir ah u difaacaan una dhaqan geliyaan Barnaamijka dawlada ee ku aadan maalgashiga.

3. In Goluhu si degdeg ah u ansxiyaa Xeerka iyag oo tixgelinaya danta guud iyo saamaynta Togan ee uu ku yeelanayo dhaqaalaha si idinkuna magac iyo maamuus uga heshaan bulshadiina baahan
4. In Aqoonayhananka reer Somaliland iyo ardayda kuliyahadaha dhaqaaluhu ka hadlaan faa’iidada Ganacsiga xorta ah.

C/raxmaan Cadami

COMMENTS
LINKS