Af-hayeenno Aakhira-Sabbaan!Qalinikii Maxamed Daahir warsame | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Af-hayeenno Aakhira-Sabbaan!Qalinikii Maxamed Daahir warsame
April 15, 2014 - Written by Editor:

Haddii qoys agoon yahay
wixiisii rag qaybsaday
qaangaarna sare kaco
qabyadooda raadshaa,
” Qori sii!” ha joogtee,
Wallee quuso kuma diro!

Waxaruhu sidaan qabo,
weligoodba qoor-qabad
biyo kuma qurquriyaan,
anna qiiro mooyee
qasab kuma balwayn karo.

Qaraf iyo tixaa gabay
ku qaraabo uma baran
quudkaygu muu gelin,
qatanaha saboolka ah
dantoodaan ku qummiyaa.
Hadba wiilka qooqane
maalintaasi qoodha ah
qushuuciisa ma akhriyo,
ways kala qabweynahay
qofna kabaha uma tiro.

Nadaamkii macan-geega ahaa ee siyaad barre kumaa dhaqmi jirin dabeecadaaha ay ku dhaqmaan wasiiradda siilaanyo uu shaqeeya kuwaaso maalinbaa lasoo baxaa wax ku cusub hay-kalka dawladnimo waxaana yaabka maalmahan soo baxay uu yahay xilal inaagu cusub iyo dabar gooyn ku socotaa saxaafadda wadanka aynu ku nool nahay ee somaliland oo ay isaagu ah wadan lagu ogaa dimu-quraadiyadda saafi ah intii ka horeysay,xukuumadda uu hogaamiyo axmed siilaanyo.

Waxaana la arkaayey inay  dad lagu shaqo geeyey qabyaalad aan gaabasho layn kuwaaso iyaaguna ummada kulaa dhex jiraa nadaam ku salaysan raali gelintaa cidi shaqada qortay oo anay xatta ka shaqayn dan qaranku leeyahay

Hadabaa aan uu dhaadhaco dulucdaa maqaalkan waxaa aan laga aamusi karin dabar goyntaa lagu hayo saxaafadda somaliland oo ah mid kolbaa dhinac looga soo wareegaayo, waxaan hadda la gaadhay sidii saxaafadda lo qaramayn lahaa hadaad maqli jirtay ciidan qaran hadda waxbaa ma dhaaman askarigaa qoriga sitaa ee cidi la yidhaahdo soo qabtaa banaysaa .waxanaa hadaa la gaadhay xiliigi wasaarad  walbaa af-hayeen loogu magacaabi lahaa taaso sababtuna tahay sir cusub oo ay ku wadaa socdaan wasiirada uu siilaanyo hogaamiyo,waxana talaadaas ku horeeyey wasiirka ay madaxweyne siilaanyo isku beesha  yihiin,maxamuud xaashi cabdi kaaso wiil la sheegay inuu saxaafadda ku shaqaysan jiray  isaago dhinaacna ka ahaa basaas uu shaqeeya xukuumadda ayuu wasiirkanina uu magacaabay af-hayeenka wasaaradaas uu wasiirka ka yahay muhanad oo ay hayb wadaagan madaxweyne siilaanyo sidoo kaleena ah masuulka intaa badan ku hawlan dabar-goynta saxaafadda

Waxaanu wasiirkani wiilkan yar uu dirtaa inuu soo dhego dhegeeyo nux-nuxdaa ay saxaafaddu ku wadaa-shekeysanayso isaago ninkaasi uu xirfad uuleeyahay sidii uu maalinbaa usoo gudbin lahaa waxaa ka dhex jiraa iyo wararka ay hayaan warbaahinta dalku sidoo kale wiilkani waxaa uu durbaa gaadhi ka iibsaday kharashkii  yaraa ee ay warbaahintu ku shaqeynaysay mararka ay madaarka ka jiraa warar ay soo duuben waxaanay hadda qanac ka taagan saxaafadda inteeda badan oo ku tilmaamtay imaan-beele ku nool dhiiga dadka

Sidoo kale waxaa af-hayeenada aakheera saban ka mid ah isna magacaabay wasiirka beeraha oo la sheegay inuu kulaa taliyey wasiirka duulista waxuuna wasiirkaasina u magacaabay af-hayeen akhiira saban wiil uu adeer uu yahay

Kaaso uu uga dan leeyahay sidii uu karaan timeyn lahaa wariyaasha ka hawl-galaa magaalada Boorama oo ay xukuumaddu gaadh uga dhigtay inay ka wa rhaysona ogaysiisay

Qalnikii

Maxamed Daahir warsame

Hargeisa/somaliland

COMMENTS
LINKS