16 Jir Ku Dhuuntay Taayir Diyaaradeed Oo Ku Badbaaday Shan Saacadood Oo Ay Hawada Ku Jirtay Diyaaradu | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
16 Jir Ku Dhuuntay Taayir Diyaaradeed Oo Ku Badbaaday Shan Saacadood Oo Ay Hawada Ku Jirtay Diyaaradu
April 21, 2014 - Written by Editor:

Hawai(Wajalenews.net)Wiil jira 16 sano ayaa maalintii shalay ee Axadda diyaarad ka soo duushey gbolka Kalafoorniya ee dalka Maraykanka isku qariyey shaaga diyaaradda halka uu galo, waxaana diyaaraddu ke jeedey gobolka Hawaii.

Waxaa wiilkan arkey shaqaalaha diyaaradda markii ay ku degtey garoonka diyaaradaha ee Maui.

Hay’adda FBI ayaa waraysi la yeelatey wiilkan dhalinyarada ah ee sida mucjisada ah ku badbaadey, FBI waxay sheegeen in wiilku shaaga diyaaradda ku soo dhuuntey kadib markii uu ka soo boodey gidaarka garoonka diyaaradaha ee San Jose. Waxaaana uu awood u yeeshey duulimaad shan saacadood ah in uu ku jiro shaaga diyaaradda waxaana diyaaradu ku duushey joog ka badan 11 kun oo mitir, hawada sare ee diyaaraddu ku duuleysey, qabowga iyo cimilada uu ku soo duuley ayaa lagu qiyaasayaa in ka badan -50c.

Sida laga soo xiganayo FBI wiilkan ayaa ka soo cararay gurigooda oo ku yaaley Santa Clara kadib markii ay isku buqeen qoyskiisi, waxaana hadda lagu wareejiyey masuuliyiinta xanaanada caruurta, FBI waxay sheegtey ax baaritaan kale ah lalama yeelanayo, sidoo kale dhakhaatiirta ayaa cadeysey in caafimaadkiisu wanaagsan yahay.

Sanadkii 2010 ayaa sidaan oo kale wiil jira 16 sano uu galay shaaga diyaaraddu halka ay ku laabato, waxaana uu ka soo dhacay markii ay diyaaraddu ku degeysey garoonka diyaaradaha ee Boston Logan Int Airport, isla halkaas ayaanu ku dhintey.

 

Wajaalnews.net

Hargeisa/office

COMMENTS
LINKS