Gudoomiyaha Komishanka Doorashooyinka Qaranka Oo Iska Casiley Xilkii Gudoomiyanimo Iyo Gudoomiye Cusub Oo Ay Doorteen | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Gudoomiyaha Komishanka Doorashooyinka Qaranka Oo Iska Casiley Xilkii Gudoomiyanimo Iyo Gudoomiye Cusub Oo Ay Doorteen
April 22, 2014 - Written by Editor:

HARGEISA(Wajaalenews);Gudoomiyaha Komishanka Doorashooyinka Qaranka Somaliland Ciise Yuusuf Maxamed (Ciise-xamari), ayaa iska casiley Xilkii Gudoomiyanimo, kadib markii uu uga codsadey Xubnaha Komishanka arimo shakhsi ah awgood una baneeyo jagada Gudoomiyaha sida lagu cadeeyay Warsaxaafadeed kasoo baxey Xarunta Komishanka Doorashooyinka Qaranka oo uu ku sexeexan yahey, Agaasimaha Komishanka Doorashooyinka Qaranku Cabdiraxmaan Siciid Yuusuf, kaas oo la sheegay in ay ka aqbaleen Xubnaha Komishanka Doorashooyinka Qaranku.

Scsdan1.jpg

Warsaxafaadeed kasoo baxey Xafiiska Komishanka Doorashooyinka Qaranka oo lagu sheegay is casilaada jagada Gudoomiyaha ee Gudoomiyaha Komishanka Doorashooyinka Qaranka Ciise Yuusuf Maxamed(Ciise-Xamari), islamarkaana, uu ku xusan yahey in uu xilkiisii buuxiyay Maxamed Axmed Xirsi Geelle, oo hore u ahaa afhayeenka Komishanka Doorashooyinka.

Warsaxaafadeedka kasoo baxey Xafiiska Komishanka Doorashooyinka Qaranka ee lagu cadeeyay in

Ciise Xamari baneeyay xilka jagada Gudoomiyaha Komishanka Doorashooyinka iyo Gudoomiyaha buuxiyay xilkaasi oo nuqul kamid ahi soo gaadhey Wajaalenews kaas oo uu ku sexeexan yahey Agaasimaha Guud ee Komishanka Cabdiraxmaan Siciid Yuusuf isagoo dhameys tiran waxa uu udhignaa sidan.
“Maanta oo ay Taariikhdu tahey 22ka April,2014 waxa uu komishanka Doorashooyinka Qaranku la socodsiinayaa Bulsha Weynta Reer Somaliland,Xisbiyada Siyaasada, Xukuumada iyo daneeyeyaasha Doorashooyinka:

1)In Gudoomiyihii Komishanka Doorashooyinka Qaranka Mudane Ciise Yuusuf Maxamed uu arimo shakhsi ah awgood codasdey in uu baneeyo jagada
Gudoomiyaha KDQ taasoo uu qoraal rasmi ah kaga codsadey xubnaha KDQ 20kii April 2014;
2)Xubnaha KDQ waxa ay si wadajir ah uga aqbaleen (unanimously agreed) in mudane Ciise Yuusuf Maxamed uu baneeyo jagada Gudoomiyaha kDQ iyagoo uga mahad celinaya wada shaqeyntii xilkasnimadii,masuuliyadii iyo hogaamintii wacneyd ee uu muujiyay muddadii uu hayay xilka Gudoomiyaha KDQ.
3)Sidoo kale, waxa ay xubnaha KDQ siwadajir ah (unanimuosly) ugu doorteen shaley oo ay taariikhdu aheyd 21kii April xilka Gudoomiyaha KDQ Mudane Maxamed Axmed Xirsi Geelle waxaanay illaahay uga baryayaan in uu u fududeeyo howshaa culus.

=Allaa mahad Leh=
Cabdiraxmaan Siciid Yuusuf
Agaasimaha Guud KMQ”

Waxa kale oo warsaxaafadeedkan ku lifaaqan nuqulka Go,aanka Xubnaha todobada xubnood ee Komishanka doorashooyinka qaranka, oo lagu cadeeyay doorashada ay gudoomiyaha Komishanka u doorteen Md Geelle.

Xubnaha Komishanka Doorashooyinka Qaranka
1)Maxamed Axmed Xirsi Geelle :Gudoomiye
2)Cali Khadar Xassan Cismaan :G/kuxigeen
3)Eng Ciise Yuusuf Maxamed :Xubin
4)C/fataax Ibraahim Xassan :Xubin
5)C/raxmaan Maxamed Ismaaciil :Xubin
6)Raabi Cabdi Maxamed :Xubin
7)Faarax Abiib Aadan Faarax :Xubin

Gudoomiyaha iska casiley Xilka ee Komishanka Doorashooyinka Qaranka Ciise Yuufuf Maxamed(Xamari) oo shabakada Wararka Wajaalenews wax ka weydiisey arimaha kalifey xiligan, in uu iska dego Xilka Gudoomiyaha Komishanka isagoo, abaara kowdii ku sugnaa Xarunta Komishanka Doorashooyinka kadinkiisa ayaa, ku gaabsadey in aanu halkaa u dhaafeyn xiligan warsaxaafadeedkaasi kasoo baxey Xafiiska.

 

WAJAALENEWS DESK

HARGEISA OFFICE

COMMENTS
LINKS