Xukuumaddu wax haka qabato Caddaalad darrida ka taagan Maxkamaddaha dalka iyana faraha ha kala baxdo | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Xukuumaddu wax haka qabato Caddaalad darrida ka taagan Maxkamaddaha dalka iyana faraha ha kala baxdo
March 4, 2014 - Written by Editor:

WAJAALENEWS;Waxaynu La soconaa inay Caddaalad wanaagsan in la helaa  ahayd Ballanqaadkii Xisbigii Kulmiye oo ahaa in Caddaalad lahelo laga Tago Laaluush Wax isadaba marin iyo Waxyaabaha lahal maala oo Daashatay dadkii Masaakiinta ahaa ee Dacwaddu u taalay Maxkamaddaha Xukuumaddu Miyaanay la socon Waxyaabaha ka oogan Maxkamaddaha Dalka dawladdu sirdoon miyaanay ku lahayn sida Caalamka Waa Wax lala yaabo.

Masuuliyiinta Maxkamaddaheena waxaa Magacaaba Madaxweynaha sidooda ayaanay Uga Madaxbanaanaayeen xukuumadda Maxkamaddihii dalka iyo Dadweynihiiba waxaa daashaday Laaluush wax isdabamarin iyo Haa Iyo Maya inay Laaluushku ka siiyo waanan caddaynayaa dee Madaxweyne Meeshan Maxkamaddaha la yidhaahdo dalkii wuu ka ciiray wax lagu sheegana Garan mayno.

Xayiraado  lagu oogo kii Xaqa u lahaa in dacwadiisa loo xukumo waxaana ka dheereeyay Ninka yidhaahdo Gudoomiyaha Maxkamaddana waxaan u ogolahay 2 baloodh kuxigeenkiisana intaa haddii ay Cadaaladda wax ku qaadayaan markaasi waxba may ahaateene dee Maanta Lacagtaada ayaa kuu haysa wax kasta miyaanay Yaab ahayn.

Aad ayaan ugu Kuurgallay Arrimahaasi dee Ninka ugu sareeya ayaaba Laaluush qaate ilaahay ka fogaaday ah Maxaad u malayn kuwii kalena xog ayaan hayaa haddii loo baahdana waan hayaa dadkii Dulmiga lagu sameeyay oo aan ahayn mid iyo lababa .

Markuu Xaal sidaasi yahay Wasiirka u bootaynaya Maxkamaddahuna Waa La Midoo Waa Khalad khalad ku sax Madaxweyne Meeshan wax kalaa kasoo salag salag leh haddii aynu sidan ku dayno waa Bilaahi tawfiiq….

Qalinkii Mohamed mussa inji

COMMENTS
LINKS