xukuumaddu diyaar uma aha in ay cafiso Telefishanka Universal;;wasiirka warfaafinta somaliland | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
xukuumaddu diyaar uma aha in ay cafiso Telefishanka Universal;;wasiirka warfaafinta somaliland
March 30, 2014 - Written by Editor:

Wasiirka Warfaafinta, dhaqanka iyo wacyi-gelinta Jamhuuriyadda Somaliland Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse) ayaa sheegay in aanay xukuumaddu diyaar u ahayn in ay cafido Telefishanka Universal oo raali gelin ka bixiyay ficilo uu kula kacay somaliland.

Waxa uu xusay in ay maxkamad la tiigsan doonaan Telefishankaasi isla markaana dhinacooda aanay ka soo debci doonin halkii ay ka taagnaayeen.

Sidaasna waxa uu ku sheegay qoraal kooban oo uu ku baahiyay bogga uu ku leeyahay Facebookga, waxaanu yidhi “Asalamu Alaikum Saaxiibeyaal Bayal Waad Salaamantihiin Meel Kasta Oo Aad Joogtaan Waxan Waxyar Ka Odhanayaa Su’aal Dadku Aad Ii Soo Wadydiinayay Ilaa Shalay Oo Ahayd Universal Haddii

Ay Raali Galin Bixisay Ma La Fasaxayaa.

Maya Taasi Qorshaha Xukuumada Maaha Tv Gani Wuxuu Meel Kaga Dhacay Qaranimada Iyo Jiritaanka Umad Dhan Oo Cid Walba Leh, Wuxuu Meel Kaga Dhacay Sharafta Qaran Dhami Lahaa Waxaasina Wax Ka Soconaya Maaha Haddii Uu Durba U Darsaday Dhaqaalihii Somaliland Ka Soo Geli Jiray Waliba Maxkamad Ayaanu La Tiigsanaynaa.

Waxaanu U Haysanaa Meel Ka Dhaca Masiirka Umad Dhan Oo Aayeheeda Ka Tashatay, Waxaanu U Haysanaa Duminta Qaran Dhiig U Daatay Waxaanu U Haysanaa Been Iyo Aflagaado Kabaxsan Xeerka Saxaafada Caalamiga Ah).

 

wajaalenews.net

COMMENTS
LINKS