Xukuumada-Somaliland-Oo-Ku-Dhawaaqday-In-Ay-Gudi-Heer-Qaran-Uu-Saarayso-Aaska-Fanaanka-Weyn-Ee-Maxamed-Saleebaan-Tubeec. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Xukuumada-Somaliland-Oo-Ku-Dhawaaqday-In-Ay-Gudi-Heer-Qaran-Uu-Saarayso-Aaska-Fanaanka-Weyn-Ee-Maxamed-Saleebaan-Tubeec.
March 13, 2014 - Written by Editor:

HARGEISA WAJAALENEWS,Madaxweyne ku-xigeenka Jamhuuriyada Somaliland ayaa maanta ku dhawaaqaya Gudi heer Qarana oo qaban qaabisa Aaska Fanaankii waynaa Marxuum  Maxamed Saleebaan Tubeec oo ku dardaarmay ka hor intii aanu dhiman in lagu aaso Magaalada Barbera ee Gobalka Saaxil.Gudidan ayaa la filayaa inay ka koobnaan doonto Qoyska Marxuumka, Wasiiro, Abwaanada reer Somaliland iyo Xubno lagaga dari doono Magaalada lagu Aasaayo ee Barbara.

Wasiir Ku xigeenka Wasaarada  Warfaafinta Somaliland Cabdiwaaxid  Cabdiraxmaan Cabdiqaadir iyo Ehelada Marxuumka ayaa habeenkii xalay ahaa si wada jira u shaaciyey in maxuumka lagu aasi doono halkii uu ku dardaarmay.

Wasiir ku xigeenka Wasaarada Warfaafinta ayaa ugu horeyn  waxaa uu Tacsi uu u diray Ehelkii , Qaraabadii ,Bahdii Fanka iyo Shacbiga reer Soomaliland ee uu ka baxay Marxuum Maxamed Saleebaan Tubeec waxaana uu ilaahay uga baryey inuu naxariistiisii fardawsa jana uu ka waraabiyo.

Waxaana ka mid ahaa hadaladisii isaga oo ku dhawaaqaya in aas qaran loo samayn doono”……Caawa halkan waxaynu u joognaa inaynu ku dhawaaqno Xukuumad ahaan in Meydka Marxuum Maxamed Saleebaan Tubeec lagu aaso Magaaladii uu ku dhashay, iyadoo la tix-gelinayo Dardaarankiisii u dambeeyey, taasoo ay Go’aansadeen Ehelkiisii oo ay caawa ina la joogto Xaaskiisii Khadiija Ismaaciil, Caruurtii uu Awoowga u ahaa, Salaadiintii iyo Waxgaradkii iyo Siyaasiyiintii beesha.” .

waxaanu intaas ku daray “Markaanu intaas oo dhan qiimayno ee Dardaarankii Marxuumka, go’aanka ay qaateen Qoyskiisu ayaa Xukuumadduna la waafaqnay, sidaa daraadeed Xukuumaddu waxa ay go’aansatay in Maydka Marxuumka la keeno Somaliland oo dalkiisa lagu aaso. Madaxweyne ku xigeenkuna waxa uu berito soo saari doonaa Guddi heer qaran ah oo iskugu jira Qoyska Marxuumka, Wasiiro, Abwaanada reer Somaliland iyo Xubno lagaga dari doono Magaalada lagu Aasaayo. guddidaas ayaa berri wixii ka dambeeya la wareegi doonta diyaarinta iyo qaban-qaabada Aaska Alle ha u naxariistee Marxuum Maxamed Saleebaan Tubeec, markaa annaga (Wasaarada dhaqanka, Hidaha iyo Warfaafinta), aanu ku dhawaaqno.”Ayuu  yidhi  wasirku

Alleh Ha u naxariistee fanaankiii waynaa ee maxamed saleebaan tubeec  oo maalintii  salaasadii ku geeriyooday cisbitaal ku yaala dalka jarmalka ayaa halkaasi waxaa uu u yaalay xanuun mudooyinkii danbe hayey, waxaan uu ifka kaga tagay ku dhawaad ilaa 3o qof marka la tiriyo inta uu dhalay iyo inta ay sii dhaleenba.

Inaa rilaahi wa inaa ilaayhi raajicuun nafwaliba maalinteeda  ayaa ay galbanaysaa waxaanan marxunka uga baryaynaa inuu naxariistiisii janatul fardawsa u ka waraabiyo.

 

 

 

WAJAALENEWS DESK

HARGEISA OFICE

EMAIL.WAJALENEWS@GMAIL.COM

COMMENTS
LINKS