Xoghayaha Guud Ee Golaha Wakiiladda Oo Ay Walaalo Ahaayeen Gabadhii Dhawaan Godka Lagu Aasay Oo Waraysi Naxdin leh Siiyaya Warbaahinta Kana Waramay Sidii Wax U Dheceen | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Xoghayaha Guud Ee Golaha Wakiiladda Oo Ay Walaalo Ahaayeen Gabadhii Dhawaan Godka Lagu Aasay Oo Waraysi Naxdin leh Siiyaya Warbaahinta Kana Waramay Sidii Wax U Dheceen
March 5, 2014 - Written by Editor:
Ayaan darada Dalka taalaa waxa weeyi Taliyaha Qaybta Barriga iyo Taliyaha Saldhiga labadooda midina waa gaashaanle Sare midina waa Kabtan waligoodna Booliis wuxuu yahay may arag…………..

Xoghayaha Guud ee Golaha Wakiiladda C/risaaq Siciid Ayaanle oo ay walaalo ahaayeen Marxuumaddii dhawaan lagu Dilay Hargeysa ee Godka lagu Riday ee mudada toddobaadka ah la la’aa meel lagu Aasay ayaa waraysi gaar ah oo naxdin leh kaga sheekeeyey sidii ay walaashii u dhimatay, dhibaatooyinkii uu Booliiska kala kulmay iyo sidii loo helay Meydka marxuumadaasba.

C/risaaq Siciid Ayaanle waxa uu waraysigan ku soo bandhigay fadeexado hor leh oo ay Dadweynuhu Booliiska ku dhalliili jireen kuwaas oo uu kala kulamy mudadii ay kiiskan baadhayeen Saldhiga New Hargeysa iyo Taliyaha qaybta Barrio o uu ku Eedeeyey in aanay lahayn Aqoonto Booliis-nimo isla markaana uu dareen badan ka qaatay in ay Kiiskan kaga gaabiyeen.

Waraysigaas oo dhinacyo badan taabanayaa waxa uu u ku bilaabmay sidan:

Arrintani naxdinteeday lahayd, waana arrin dalka ku cusub, abaaro labadii duhurnimo ayay hooyaday ila soo hadashay waxay igu tidhi inantii waxay u tagtay gabadhii ay lacag toban kun oo Dollar ah ku lahayd illaa tobankii wixii ka danbeeyeyna Telefoonkeedii la igma qaban kowdii markii ay gaadhayna waa la xidhay, markaa anigu magaaladda waan ka maqnaa maqribkii baan soo galay markaa anigu waxaan u arkayey gabadh iska soo danaysanaysa guriga Marxuumada walaashay ah baan imid markii aan soo galay waxaan ugu imi gabadhan Gacan ku dhiiglaha ah Muna oo gurigeedii joogta, Hooyaan waraystay waxay ii sheegtay in ay dhawr jeer Telefoonka kala hadashay markii ay la joogtay oo Telefonkeedii laga qaadi waayey subixiina markii ay u tagaysay ay ku tidhi Hooyo gabadhaas waan ka shakisanahaye ha u tagin walaashayna ku tidhi gabadhaas isku kaaya daa.
Markii ay halkaas maraysay ayaan anigu ka shakiyey gabadhii Saldhiga New-Hargeysa ayaan tagay markiiba Askaribaa la igu soo daray markaan arrinkii u sheegay gabadhii baanu kaxaynay saldhigaanu geynay muuqaalkeedu markiiba wuu isbedelay Taliyihii qaybtaan ku idhi gabadh baa naagtan ku maqane noo xidh, ma xidhayo ayuu yidhi, hadaba Damiin ka qaad gabadhan ilayn qof dhan baa ku maqane baan ku celiyey hadana wuu diiday. Taliyaha Saldhiga oo markaa maqnaabaan Telefoon kula hadlay isna wuu I diiday arrintaas aad baan ula yaabay waayo anigu markaa waxaan aaminsanahay gabadhan walaashay ugu muuq danbaysay in ay ku maqan tahay, gabadhii Booliiskii laftiisii baan OTO OTO ku qaaday oo gurigeedii lagu geeyey.
Taliyaha Qaybta waxaan ku idhi gabadha maxaad u qaadaysaan ilayn Kiis baanu u haysanaaye wxuu iigu jawaabay waad dilaysaan, waxaan ku idhi waadigii maalinta dhaweydaba shanta kun ka damiintee masuuliyadeeda adigaa qaadaya, markaa waxaan ka shakisanahay in uu xidhiidh ka dhaxeeyo Taliyaha qaybta iyo gabadhan walaashay Dishay, waayo Carruurta waaweyn ee la xidhan imika waxa ay isku yihiin Taliya Ilma adeer.

Abaar tobankii habeenimo ayaan Guddoomiyaha Golaha Wakiiladda la hadlay waxaanu helnay Jananka Booliiska arrintii baan u sheegnay wuxuu nagu yidhi imikaan ka hawl gelayaa Askar baanan dirayaa, marka aTaliyuhu subaxii buu askar diray, subaxii Askarta loo diray gabadhii laba Wiil iyo laba gabdhood oo ay dhashayba waxa loo tagay iyagoo gurigii ka qaxay, galabnimadii-baa hadana la doonay gurigii-baa laga waayey.

Jananku markaas wuxuu la soo hadlay Qaybta iyo Taliyaha Saldhiga waxaanu amar u bixiyey in la soo qabto.
Habeenkii danbe ayey Booliisku gurigii ku noqdeen gabadh ka mid ah gabdhihii ay la baxsatay ee ay dhashay ayaa gurigii laga soo helay, subaxii buu hadana Taliyaha Booliisku la soo hadlay Taliyaha qaybta wuxuu ku yidhi soo xidh baan ku idhi haddii aad soo xidhi weydo adigaa galaya meesheedii, Ilaahay wuxuu suurtogeliyey laba gabdhood oo la kala yidhaahdo Faraxiya Cali yo Khadra Togdheer oo ay saaxiibo ahaayeen ayaa ogaaday gabadhii iyo laba carruur ahi inay baxayaan Booliiska ayaa loo yimi waxaanu nidhi halkanay marayaane kaalaya soo qabta, intaaba Booliisku way naga dhago adaygayeen gaar ahaan kuwaa New-hargeysa iyagoo waliba amarkii Jananka qaba, runtii Jananka waan u mahad naqaynaa oo arrintaas aad buu uga hawl galay intii awoodiisa ahayd.

Markii danbe way na raaceen Inan iyo labadii wiil ayaanu soo qabanay, hadana habeenkii danbe ayay labadii Hablood ee hawsha suurtogaliyey ila soo hadleen oo ay yidhaahdeen gabadhiina waanu haynaa ee kaalay C/risaaqaw noola hadal Askar hanala raaciyee, markii arrintu halkaas marayso ayaanu Jananka ka codsanay inuu Saldhigaas iyo Qaybtaba arrinta nooga wareejiyo, Janankuna wuu naga aqbalay Taliyaha Ciidanka danbi baadhista C.I.D-da ayuu noogu wareejiyey, markaas danbi baadhe C.I.D-da ah ayaa arrintii la wareegay Askar buu nagu daray sodii baa lagu soo qabtay gabadha oo haysata Moobilkii Marxuumada ee ay marka hore kala tuurtay, Taliyaha Cidanka C.I.D-duna intaas wixii ka danbaysay si fiican ayuu hawsha u maamulay, laakiin shacabka waxan u sheegayaa Saldhigaas New Hargeysa in aanu shaki badan ka qabno, kiiskiina baadhis buu ku jiraa intaa wixii ka danbeeya Booliiska ayaan u daynaynaa.

S: Maxaa ka dhaxeeyey ma dayn bay isku lahaayeen ma wax baad isku ahaydeen mise khilaaf kale ayaa dhex maray?

J: runtii ilaa toban sano way is yaqaaneen, illaa Reer Berbera ayay isku ahaayeen markan danbe Hagbad ayay wada galeen, gacantii ugu horaysay ayay qaadatay gabadhan dishay, markii ay gacantii ugu horaysay qaadatay ayay ka baxday Hagbadii, Marxuumada ayaa markaa lacagtii ka sii bixin jirtay si aanay dadkii ugu kashifmin sidaasay arrintu ahayd, hadana mid kale ayay la soo gashay oo ay tidhi lacagtii baan ku bixinayaa taasoo bilaabantay bishii feberwari oo cidii ugu horaysay ay gacantii ugu horaysay qaadatay markaa waxay ahay lacagtaas ay ku lahayd iyo Dayn ay siisay siday islaanta ii hooyada ahi ii sheegtay iyo Inan kale oo Cawo la yidhaahdo oo ay marxuumaddu dhashayba.
Mar waxa dhacday ay tidhi jagaan ku dayn baxayaa oo ay marxuumadda geysay oo ay tidhi lacagti baan ku bixinayaa Injineer dawladda hoose ah baa la geeyey meeshii Injineerkiina waa wado ayuu yidhi, sidaasaa markaa ay gabadhan wax isugu lahaayeen
S: sidee baad markaa Meydka ku hesheen?

J: kolay Hablahaa aan kuu sheegayay ee soo qabtay marka horaba ayaa aad uga shaqeeyey laba arrimoodba waanu ku helnayoo waxa naloo sheegay Godkaas aanu ka helnay in meeshaas God ka qodnaan jiray muddo shan iyo toban cisho ka hor ahayd, waxa kaloo aanu meesha ugu tagnay Ciid cusub oo aan ahayd cIIda Cad ee Dooxyada laga soo qaado. Ciidaas horta aad baanu uga shakinay, laba jeer Ciidaas waanu baadhnay waxba waanu ka weynay, shaw Ciidu waxay ahayd Ciid sadex jeer iska ragooyin dhigeen, markii danbe waxa naloo sheegay in God meesha ka qodnaan jiray oo la aasay.
Qoddob kale oo muhiim u ahaa helitaan Meydka ayaa jiray oo ahaa dad xaafada la jaar ahi in ay noo sheegeen maalintaa gabadha la Dilay in ay Dukaankoodii soo xidheen dabadeedna wiilasha ay gabadhi ku tidhi waar maxaa dhacay manta ee aad meherada u xidheen dabadeed uu mid ka mid ahi ku yidhi Islaan Edadayo ah oo Goblan ah ayaa gurigayaga ku dhimatay, hadana waxay gabadha jaarka la ihi tidhi Gabadha guriga leh baan arkay oo igu tidhi Oday Abtigay ah Oo burco ka yimi in uu guriga ku dhintay markaas baan ka shakiyey ayay tidhi gabadhaasi.

Markii aanu arrimahaas oo dhan isku biir biirinay ee aanu ka shakinay Godkaas baloo sheegay in uu qodnaa maalmo dhaweyd, waxaanu u tagnay Taliyaha Ciidanka C.I.D-da waxaanu ku nidhi Taliye Godkaas baanu ka shakisanahay inay gabadhayadii ku jirto waanu qodaynaaye Askar-na raaci., Jananka Booliiska ayuu la hadlay Janankiina amar buu bixiyey Ciidan buu na raaciyey sidii baanu ku tagnay gurigii, anana waxaanu sii kaxaysanay Rag noo qoda majarafadaanu sii qaadanay waxaanu ku bilawnay Godkii naloo tilmaamay, markii aanu foqnay waxa noo cadaatay Godka in la aasay oo Ciida lagu buuxiyey, waanu qodnay waxa markiiba nagu soo baxay Cidh-baheedii oo kor soo xiga, madaxeegiina wuu hooseeyey, sidii baanu ku qodnay oo aanu ku soos aarnay Meydkeedii.

S: markaa imika Kiiskii halkuu marayaa?

J: Kiiskaas waxaan u daynaynaa Booliiska oo gacanta ku haya, ka hor dhici mayno, laakiin dadkii loo tuhunsanaa oo dhan gacantaa lagu hayaa.

S: Imisa Qof ayaa u xidhan kiiska?

J: Toban qof baa u xidhan oo kala ah Gabadha ay lacagta ku lahayd iyo ninkeeda iyo afar carruur ah oo ay dhashay gabadhu iyo dhawr qof oo kale oo la baadhayo.

S: Xoghayaha Golaha Wakiilladda ayaad tahay C/risaaq horena Booliiska ayaad uga tirsanaan jirtay, ma Booliisnimadaadii ayaa qayb ka ahayd hawsha aad intaas oo rafaad ah usoo marteen in lagu Guulaysto maadaama aaad dhaliilayso Booliiska New Hargeysa, maxaadse is odhan kartaa in ay keentay Booliisku in ay kiiskan ka caga jiidaan.?

J: Anigu masuul ka tirsan Golaha Wakiiladda ayaan ahay imika, Hore-na Jananka isku Booliis baanu ahayn, Taliyaha Qaybta Barriga iyo Taliyaha Saldhiga New Hargeysa midkood-na Booliis ma aha hadana midna Gaashaanle sare weeyi, mid-na waa Kabtan, Booliis-nimaduna waxa weeyi arrin kasta oo lagu soo sheego waa inaad talaabo ka qaadaa, kiiskani wuxuu ahaa kiiska khatarta intaas leeg leh oo OB-ga la galiyey qof kasta oo caqli lihi wuu garan karaa arrinta intaas leeg marka laguula yimaado inaad baadhi karto ama hakin karto inta ay wax kala baxayaan.

Anigu Jananka isku kalaas baanu ahayn, isku Booliis baanu ahayn, kuliyadiibaanu ka soo wada baxnay, isagu imika illaa sodon sano ayuu booliis ahaa waa nin ku khabiira, imika Booliiskeena waxaaba u badan niman Milatari ahaan jiray, Taliyaha qaybta iyo Taliyaha Saldhiga New hargeysa midkoodna Booliis soo muu marin, shaqada Booliiskuna waxa weeyi in aad danbi hadduu dhaco oo laguu soo sheego markaaba ka hawl gashaa sidii aad Xog uga heli lahayd ee aad u hubin lahayd illaa gunteeda, markaa waxaan odhan karaa inkasta oo ay rag badan oo wanaagsan oo xirfad lihi ku jiraan, laakiin hadana waxay u baahan yihiin aqoon inta ay leeyihiin ka badan.

S: Xoghaye Niin Booliis ah ayaad ahayd, dhacdadan waxa kalaa kulmay in badan bay bulshadu ka cabataa oo ay sheegtaa in aanay Askarta Saldhigyadu Dacwadaha ay ula tagaan aanay waxba ka qaban, markaad eegto waayo aragnimada aad maalmahan ka heshay cabashooyikaas ee aad la akhrido aqoontaadii, ee aad eegto adigii masuulka ahaa ee Hay’adihi sharci dajinta joogay in aan waxba laguu qaban, maxaa kaaga baxay Eedaha Booliiska loo jeediyo.?

J: haddii Booliisku sidan ku sii socda oo marka ay sharciga yimaadaan waxba loo qaban waayo waxa iman doonta in ay dadku sharciga gacantooda ku fushadaan, waliba markii aan saldhiga tagay waan isku sheegay waxaan ku idhi waxaan ahay ninkaas masuulka ah dee waxa igala kulmay waaniga kuu sheegay dadka kalena maxaad u malayn, anigu waxaan leeyahay arrintan Illaahay baa inagu soo Asturaye Booliisku shicibka u soo dacwooda ha u dhaga furnaadaan oo talaabo deg deg ah ha ka qaataan wararka loo keeno.

WAJAALENEWS DESK

HARGEISA OFFICE

EMAIL;wajalenews@gmail.com

COMMENTS
LINKS