Xog:Abaandulaha Ciidmada Milateriga Somaliland oo daboolka ka qaadey in khilaafkii ka dhex oognaa Isaga iyo Taliyaha ciidanku sii murgay! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Xog:Abaandulaha Ciidmada Milateriga Somaliland oo daboolka ka qaadey in khilaafkii ka dhex oognaa Isaga iyo Taliyaha ciidanku sii murgay!
March 5, 2014 - Written by Editor:

Abaandulaha Ciidmada Milateriga Somaliland oo daboolka ka qaadey in khilaafkii ka dhex oognaa Isaga iyo Taliyaha ciidanku sii murgay!

Hargeisa-(Wajaalenews)-Abaandulaha ciidamada Milateriga Somaliland Sareeyo Guuto Cabdillaahi Jaamac Calas ayaa maruu u waramaayey qaar ka mid ah warbaahinta maxalliga ah iftiimeyey in  khilaafkii ka dhex aloosnaa isaga iyo Taliyaha ciidamada Somaliland  Sareeye Gaas Ismaaciil Shaqalle sii murgay, islamarkaana ay u maaro waayeen guddi loo saaray soo afjarida khilaafkaa u dhexeeya isaga iyoTaliyaha..

shhhhhhhh

Taa ka sakow wuxuu Abaanduuluhu sheegay inaanu wax hawla hayn, xafiisna tegin ee dharcad  meelahaa iyo suuqa iska joogo yahay,ahaanayana ilaa inta arintiisa oo Madaxweyne Siilanyo la taala meel ku tiiranayo.

Abaandulaha oo ka hadlaaya Arimahaasna wuxuu yidhi “Anigu waxaan ahay dharcad oo dadkayga ayaan iska dhexjoogaa,sidaas ayaanaan ahaanaya ilaa iyo inta khilaafka la xalinaayo,khilaafkii iyo arimihii sharci ee aanu isku haynay Taliyahana waa sidii ,wayna ka sii dareen,Gudidii madaxweynuhu u saaray khilaafkana waxba may xalin,cid dhexdhexaadin wadana ma arko hadda”

Abaanduuluhu oo ka hadlaayey wax u qorshaysan ama uga meel yaal khilaafkan gaamuray wuxuu yidhi “Waxaan go’aansadey intuu Madaxweyne siilanyo xilka hayo inaan wax istiqaalad ah dhiibin,waxan ka dhursugayaa wuxu ka yeelo khilaafkan sharci”ayuu hadalkiisii ku soo afmeeray abaandule calas

WAJAALENEWS DESK

HARGEISA OFFICE

EMAIL;wajalenews@gmail.com

COMMENTS
LINKS