Xisbiyadda Mucaaradku Dib u Habeyn Badan ayay u Baahan Yihiin. W/Q: Maxamed Yuusuf Cumar. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Xisbiyadda Mucaaradku Dib u Habeyn Badan ayay u Baahan Yihiin. W/Q: Maxamed Yuusuf Cumar.
March 8, 2014 - Written by Wariye:

xisbiyad calamaantoodiiXisbiyadda mucaaradka ee Somaliland oo kala ah WADANI iyo UCID ayaa la moodaa in ay wax badani ka dhiman yihiin,iyadoo labada xisbiba aysan u dhsineyn sidii loo baahnaa oo wax badan ayaa ka dhiman,waayo waxaa loo baahnaa in ay hantaan odayaasha dhaqanka,aqoonyahan ka dalka,culima udiinka,siyaasiyiinta waayo araga ah,haweenka iyo dhalinyarada,intaasi hadii ay ku guuleystaan in ay hantaan waxaa fudud sidii ay dawlada haatan jirta oo aan iyadu indho aan mucaardka ahayn lahayn ay ku xakameyn lahaayeen xayndaabka sharciga oo aad moodo in ay dawlada axmed siilaanyo ku tumatay.

Hadii la is barbar dhigo mucaaradkii daahir rayaale iyo kan haatan waxaa u dhaxeeya faraq weyn ,weliba iyadoo dawladii Daahir Rayaale ahayd dawlad loo simam yahay oo dhamaan beelaha reer Somaliland

ay ka wada muuqdeen balse tan siilaanyo ay beeshiisu u badan tahay oo tusaale ahaan waxay beesha madaxweyne siilaanyo haysataa madaxweynihii dalka oo ah kursiga ugu sareeya dalka,gudoomiyihii golaha guurtida oo ah kan ku xiga iyo afar wasiir oo haya mansabyada ugu mudan golaha wasiirada oo barka la eego dawladan siilaanyo ayay umadu nacday balse tii Daahir Rayaale umadu may nicin oo qabiil laguma nicin halka xukuumada siilaanyo lagu nacay qabiil kaliya oo hantidii umada boobaya.

Marka xisbiyada mucaaradku waa in ay xoojiyaan wada shaqeynta ay la leeyihiin odayaasha dhaqanka,aqoonyahan ka dalka,culima udiinka,siyaasiyiinta waayo araga ah,haweenka iyo dhalinyarada hadii ay doonayaan in ay guuleystaan.

Mida kale waxaa iyana jirtay in xiligii uu siilaanyo mucaaradka ahaa uu mudahaaradada isagu soo hor kci jiray halka manta aysan hogaamiyayaasha mucaaradka lagu arag iyagoo taageerayaashooda soo hor kacaya sidii KULMIYE oo weliba KULMIYE waxaa soo hor kicida u dheeraa hadalada iyo kicinta shacabka oo waxa la hayaa siilaanyo oo mudaharaadka hogaaminaya oo ay afkiisa ka soo yeedhayso ha dhaco Daahir Rayaale iyo wax la mid ah.

Q/linkii Maxamed Yuusuf Cumar

Maxamed876@gmail.com

Hargeysa/Somaliland

COMMENTS
LINKS