Xilldhibaan Siciid Cilmi Rooble OO Beeniyay Inuu ka baxayo Kulmiye,Xukuumada Siilanayo Kula Talinayaa In Ay Iska Ilaaliso Waxii Aanu Shalay Ka Qaylinaynay | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Xilldhibaan Siciid Cilmi Rooble OO Beeniyay Inuu ka baxayo Kulmiye,Xukuumada Siilanayo Kula Talinayaa In Ay Iska Ilaaliso Waxii Aanu Shalay Ka Qaylinaynay
March 6, 2014 - Written by Editor:
HARGEISA(Wajaalenews)Waxanan Xukuumada Siilanayo Kula Talinayaa In Ay Iska Ilaaliso Waxii Aanu Shalay Ka Qaylinaynay Talada Nasteexa Ahna Ay Qaadato. Xilldhibaan Siciid Cilmi Rooble

Waxanan Xukuumada Siilanayo Kula Talinayaa  In Ay Iska Ilaaliso Waxii Aanu Shalay Ka Qaylinaynay Talada Nasteexa Ahna Ay Qaadato. Xilldhibaan  siciid cilmi rooble

 

Xildhibaan siciid cilmi rooble oo ka tirasan xildhibanaad golaha wakiilada ugu jira xisibiga kulmiye ayaa waxaa uu beeniy warar sheegayey in uu ka baxay xisbiga kulmiye

Xildhibaanka ayaa sheegay in ay ku kalifatay in uu ka hadlo oo uu beeniyana in uu ka baxay xibiga kulmiye ka dib markii wargeska HAATUF uu qoray warar sheegayey In xildhiban siciid cilmi rooble iyo xildhibano kale oo ka tirasan xisibiga kulmiye  ay ka digo rogteen xisibgaas  kuna biiren xisbiga mucaridka ah ee wadani   ayaa
waxaa uu sheegay in ay wararkaasi ay yahiin qaar anay waxaba ka jirin .Xildhibaan siciid oo u waramayey waragasaka Geeska Africa ayaa waxaa uu xusay in anay jirin cid ka xigta xisibga kulmiye balse uu ka tirsan yahay kana mid yahay balse taasi aanay ka hor joogsanenn in uu cadeeyo ama uu sheego dhaliilaha xukuumada somaliland .

Isagoo arimaas ka hadlayana waxaa uu yidhi “waxaan jawaab ka bixinayaa jariirda Haatuf oo cadadkeedii shalay ku soo qoratay in aan ka bixi doono xisbiga kulmiye oo aan ku biiri doono xisibga kulmiye.warkaas majiro,wax uu wargaysaku uu iga waydiiyeyna ma jirto waxaan manta halkan aan ka cadayanayaa in aanan ka bixin kulmiye cid kulmiye iga lahina  aanay jirin ,cid iiga tacab badanina ma jirto  cid aan marti uga ahayana ma jirto”. Ayuu yidhi

Waxana uu intaas raacaiyey “halka se la ilaawayaa waxaa weeyee in aan ahay xildhibaan wakiil ka ah shacbiga rer somaliland ,una dhaarata dalkiisa,dadkiisa,iyo diintiisa .waxay dawladu khalado cid u qaabilsan in ay ka hadasho ayaan ka mid ahay ku raaci mayo waa xisbigaagii iyo waa reerkaygii wax badan oo baranaamijkii kulmiye aan wax ka sameeyey  ku jiray oo ay xukuumadu baal martay ayaa jirta waxana kamid ah :

kala madax baaninida waaxyaha qaranka iyo is ilaalindooda.

maamul wanaaga iyo sixitaanka nidaamka dawlad nimo.

Intaasana waxaa uu sii raciyey xildhibaan siciid cilmi rooble” qorasha lowad ee xisbiga kulmiye waxaa uu aha in aanu nidamaka bedelno  oo may ahayn in aanu riyaale aanu bedelno calaa iyo kuli xaal ta,cabdiraxaman ciro ee lagu sidkaaynayo .waa sax wana gudoomiyaha golaha wakiilada wana gudoomiyahaygii in aan is bar bartaagana waa igu waajib ,waayo kaligii laguma soo duulin ee golaha wakiilada ayaa lagu soo duulay , sida iminkaba loogu duulay waxadii garsoorka dad badan oo shalay ii amaanayey aya maanta I maagaaya ,sharaf ayey ii tahay taasina waayo waxaan isku arkaa nin xaqa  ku eedaama  oo anay maskaxadiisu cid gaar ah u xidhneen . waxanan xukuumada siilanayo kula talinayaa  in ay iska ilaaliso waxii aanu shalay ka qaylinaynay talada nasteexa ahana ay qaadato”

ayuu ku soo gabo gabeeyey hadalkiisii xildhiban siciid cilmi rooble.

 

WAJAALENEWS DESK

HARGEISA OFFICE

COMMENTS
LINKS