Xildhibaanada-Golaha-Deegaanka-Caasimada-Hargaysa-Oo-Si-Kulul-Uga-Soo-Horjeestay-Degreetadii-Wasiirka-Hawlaha-Guud-Iyo-Guryeynta. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Xildhibaanada-Golaha-Deegaanka-Caasimada-Hargaysa-Oo-Si-Kulul-Uga-Soo-Horjeestay-Degreetadii-Wasiirka-Hawlaha-Guud-Iyo-Guryeynta.
March 11, 2014 - Written by Editor:
HARGEISA WAJAALENEWS,Xildhibaanada Golaha Deegaanka Caasimada Hargaysa ayaa si kulul uga soo horjeesay degreeto uu Wasiirka Wasaarada Hawlaha Guud iyo Guryeyntu uu ku joojinaayey in la iibiyo dhulka danta guud, waxaana ay  sheegeen in aanay marnaba aqbali doonin doonin degreetaadaasi .
Ugu yaraan 20-xildhibaan oo uu shirgudoominaayo Maayar Ku-Xigeenka Golaha Deganka Magaalada Hargaysa Cabdicasiis Cagaweyne ayaa waxaa ay hadalkan ku dhawaaqeen mar ay maanta shir-Jaraa’id ku qabteen xarunta  Dawlada Hoose ee Magaalada Hargaysa . waxaana ay carabka ku adkeeyeen in ay ka gola deegaan ahaan leeyihiin awoodaha dhulka danta guud ay ku iibin karaan, wasaarada hawlaha guudna aanay maamulin, balse ay maamusho dhulka shacabka ku yaala.
Maayar ku-Xigeenka Caasimada Hargaysa Cabdi Casiis Cagaweyne oo Shirkaa Jaraa’id Ka hadlay ayaa waxaa hadaladiisii ka mid ahaa:”..Waxaa aanu  leenahay oo aan ku gunaanadaynaa waxaa aan ku wada hadlaynaa qodobo sharciyaa,waxaan ku wada hadlaynaa waxa adiga kaa dhigay Wasiir anagana naga dhigay xildhibaano, waxaa weeyaan sharci ,sharcigaasaa inoo dhaxeeya sharcigaasa aan dalka ku maamulnaa, sharcigaasaa aynu dalka ku hogaaminaynaa.waxaan leeyahay marka hore waxaan halkana  aanu hambyo aanu u marinaynaa madaxweynaha jamhuuriyada Somaliland oo isaga ay digreetadiisu ay tahay mid waafaqsan xeerarka ,haday tahay xeer number 17 , hadaba dulsaarkan uu dulsaaray xeerka ee uu ta madaxweynaha, ee uu yidhi waxaanu tixraacnay ta madaxweynaha ,waxaan hadaba wasiirka leeyahay maad tixraacin xeerkaas , oo waxaa uu xeerkani uu dhigaya na dhulkca shacabka in hawlaha guud ay wakiil uga tahay dhulka jamhuuriyada Somaliland, wixii ka reebana in aanu ka dawlad hoose ahaan aanu shacabka uga wakiilanahay, waxaana dastuurka jamhuuriyada Somaliland uu dhigayaa in xeerka 110aad,111aad iyo 112aad faqardiisa sadexaad ina aan anagu awooda haa aad nagu haysato oo dhanba aanu leenahay..”.
Degreetadan uu wasiirka wasaarada gureynta iyo hawlaha guud soo saaray ayaa noqonaysa mid kamida direetooyin hore uga soo bixi jiray wasaarada guryaha iyo hawlaha guud waana khilaafaad inta badan soo noqda kaasi oo ku salaysan cida iska leh awoodaha maamulka dhulka .
WAJAALENEWS DESK
HARGEISA OFFICE
EMAIL,WAJALENEWS@GMAIL.COM

COMMENTS
LINKS