Xildhibaan C/laahi Blacki Oo Madaxweynaha Somaliland Ku Hambalyeey Safarkiisa Uu Ku Gaadhay Magaalada Laasgorey ee ku Taal Bariga Gobolka Sanaag | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Xildhibaan C/laahi Blacki Oo Madaxweynaha Somaliland Ku Hambalyeey Safarkiisa Uu Ku Gaadhay Magaalada Laasgorey ee ku Taal Bariga Gobolka Sanaag
March 17, 2014 - Written by Editor:
GABILEY(WAJAALENEWS)waxaan ugu baaqayaa dadweynaha reer Somaliland inay doorashada soo socota ay doortaan madaxweynaha Somaliland axmed siilaanyo”.xildhibaan c/laahi blaaki
Gabiley(WJN) Xildhibaan C/Laahi Xuseen Cige(Blaaki) Oo Ka Mid Ah Xildhibaanada Golaha Wakiilada Somaliland Ee Kasoo Baxay Gobolka Gabiley Ayaa Madaxweynaha Somaliland Ku Hambalyeeyey Safarka Uu Marayo Guud Ahaan Gobolada Dalka Gaar Ahaan Gobolada Bariga Somaliland, Waxanu Xildhibaanku Sheegey Inuu Madaxweynuhu U Kuurgalayo Xaalada Dadka Iyo Duunyaba Ee Goboladaasi.
Waxaanu Yihi”Waxaan Maanta Halkan Ka Hambalyeynayaa

Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaayo Iyo Waftiga Uu Hogaaminayo Ee Safarka Ku Maraya Gobolada Dalka Gaar Ahaan Gobolada Bariga Somaliland,Booqashada Madaxweyne Siilaanyo Ku Tagey Waa Mid Taariikhiya Waa Mid Lagu Xusuusan Doono Oo Taariikhda U Galeysa, Sideedba Marka Uu Madaxweyne Hogaanka Dalka Hayo Waxa Uu Ka Tagaa Raadad Lagu Xasuusto Iyo Taariikh, Madaxweynaha Waa Ina Lagu Bogaadiyo Waayo Dhamaan Goboladii Uu Tagey Waxa Uu Xadhiga Ka Jarey Mashaariic Uu Hore U Dhagaxdhigey Iyo Kuwa Cusub Oo Uu Dhagax Dhigey, Iyada Oo Ay Dawladani Tahay Dawladii Waxqabadka Mudadaa Sadexda Sano Iyo Badhka Ee Ay Jirtey Wixii Ay Somaliland U Qabatey Lagama Qaban 23sano Ee Ay Somaliland Jirtey,”Ayuu Yidhi Xildhibaan C/Laahi Xuseen Cige Blaaki

Mar Uu Xildhibaanku Ka Hadlayey Waxqabadka Xukuumada Madaxweyne Siilaanyo Ee Uu Ka Tirsan Yahay Waxa Uu Yidhi” Markaad Eegto dhinacyada Waxbarshada, Caafimaadka Iyo wadooyinka, garoomada diyaaradaha Sidaasi Darted Waxa Uu Madaxweynuhu Ka Mudan Yahay Umada Reer Somaliland Ina La Taageero Oo La Hambalyeeyo, Oo La Garab Istaago, Oo lag a Gaca Siiyo Waxqabadka Iyo Horumarka Balaadhan Ee Uu Ka Wado Guud Ahaan Dalka Oo Dhan, Waa Madaxweynihii U Horeeyey Ee Somaliland Ee Soo Taga Xadka Aynu Ka Wadaagno Maamul Goboleedka Soomaaliyeed Ee Puthlland Booqashadani Waxay Ka Nixisay Inta Somaliland Neceb Iyo Kuwii Warxumo Tashiilka La Wareegijirey.”Ayuu Yidhi Xildhibaan C/Laahi

Mar Uu Xildhibaanku Dadweynaha Reer Somaliland Ugu Baaqayey Inay Madaxweyne Siilaanyo Shanta Danbe Ee Soo Socda Ay Doortaan Ayaa Waxa Uu Yidhi”waxaan dadweynaha reer Somaliland ugu baaqayaa inay madaxweyne siilaanyo doorashada danbe ay doortaan, Waayo Umada Reer Somaliland Waa Umad Ka Abaal Guda Kana Taqaana Ninka Galada U Galey, Kalana Taqaan Ninkii Galadey Iyo Ganey ,Ilaahay Madaxweynaha Iyo Waftigiisa Hasoo Nabad Iyo Caanoceliyo, Waa Mahad Santihiin” Ayuu Kusoo Gabeeyey Xildhibaan C/Laahi Blaaki

WAJAALENEWS DESK

GABILEY OFFICE

EAMIL;WAJALENEWS@GMAIL.COM

COMMENTS
LINKS