Xawaalada Dahabshiil Oo Noqotay Mid Aan Dadwaynaha Waxba Ku Soo Celin Iyo Bulshada Reer Gabiley Oo Ka Dariyay Xaaladeeda Adeeg; | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Xawaalada Dahabshiil Oo Noqotay Mid Aan Dadwaynaha Waxba Ku Soo Celin Iyo Bulshada Reer Gabiley Oo Ka Dariyay Xaaladeeda Adeeg;
March 4, 2014 - Written by Editor:

GABILEY(WAJAALENEWS);Xawaalada dahabshiil oo ah company wayn isla markaana ku cana xawilaada lacagaha qalaad bulshada Somaliland aad u isticmaasho ayaa mudooyinkii u danbeeyay amaba sanadahan, ka gaabisay inay ka qaybqaadato danta guud ,waxna dib ugu soo celiso macaamiisheeda, haday tahay xaga adeeyada caafimaadka ,wadooyinka, xaga sportska, iyo meelo kale oo badan.

dahabshiil gabiley

Arinta xawaalada dahabshiil ku joojisay inay wax dib ugu soo celiso bulshada ayaa  dadwaynuhu ka dariyeen iyagoo ku andacooday in shaqadeedii, ka qayb qaadashada adeegyada bulshada u badashay muqdisho, macaashka xagan ka soo galena ay ku dhisto dariiqyada xamar,

Hadaba arimahan oo an wax ka waydiinay dadwaynaha reer gabiley ayaa walaac kamuujiyay sida ay xawaalada dahabshiil uga sii jeedsatay ,Somaliland gaar ahaan reer gabiley, waxna aanay ku darsan wadooyinka, ka socda. Xaga dhakhtarka, iyo meelkastaba,

AQOON YAHAN CABDIFATAAX CALI CUMAR oo ku sugan magaalada gabiley ayaa wuxuu yidhi, xawaalada dahabshiil oo dadwayne badan oo reer gabiley lacagtooda dhigtaan kuna soo xawishaan waxba gabiley kuma soo celiso, iskadaa wax soo celine adeeg xumada nagahaysata ayaa wax walba ka daran, isagoo hadalkiisa sii wata wuxu yidhi waxaan isticmaalayay 12 sano hadase waan ka wareegay oo waxaan u wareegay Oomaar global ,markii iyana ay xamar u wareegtay  ee lacagtayadii ay muqdisho wadooyin ugu samaysay  ayaa keentay inaanu ka guurno,waxa kale oo uu qurba jooga reer gabiley ugu baaqay inay ka qaataan lacagahooda wixii ay soo xawilayaana soo dhigtaan meelo kale sida Oomaar globol oo kale ayuu yidhi;

HOOYO CAASHA CABDI OO IYANA aanu wax ka waydiinay arimahan ayaa waxay tidhi, hooyo qolodan dhiigshiil, waxaanu bilksta lacagtii la noo soodhigay uunbuu inan yar oo xarunta gabiley maamulaa nasoo cel celinayaa xataa si ay adiga sadaqo ku siinayo ayuuba kuula hadlayaa markaa waxaan leeyahay reer gabilayow ka tashada xawaalada dahabshiil, dalkaba way ka sii socotaaye’

Maaha markii u horaysay ee bulshada reer gabiley cabasho ka muujiyaan adeeg xumada xawaalada dahabshiil oo mudooyinkii u danbaysay laga darinayay xaalkeeda. Loona torinayo inay hada xagaa iyo xamar xiiso u hayo

Iyadoo marka horeba loo xidhay suuqyadii oo dhan haday tahay sarifkii,baankii,oo xataa lala dagaalamay baanankii caalamiga ahaa ,

Waxaanu idiin soo gudbin doonaa qaabka ay u shaqayso iyo dhamaanba adeegyada ay bixiso xawaalada dahabshiil, arimaasi oo taxane ah kala soco shabakada wajaalenews .com

 

WAJAALENEWS DESK

GABILEY  OFFICE

EMAIL;wajalenews@gmail.com

Wariye  M.M.X

COMMENTS
LINKS