|
|||||
WAJAALE NEWS
Xagee Ayuu ku Dambeeyay Gudigii Tacliinta Sare ee Madaxweynuhu Magacaabay……..Guddoomiyihii Hore ee Hay’adda Shaqaalaha Somaliland
March 10, 2014 - Written by Editor:Ujeedada qoraalku maaha in la xidho Jamacadaha dalka oo kama maarano, Ujeedadu waxay tahay in aan laga warwareegin in ogolaanshaha laga la noqdo kuwa buuxin kari wayay 50%
Bishii August 2010 dhamaystirkii golaha wasiirada ka dib Madaxweynaha JSL md Axmed Siilaanyo wuxuu magacaabay gudiyo (Commissions) cusub oo hor leh oo aan wax faa’iido ah u lahayn qaranka balse kaliya culays ku haya miisaniyada kooban ee dalka hase ahaatee bulshadu waxay u riyaaqday ama loo bogay magacaabistii Gudida Tacliinta Sare oo dalku baahi wayn u qabay in la helo hay’ad si gaar ah ugu xilsaaran ilaalinta tayda Tacliinta Sare si aanay jaamacadaha Somaliland uga hoos marin heerka jaamacadaha dalalka dunida saddexaad. Muwaadin bal dhugo sheekadan gaaban: Gudoomiyihii hore ee jaamacada Hargeysa md Cabdi Haybe Cilmi wuxuu ka codsaday jaamacada Jomao Kenyatta inay ka damiinato aqoonsiga shahaadada jaamacada Hargeysa (acridition). si ay isaga hubiyaan in la damaanad qaadi karo waxay soo direen wafti ka kooban shan professor, 3 bilood oo ay Hargeysa joogeen iyo baadhitaan qoto dheer ka dib war bixin hor dhaca ah waxay ku sheegeen in jaamacadu 60% keliya buuxisay oo ay ka hoosayso heerkii laga rabay. COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|