Xaafadda Sheekh Nuur ee Barriga Hargeysa oo xalay Nin lagu Dilay iyo Boliiska oo aan wali cid u qaban | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Xaafadda Sheekh Nuur ee Barriga Hargeysa oo xalay Nin lagu Dilay iyo Boliiska oo aan wali cid u qaban
March 28, 2014 - Written by Editor:

HARGEISA(Wajaalenews);Xaafadda Shekh Nuur ee magaaladda Hargeysa (Kilika shanaad) ayaa xalay lagu Dilay marxuumka  oo la odhan jiray Shacayb, kaasoo ka tirsanaan jiray Booliska balse laga Ruqseeyey.

Dilka Shacayb ayaa dhacay xalay kadib markii nin aan la aqoonsan oo qori sitaa rasaas ku faray isagoo maraya xaafadaasi, kaasoo isla markiiba baxsaday.

Booliiska Hargeysa ayaa baadi goobayaa gacan ku dhiiglihii Dilkaa gaystay, hase yeeshee wararkii u danbeeyey ayaa sheegaya in aanay wali Booliisku ku guulaysan qabashada gacan ku dhiiglahaasi.

WAJAALENEWS DESK

HARGEISA OFFICE

 
COMMENTS
LINKS