|
|||||
WAJAALE NEWS
Waxqabadka Xukumada Waxaa Ka Mid ah in 8 Boos Oo Shaqo ah ay Soo Xaraystaan 5000 oo Shaqo Doon ahi….Meeday wax Qabadkii Dhaliyarada ee Shaqo la’aantu.QALINKII Maxamed cali sh, cumar
March 11, 2014 - Written by Editor:Waxa aynu wada ognahay markii uu kulmiye ku jiray ololaha doorashooyinka ee uu ahaa mucaaridka in uu in badan ku cel celin jiray waxaan wax ka qaban doonaa camal la’aanta haysata dhalinyarda oo waxaan u abuuri doonaa shaqooyin oo dib loo arki maayo dhalinyaro danbe oo bilaa camal ah.HARGEISA (WAJAALENEWS);Waxaa kale oo ka mid ahaa kalmadihii uu ku gali jiray tartanka doorashada UDUB way tagaysaaye ha tahriibin taas oo macnaheedu ahaa waxaa iman doona KULMIYE oo dadka shaqo u samayn doona markii uu kulmiye yimidna waxaa dhacday iska daa shaqo uu abuuree in dadkii shaqayn jiray qaar la soo dareeriyo oo qaarkood lagu qoro hawl gab iyadoo dadka lagu qoray hawl gabka ay ka mid yihiin dhalinyaro 30 jir ah oo aan gaadhin wakhtigii hawl gabka ahaa ee ay shaqada kaga fadhiisan lahaayeeen. dhinaca kale waxaa aynu wada ognahay in madaxwaynaha jamhuriyada somaliland uu magacaabay gudida la dagaalanka TAHRIIBTA iyadoo aynu wada ognahay in madaxwaynuhu hadana casuumad uu kala qayb galay qurba jooga dalka oo lagu qabtay hotel maansoor iyadoo si wayn oo soo agaasimahay madax badanina ay ka qab gashay iyadoo dhinaca kale aanay cidi waxba waydiin oo aynu cidi waxba u qaban dhalinyaradii wadanka ee jaamacadaha dalka ka soo baxay ee waliba u codeeyey madaxwaynaha iska daa in wax loo qabtee waxa dhacday in xukumada maanta jirtaa ay boqolkiiba sagaashan ay yihiin quraba joog. waxa aynu wada ognahay in agaasimayaasha wasaaradu ay leeyihiin oo dhami ay yihiin qurba joog halka mid mid laga yaabo in uu yahay qolqol joog wasiirada faha badan ee dalka maamulaa badan koodu waa wada qurba joog taas oo sababtay in maanta dhaalinayradii ay wada tahriibeen halkii shalay ay ka tahriibeen boqlokiiba 10 maanta waxa uu marayaa tahriibkii boqolkiiba 60 iyadoo ay tahriibeen waliba dhalinyaro dhamaystay jaamcadaha oo ah mustaqbalkii dalkan ay baduhu liqeeen. waxaa maanta marag cad kuu ah 8 boos oo shaqo ah oo banaan in 5000 shan kun oo dhalinyaro ah oo jaamiciiin ahi ay maanta u soo xaraysteen CV=goodii oo ayna jirin wax siyaasad cad oo maanta laga leeyahay dhalinayradaa faraha badan ee jaamcadaha dalka ee kala duwan ka soo wada qalin jabinaaya umaduhu ama dawladuhu waxa ay ku faanaan waa dhalinyarada hadii wadan laga waayo dhalinyaro waxaad garn kartaa in wadankaasi yahay mid baaba ah oo mustaqbal uu leeyahay aanu jirin. hadaba isku soo wada duuboo mee balanqaadkii xukumadu ay u balan qaaday dhalinyarada barigii ay mucaaridka QALINKII MAXAMED CALI SH, CUMAR (MUWAADIN DAWLADA SIILAANYO KAGA HOR YIMID TIMIHIISA OO UDAAYAY INTA XUKUUMADIISU DHACAYSO WAJAALENEWS DESK HARGEISA OFFICE
COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|