waxgaradka bariga gobolka sanaag oo ugu baaqay taliya ciidanka puntland in uu sida ugu dhaqsaha badan uga baxo magalada badhan | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
waxgaradka bariga gobolka sanaag oo ugu baaqay taliya ciidanka puntland in uu sida ugu dhaqsaha badan uga baxo magalada badhan
March 30, 2014 - Written by Editor:

badhan(Wajalenews)maamul gobolleedka Puntland Cabdillaahi Cumar Cashuur oo ku sugan degmada Badhan oo xaalado colaadeed iyo kala qaybin ah ka wada bariga Sanaag ku amray inuu muddo 48 saacadood gudahood kaga baxo magaalada Badhan, kaas oo la sheegay in ay ku eedeeyeen inuu xaalado iska horkeen iyo amaan daro uu ka abuurayo deegaanada bariga Sanaag, isla markaana ay talaabadaasi si weyn u soo dhaweeyeen shacbiga ku dhaqan degmada Badhan ee xarunta bariga Sanaag. Sida ay xaqiijiyeen dad goob joog ku ah degmada Badhan ayaa sheegay in madaxdhaqameedyada iyo waxgaradka deegaanka bariga Sanaag ee ku sugan degmada Badhan ay shalay ku amreen taliyaha ciidanka daraawiishta Mr Cashuur inuu si dhakhso ah uga baxo magaalada Badhan, kaas oo ilo wareedyadu tibaaxeen in shacbiga ku nool degmada Badhan aqlabiyadoodu ay soo dhaweeyeen go’aanka ay madaxdhaqameedka bariga Sanaag ay ku fareen sarkaalkaasi iyo maleeshiyada maamul goboleedka Puntland ee uu wato, isla markaana todobaadkan u dambeeyey ku suganaa degmada Badhan inay ka baxaan. Madaxdhaqameedyada, waxgaradka iyo aqoonyahanada Beesha Warsangeli ayaa muddooyinkan dambe aqalabiyadooda la sheegay inay xilligan taageeradooda u soo jiheeyeen Somaliland, waxaanay ilo wareedyadu intaa ku dareen in wafti balaadhan oo iskugu jira madaxdhaqameedyada, waxgaradka iyo cuqaasha Warsangali ee deegaanka Badhan ee bariga Sanaag la filayo inay dhawaan ka soo kicitimaan degmada Badhan, isla markaana socdaal ku iman doona caasimada Hargeysa, isla markaana kulamo la yeelan doonaan madaxweynaha iyo masuuliyiinta sare xukuumada Somaliland.

Wajaalenews.net

COMMENTS
LINKS