WAX KA BARRO HABKA IYO HANAANKA LOO BANDHIGO WAANADA IYO NASTEEXADA W/Q:Fardawsa Maax Xasan(Nimco) | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
WAX KA BARRO HABKA IYO HANAANKA LOO BANDHIGO WAANADA IYO NASTEEXADA W/Q:Fardawsa Maax Xasan(Nimco)
March 30, 2014 - Written by Editor:

HARGEISA(Wajaalenews);Nasteexo ama waano, talo bixin ama Caqli-celin qofba siduu u yaqaan ayaa ah  ficil uu dadku sameeyo si uu wax isugu sheego, iskuna saxo haddii uu mid u arko in qofka kale qaldanyahay ama koox u arkayso in koox kale qaldan tahay. Waxaana darruuri ah in dadku isa saxo. Waxayna ka mid tahay waanadu dhaqanka wanaagsan ee haddii laga waayo bulshada dhexdeedda ay bilaabmi karto foowdo iyo qal-qaloocyo. Sidoo kale nasteexadu waa sharci dhinaca diinteenna, waxaanaynnu ka dharagsanahay in Allaah swt. Soo diray rusul si ay dadka ugu nasteexeeyaan iyaga oo xumaanta ka reebaya wanaaganna faraya. Dhamaantood waxay odhan jireen marka ay u yeedhayaan dadkooda  “waanu idiin Nasteexayneynaan’’ Sidaa darteed ummadda wanaagsan dhexdeeda ka dhamaanmeyso in lays waaniyo qof iyo wadarrba. Walaw waanadu u kala baxayso mid qofku qof kale waaniyo iyo mid dad badani qof ama koox waaninaysoba, wuxuunaa mihiim ah in aan xaragadeeda laga tagin haddii aad doonayso in ay midho dhaliso waanadaasi. Waxaanan bal taaban doonaa waxyaabo dhib yarayn kara in waanada la kala qaato.

 

Maxaa looga baahan yahay qofka nasteexaynaya?

Inta aanad isku dayin in aad nasteexayso ama aad cid waaniso oo aad qalad saxdo waxaa fiican in aad adigu ahaato qof kamadhan waxa uu ka nasteexaynayo. Maxaa yeelay nasteexadaadu meel dheer gaadhimayso ama lagu dhageysan maayo haddaanad adigu ku sifoobin in aad ka madhan tahey dhaqanka ama khaladka aad isku dayeyso inaad toosiso.

Kadib markaad is hubsatey in aanad dhaqankaa ku jirin ayaad bilaabi kartaa in aad dadka kale uga nasteexayso. Waxaana laga yaabaa in dhaqankaaga shaqsi ahaaneed uu dadka dhiiri galiyo waxna kaa dhagaystaan.

Tusaale ahaan: Haddaad tahay qof sigaarka cabba balse aad doonayso in aad waaniso qof dhaliyaro ah oo  aad rabto in aanu cabbin ama joojiyo waxaa lagama maarmaan ah in aad adigu horta isa saxdo kadibna isaga waaniso.  Waano aan tusaale laheyni waa waxba kuma ool waxaana laga yaabaa in aad wax sii qaribto halkaad wax ka sixi laheyd. Markaa ahow qof u qalma wax sixida intaanad wax sixin.

Dadka oo dhan ma loo nasteexayn karaa?

Runtii nasteexadu waa wax loo baahan yahay yar iyo weynba, balse ka midho dhalinta nasteexadu waxay ku xidhantahey kan nasteexayaa habka iyo hanaanka uu u maro iyo sidoo kale dhaqan wanaaga qofka loo nasteexeynayo, waxayna noqonaysaa uun laba midkood.

1. In qofku ku dhageysto oo kaa qaato wixii aad uga digtey ama ka waannisey isaga oo dhagta kuu raaricinaya, unna bogaya hoga tusaaleyntaada.

2- In aanu kuba dhagaysan oo waliba daalac kuu raaco, ku af-lagaadeeyo kuna hiifo isaga oo kugu dhibsanaya nasteexadaa, maxaayeelay waxaa laga yaabaa in uu qalooca doorbiday oo aanu jeclayn in la saxo. Xasuusnow in aan dadka caqligooda iyo garashadooduba sineyn, garwaaqsiga khaladku waxay ka mid tahay geesinimada shaqsiga, balse ha ahaatee waxaa jira dad aan caqli buuran laheyn in la saxaana darruuri tahay. Asluubta sixitaankaaga iyo nasteexayntaadu waxay door weyn ka ciyaari kartaa qaadashada talada ee qofka kale la iman doono. Sidaa daraadeed waxaa lagamo maarmaan ah in aad tahay qof dulqaad badan haddii aad doonto in aad wax saxdo.

Isbadalka qofku adiga gacanta kuu guma jiro

Sida aan horeba usoo sheegay waxaynu ogsoonahay in nabiyo iyo rusul ay soo dageen oo ay xambaarsanaayeen qawl ka yimid xagga Illaahay; nasdeexo iyaga loo soo dhiibeyna ahaa balse in in badan oo dadkaa ka midd ah ay diidey. Sidaa darteed xasuusnow haddaad tahay qofka wax waaninaya in waanadaadda la qaadan karo lana diidi karo. Taasina yaaney kugu ridin niyad jab iyo ka caajisid in aad wax saxdo, xasuusnow in wanaagga aad farayso qof kale ha qaato ama ha diidee aad adigu ajarkiisa leedahay mar walba. Ha noqon maahmaadii Somaliyeed ee aheyd ‘’ Haddaad taliso oo lagu diido in la jabo ma doonta’

Nasteexada aan ka hadlayaa waa mid caam ah

Marwalba dadka diin uun looguma nasdeexeeyo, qofka ood baylah ka dadden u tilmaantaa waa nasdeexo, guubaabo xagga qoyska ah amase caafimaadkiisa iyo dhaqaalihiisa ah ayaa iyana nasdeexo qoto dheer ah, Somalidu waxay tidhaa ‘’ Wax wax kusiiya ma weydid, cid waxkuu sheegtaa yar’’ Sidoo kale haddii aad waalid tahey waxaan aaminsanahey in aad nasdeexo uun u taagentahey waagii berryaba, khaas ahaan marka ay carruutaadu ku kabo leekaato eed haddeed amar iyo ad-adeygu shaqayneyn waano mooyaanee. Waxaa fiican in waalidku barto hab wanaagsan oo waanadiisu u meel marto isagoon qaylo iyo dagaaltoona galin. Waxaannan aaminsanahey in dadka ugu badan ee wax toosin karaa waalidka yahey inta aan sharciba laysla gaadhin. Kolkaa ku dadaal in aad hanaan wanaagsan oo dabacsan wax u saxdo.

Nasteexada oo dhaqankeenii kasii baxaysa!

Awal hore dadkeennu wuu isku wada nasdeexi jiray, xataa kaad dariiq kula kulanto ayaa laga yaabeyey in uu kusoo doonto oo haduu arko wax aad qaldeyso uu ku toosiyo sida: Ilmaha sideed leedahay? Neefka ka daa sidaa, oo maad sidaa maahee sidaa yeeshid iwm. Nasdeexada dadka Somalida ah waxay ahaan jirtay wax dariiqa yaal yaal oo kii wax qalooca arkaaba uu isku dayo in uu saxo sidii ay isaga kolkaa ula ekaato, halka qofka kalena aanu marnaba ka xanaaqi jirin ee uu isku dayi jiray uun bal in uu dhankaana wax ka eego. Taasina waxay aheyd dhaqan iyo asadoodan wanaagsan oo dadka Soomaaliyeed ay hayb u lahaayeen haatanse faraha ka baxdey.

Maxaa is badaley?

Waxaad moodaa intii dagaalada iyo burburkii dalka ka dambeysey in wax badani badhxamey! Dadku baddaha ayuu ka talaabay dhaqano kale ayey ku qasmeen, kaas oo badhkood dalka kula soo noqdaan iskunna dayaan in ay ku muquuniyaan kii hore. Waxa kalee dhacdey in isdhalan rogg badan oo duruufaha burburku keenay ah ay dadka isku dhex qastey iyo iyadoo loo arkay dhaqankii miyigu in uu ahaa wax hooseeya oo badownimo ku dheehantahay lagana ilbaxay haatan oo lagu jiro xili casri ah kaas oo ka heer sareeya sidii iyo habkii loo noolaan jiray.

Taasi waxay ina gayeysiisay in aan dadku isa sixi karin oo laba mid laga baqo.

1. In dadka la dhawro oon meel looga dhicin qofka isagoo la dhawrayo dareenkiisa (Waa xataa haduu khalad weyn ku jiro)

2. In aanay reer magaalnnimo ahayn in aad qofka baddihiisa gasho ee aad ilbaxnnimada dhawrto taas oo ku faraysa ARAG OO DHAAF!

Marka ay labadan arimood oo la dhawraa soo baxday siina badatey ayaa waxa darka jiidhay qaladaadkii dadku iska toosin lahaa ama iskaga nasteexayn lahaa.

                                   Shuruudaha nasteexada

 

Soo jeedinta nasdeexadaadu ka maarmimayso arimahan hoos ku qoran

  • In ay tahay wax Allaha ka raali yahay oon macsiyo farayn qofka ama dabin qool (shirqool) aheyn, wanaagu wuu guulaystaa inta badan haddii si niyadsami ah loo fallo.
  • Wakhtiga iyo xaalada qofka aad u nasteexayso, dooro wakhti uu qofku xasiloon yahey firaaqona haysto, haysku dayin inaad nasteexo farto qof cadhaysan oo qawlalada ka xoorinaya, ku soo noqo wakhti uu ka xasiloon yahay xaaladaha sida cadhada, xanuun nabar ah oo ku taagan, wakhti uu gaajaysan yahay ama uu daalan yahey. Intaa xaaladood een soo sheegayba qofka maskaxdiisu kuuma soo wada jeedo, sidaa darteed waanadaadu waa biyo col dhaanshay.
  • Lafadhiiso qofka idinkoo iska soo hor jeeda haday suuragal tahayna adoo eegaya qofka wajigiisa si toos ah. Sii wakhti uu kuugu waramo, ahowna qof dhageysiga ku wanaagsan, ha bixin talo adoon xog hayn.
  • Yaaney noqon nasteexadaadu wax adiga dan gaar ahi kuugu jirto oo aad qofka si daddban u isticmaalayso, ha ahaato mid ka barri’i ah dan gaara ama in aad cid kale oon qofka aheyn u daneyneyso, xor ka ahow dan gaara una sheeg qofka in aad Illaahay darrtii ugu dadaalayso, jeceshaheyna wanaagiisa uun. Taasi waxay siin qofka ididiilo marka uu ogaado in aad wax kale ku lifaaqneyn waanadaada.
  • Waa in uu ahaadaa waxa aad ka waanineyso qofka kale wax aanad adigu ku sifoobin. Sidaan hore usoo sheegay waanadaadu meel gaadhimayso haddaanad adiguba bari’i ka aheyn waxaad ka waaninayso qofka.
  • Marka aad qof u nasteexayso ha la maragsan dadka kale, sida; adoo kor u dhawaaqaya ama faraha ku fiiqaya qofka aad doonayso in aad qaladkiisa saxdo. Si asduran oo adiga iyo isga/iyada uun ah qofka wax ugu sheeg. (Haddaanay ahayn gar loo dhan yahay; taas waa khasab in aad shirka ka hadasho)
  • Isticmaal erayada ah ‘’Waxay aniga ila tahay’’  ‘’ Waxaa qurux badnaan laheyd haddaad sidaa yeesho’’ Usoo qaad tusaaleyaal iyo xukun caqiido sida xadiis ama aayad khusaysa xaalkiisa. Marnaba haysku dayin in aad qofka amar siiso; nasteexadu amar ma aha waa dhibrin si dabacsan oo qabow ugu sheeg qofka wax, adoon kor u dhawaaqeyn oon dirireyn.
  • Haysku dhax darin waxyaabo badan, isku day hal shayba mar in aad ku joogto, khaasatan haddaad waanineyso caruur ama dhaliyaro (kuray ama sindheer ).
  • Ha niyad jabin haddii aanu kolkaaba qofkii muujin in uu qaatay khaas ahaan caruurta/dhalinyarada xasuusnow  ‘’ Ninyari intuu geed ka booduu talo ka bodaa’’ Waxa kaleed xasuusataa in aan caqligu sineyn sidaan hore u soo sheegay ama isla weyni jiri karto.
  • Haddaanad qofka aqoon u lahayn haw fikirin sida reer galbeedka oo hays odhan armuu dhibsadaa ama uu qalbi jabaa, xasuusnow haddii ay nasteexadaadu tahay wanaag in Ilaahay swt. kaa abaal marin doono; qofkuna haddaad si asluubta waafaqsan oo xishmadi ku jirto aad wax ugu sheegto waxaa laga yaabaa in aad kala kulanto wanaag.
  • Dadka waayeyn oo kaliya ma aha kuwa nasteexi karaa, waxaa laga yaabaa in qof yar uu ku cajab galiyo taladiisa ama waanadiisu waayo sida aan faraheenu u sineyn ayaa caqligeenuna u sineyn, waxaana la arkaa in qof aad kaaga yar uu kuu nasteexeeyo nasteexo wanaagsan ee ka qaado.
  • Talo iyo canaani meel mawada fadhiistaan, haddiiba uu hadafkaagu ahaa in aad nasteexdo canaani daw ma aha maxaa yeelay talo bixintaadu ha ku koobnaato wanaag iyo in aad qofka tusayso in aad u damqaneyso. Sidaa daraadeed haddaad wax dhacay oo lasoo dhaafay ka talo bixinayso ha ku noqnoqon sida ‘’ maxaad sidaa u yeeshay, sidaa maahee sidaa ayaad yeeli laheyd’’ Waxaad xasuusnaataa inaan qadar dhacay canaan laheyn balse wixii intaa ka dambeeya uun wax laga qaban karo. Sidoo kale haddii aad ka nasteexayso wax aan wali la gaadhin cadee uun dareenka aad qabto iyo sida ay kula tahay. Xusuusnow in dadku had iyo jeer jecelyahey inuu maqlo waxa naftiisu doonayso haba ahaado wax khaldanee. Canaantuna waxay sii kordhisaa uun walaaca, isku day labada in aad qofka xasuusiso in qadraku jiro balse wixii dhacay aanu soo noqnoqon.

Qadarka dhacay oo laysku canaantaa waa waxyaabaha ummadeenu ku caan baxdey, runtiina qofka la waaninayaa uma baahna canaan, waxaa uga roon iyadoo la garab istaago lana dhiiri galiyo sidii isbadalkaa uu ula iman lahaa qofku ama dadku.

Waxaan kusoo gunaanadayaa yaanay dhexdeena ka bixin wixii dhaqan wanaagsan ahaa, isa sixiduna waa mihiim waana arin aynu xoolaha kaga duwanahey madaama samac, basar iyo fu’aad uu Illaahay swt. Inagu maneystay, qaladaadka oo lasaxaa waa qayb rumaynta xaqa la xidhiidha, waana sababta laynoo yidhi ‘’Waxaad tihiin ummad lasoo saaro tii ugu khayrka badneyd, maxaa yeelay dadkaad samaanta fartaan; xumaantana waad ka reebtaan’’ Aynu ahaanu kuwa tilmaantaas u sugnaatey iimaankana ka runsheegay shicib iyo

Fardawsa Maax Xasan(Nimco)

fardawsan@yahoo.ca

COMMENTS
LINKS