|
|||||
WAJAALE NEWS
Wasiirka-Wasaarada-Qorshaynta-Qaranka-Somaliland-Oo-Ka-Hadlay-Deeq-Somaliland-Wax-Loogu-Qabanayey-Oo-Bangiga-Horumarinta-Afrika-U-Qaabilsan-Uu-Soo-Mariyey-Dawlada-Somaliya.
March 11, 2014 - Written by Editor:HARGEISA (WAJAALENEWS);Wasiirka Wasaarada Qorshaynta Qaranka Jamhuriyada Somaliland Dr: Sacad Cali Shire ayaa waxaa uu dhayda ka cadeeyey in aanay Somaliland marnaba qaadan dooynin lacagaha horumarineed ee la soo marinayo dawlada faderaalka somaliya ,waxaana uu sheegay in lacagta bangiga horumarinta afrika uu somarinyo somaliya aanay marnaba qaadan doonin. Dr: Sacad Cali Shire waxaa uu sida oo kale uu tibaaxay in aan wixii deeqa ah ee somaliya iy Somaliland ka dhexeeya lagaga wada hadli doono shirka ka socda dalka turkiga Hadalkan ayaa uu saaka ku dhawaaqay mar uu xafiiskiisa ugu waramaayey warbaahinta madaxbanaan waxaan hadaladiisii ka mid ahaa:”…Mucaawimooyinka ay ina siiyaan amaba ay inoogu deeqaan deeq bixiyaashu, ilaa iyo hada sidii caadada ahaan jirtay wixii somaliya la siinaayo goonaa loogu goyn jiray, lama soo marin jirin ama lagama soo amar qaadan jirin dawlada faderaalka somaliya, waxaan raynaynaa in aan siyaasadaas waxba iska badalin, waayo deeq wadan kale la soo mariyey ama gacan kale lasoo galiyey oo muujinaysa in loo turjunto in wadankaa ama gacantaa ay soo marayso aynu ka mid nahay deeqdaana yeeli mayno qaadana mayno, wixii deeq layna sii naayo waa in toos laynoo siiyo, mararka qaarkoodna waa aynu ka wada hadli karnaa sidii aynu wax u kala qayb sanayno, wada hadal baana inaga iyo somaliya inoo socda oo ka bilawday Istanbuul waan ay ino socdaan waan madashaa madasha lagaga wadada hadlaayo inaynu kaga wada hadalno sidii wax look ala qaybsanaayo, laakiin sidii ku cadayd xayeysiiski uu soo dhajiyey bankiga horumarinta afrika ee ahayd in lacag gacanta looga galiyey somaliya lacagtaasi oo lagu isticmaalaayo sidii loo tayeyn lahaa xog ururinta Somaliland taa soo u muuqatay lacag ka timi faderaaalka somaliya, runtii maaha mid aynu aqbalayno horena aynu u aqbalnay, wixii deeq bangigu ina siinaayo cidii kaleba waa soo dhaweynaynaa laakiin sifada lanoo siinayaa waa inay noqoto mid madax banaanideena ka turjumaysa…”. WAJAALENEWS DESK HARGEISA SOMALILAND COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|